“Innaga oo aan dilin oo qudha ka jarin ayuu innaga baxsaday”

0

“Innaga oo aan dilin oo qudha ka jarin ayuu innaga baxsaday”
Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa saxaafadda u sheegay in ciidankii gadoodsanaa ee dhawaan ugu tagey qasriga ay qaarkood qorshaynayeen in ay qudha ka jaraan.

Waxa uu Abiy halkaa ka iftiimiyey in uu ku maaweeliyey in ay jimicsi la sameeyaan oo uu sidaa amray dabadeedna xaaladdu sidaa ay ku degtay. Waxa kale oo uu xusay in aannu faraxsaneyn oo uu hoosta ka gubanayey marka uu sidaa yeelayey.

Dhanka kale war soo baxay ayaa sidoo kale sheegay in markii xaaladdu degtay ee uu Abiy ka tagey goobta la maqlaayey saraakiil ciidamada ka mid ah oo leh “innaga oo aan dilin oo qudha ka jarin ayuu innaga baxsaday”.

Arrintani waxa ay ka markhaati kacaysaa in Itoobiya iyo xaalkeeda siyaasadeed uu noqday mid aad u ga beddelan sidii uu beri ahaan jiray. Waxa kale oo ay ku tusaysaa in dhaqaalihii hoos u dhac ku yimi kol haddii mushaharo ciidan la isugu yimi, qoomiyadihii waddanka wada lahaana ay dabinta isku ruugayaan.

Waxa hubaal ah in Raysal Wasaaraha cusub siyaasaddiisa hoggaamineed ee wakhtigan uu rafad door ahi ku jiro. Waxa caddayn u ah dawlad lix bilood ka hor la soo dhisay oo la ga fursan waayey in la kala diro oo mid cusub oo qaaciido cusub (new formula) ku fadhida la gu beddelo. Cabinet Reshuffle sannad ka yar haddii aad aragto waa Face-Saving Policy.

Mohamed Hagi Mohamoud

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.