Isaaqu saddex goor buu si aad u xun u dhaawacmay.

0
Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

Taariikhda cusub reerka Isaaqu saddex goor buu si aad u xun u dhaawacmay.

W/Q Ibraahin-hawd

Mar dad iyo duunyaba waxaa dhulka ku masaxay maamulkii Faqash, ilaa ay hambadoodii xeryo qaxooti qamadida ku cuntay, oo waa xilligii halganka SNM. Mar labaad iyagii oo caydh dulugle ah kolkii ay dalkoodii oo gabaahiir ah ku soo noqdeen, sidii Yuhuuddu Baabil u ga soo noqotay laba kun iyo badh sano ka hor, qudhoodii baa dib isu wada qashay, waana dagaalladii Habarhabarta. Mar saddexaad iyaga oo Soomaalida kale ee Waqooyi magaca Soomaalilaand la huwan oo wax qabsaday oo dunidu majeerato waxaa samada ka ga yimid wadkoodii oo la yidhaahdo Kulmiye, Jeegaan iyo Baha Iiddoor hadba magaca la la doono, waana marxaladdan weli la gu jiro.

Wadkan Soomaalilaand dilay ee raqdeeda ku fadhiyaa waa dad waxa qudha ee macnaha u lihi yahay magaca dawladda oo reero la gu la dagaallamo iyo qabyaalad qaawan oo dalka la gu cuno. Si dadaalkaa mintidnimada ahi u shaqeeyo waxaa la macne tiray sharcigii la gu wada xisaabtami lahaa, golayaashii fulinta xakamayn lahaa, garsoorkii awoodaha ka la hagi lahaa, doorashooyinkii dastuuriga ahaa, xisbiyadii dadku is ku muujin lahaa iyo guud ahaan dhaqankii dawladnimada ee la iimaansan lahaa.

Dadkan marka aad dhaqankooda u fiirsato wax aad arkaysaa in aanay haba yaraato ee wax dan ah ka lahayn berri iyo mustaqbalka iyo waxa falalkooda ka dhalanaya. Wax dan ah ka ma laha in ay reeruhu is laayaan, in waxa la gu wada joogaa qiimo beelo oo la gu ka la tago, in gorgortanka Koonfur la gu la jiraa isu beddelo is dhiibid iyo habqale bulshada Waqooyiga ku dhaca, taas oo imikaba si xawli leh u socota.

Soddonkii sano ee tagay warqadda gorgortanka haddii boqol dhibcood la ga dhigo 80% Hargeysa ayaa haysatay in kasta oo aanay sinaba u ga faa’iidaysan, 20% keliya ayaana taallay Koonfurtii ku ba’day dagaaloogayaasha, isbaaroolayaasha, argagixisada, budhcad badeedda iyo faragalinta shisheeyaha. Laakiin shirkii Jabbuuti wax uu si wacan u muujiyay warqadda gorgortanka maanta in ay Xamar haysato 90% halka Hargeysi xitaa 10% u hadhay ay maarayn kari la dahay. Taa waxaa keenay Budhcadda Qabyaaleed oo falsafaddeeda noloshu ku urursan tahay xin qabyaaladeed iyo wax la cuno. Taas baa keentay gorgortamayaasha siyaasadda ee Xamar in kalsoonidooda wadahadalka midnimadu maalinba ta ka dambaysa sii xoogaysato, halka ay kalsoonida iyo warqadda Waqooyigu ciyaari karaa sii baabba’ayso.

Xaqiiqadaa kore kolka la ga duulo, Soomaalilaand iyo qabiilka Isaaq labadaba wax ay taagan yihiin isgoys dhanka loo ga dhaqaaqayaa muhiim tahay. In dib la isu gu noqdo oo dalka la ga qabto kooxdan qamuunyaysan ee aan waxba dan ka lahayn ama in dhab loo qirto in aan meesha gorgortan Koonfur la la galaa oollin ee qof wal iyo qolo kastaa u dhaqaaqdo sidii ay kaalinteeda iyo xaqeeda u ga heli lahayd Soomaaliweyn ayay mid uun noqonaysaa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.