INNAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN!/Qalinkii: Sh’Mohamed Idris

0

SOOMAALI
Waa Musiibooyinka ugu weyn ee laga istirjaacsado. Cashara Awaakhir ayaa lagu jiraa Ramadaan! Waxaan ku ducaysaneynaa Ilaahow Dalkayagi u Naxariiso, oo Naxariis ku soo deji.. Oo dhibka naga dul qaad!

Laakiin Xagee naxariisto kusoo degtaa! waxaa Idaacadda VOA ka qaylinaya Hantidhawrka Qaranka Oo leh: Hantidii Ummadda Muqdisha Waa La boobayaa! Tii Dibadda waa la boobayaa! Masaakiin qaxootiya ayaa furaashyada la leeyahay madaxa ku qaata oo laga kicinayaa Hanti Qaran, subaxa dambena dad kale ayaa loo qaybinayaa! Dhulal iskuulo ama hoteelo qaranku lahaa ayaa la xaraashanayaa! Askari iyo shaqaale Miskiin ah ayaan 4 bilood mushaar yar helin! Dadna meeluu dhiguu waayey! Waa hadalkii Masuulka maaha hadalkayga!

See Ilaahay ugu ajiibaa qof wuxuu cunayaa xaaraan tahay, wuxuu xirtayna xaaraan tahay, waxa lagu quudiyeyna xaaraan tahay?

War Soomaaliyey Halla Duceeyaad leedihiin, oo dalkii iyo dadkii haloo duceeyo, xagee Ducadu martaa hadey ku gudbantahay: Dulmi, Boob, Dhac, Dil, Dhiig, iyo Belaayoo dhan!

Ninka Idaacadda Ka hadlayey ee Masuulkaa wuxuu leeyahay Warbixino iyo dacwado dhamays tiran ayaan u gudbiyey Madaxda Sare ee Dawladda Soomaaliya, Fulinta iyo Barlamaanka!

Walaalayaalow Ilaahay Duca Kama Aqbalo Ummad waxaas raalli isaga noqota, ama qabiil iyo Musuqmaasuq isugu hiilisa, oo marada isu saarta, iyo ii qabo aan kuu gooyee!

Waxaas waa inaan raalli laga noqon, oo laga dhiidhiyo, oo laga qayliyo, oo laga hadlo, oo ilaahay laga magan galo, oo inta faraha kula jirta gacanta laga qabto, haddiise qof walbaa yiraahdo : maxaa iga galay? Iyo maxaan ka qaban karaa? Dhamaan Musiibadu waa innagu habsaneysaa!

War Ducada Hala wado, Laakiin Ducadu Sabab in lagu daro ayey u baahantahay, waa arrin sharciya, oo diin ah, Belaayaan Faraha kula jiraa, oo gacmahaan taagayaa waa tii xadiisku ka digey, ee Ilaahay halaga boqo..

War miyaan la dhimanayn? Miyaan Ilaahay laga xishoonayn? Khaliqigiisa inna daawanaya miyaan la arkayn? Ilaahow Bari ayaan ka nahay, Ilaahow Waa kaaga Cudur Daaraneynaa, Ilaahow Musiibada ku soo degta iyo Caradaada Naga Badbaadi.. Aamiin…

Sh’Mohamed Idris

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.