” is bahaysiga huwan”,W/Q:A.Garuuje

0
'Xisbiyadda dib haloo furro '

Aduunyada waligeed waxaa ka jiray is xulafaysi ku dhisnaa hadba waayaha jooga dareenkiisa kaasoo hadba intii dani is raacisaa is garabsan jirtay .

Dhinaca somaliland sidda ku qoran sooyaalka taariikhda waxaa soo maray xulifooyin ay qaybo bulshada ihi ku kulmi jirtay ,kuwaasoo la bixi jiray magacyo ay ka mid yihiin ,dan wadaag .gaashaanbuur .baho .huwan iwm .

Hadaba is bahaysiyadaa waxaa ka mid ahayd is bahaysi la odhan jiray huwan kaasoo beelaha gobolada barriga somaliland gaar ahaan dhulbante .habaryoonis iyo habar jeclo horaantii qarnigii horre ku midoobeen si ay isaga caabiyaan daraawiidhtii sayd maxamed cabdile xasan .

silsiladii guba abwaan salaan carabey isagoo cali dhuux la hadlaya waatuu lahaa :

” huwan maraga waatay ahayd hadhacii waabnaa ” .

Hadaba si la isugu dheeli tirro miisaanka siyaasada somaliland waxaa lagama maarmaana in la dhiso isbahaysi siyaasadeed oo u dhigma is bahaysiga jeegaanta .

Hadaba si isbahaysigaa loo dhiso waxaa muhiima in beesha garxajis la timaado shax siyaasadeed la mida tii laanmulaaxo 1954 soona dhisto is bahaysiga huwan oo ka kooban garxajis gadabiirsi harti iyo arab .

In musharaha madaxwaynaha lagga dhigo beesha gadabiirsi ku xigeenkana beesha arab beelaha garxajis iyo hartina xisbiga hogaanka u qabtaan .

In gogosha shirka is bahaysiga huwan ay dhigto beesha garxajis laguna qabto magaalada laanmulaaxo .

In doorashada 2022 diyaar garawgeeda la bilaabo horaanta sanadka 2018

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.