Ingiriiska Oo Sii Wada Digniintiisa Somaliland

0
Ingiriiska Oo Sii Wada Digniintiisa Somaliland

Ingiriiska Oo Sii Wada Digniintiisa Somaliland
Boqortooyada Ingiriiska ayaa weli ka digaysa in muwaadiniinteedu u socdaalan Somaliland marka laga reebo Hargeysa iyo Berbera oo ay ugu socdaali karaan danaha daruuriga ah.

Talada waaxda arrimaha dibadda Ingiriisku siiso muwaadiniinteeda Dunida ayaa lagu yidhi “ Talada xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka (FCO) waa in aan gabi ahaanba loo socdaalin Soomaaliya oo ay Somaliland-na ku jirto marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,” sidaas ayaa lagu yidhi talada oo intii sanadkan cusub ee 2019 laba jeer la cusboonaysiiyay.

Taladu waxay intaas ku daraysa in muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo aan hawlo lagama maarmaan ah u joogin Hargeysa iyo Berbera uu iskaga tago “ Muwaadin kasta oo Hargeysa ama Berbera jooga waa in uu feejignaanta ugu saraysa ku jiro kana taxadaro goobaha dadweynaha ee bulshadu isugu timaaddo, waa in uu la socda warbaahinta gudaha iyo ta caalamiga ah si uu uga fogaado mudaharaado ama rabshado dhaca,” Sidaas ayaa lagu yidhi waxaana la raaciyay in rabashad kasta oo ay arkaan isaga tagaan iskuna dayin in ay daawadaan ama sawirtaan.

Shalay ayay baraha bulshada haysteen muwaadiniin reer Galbeed ah oo sawirro laga qaaday iyaga oo fadhiya meheradda shaaha ee Diyaaradda oo badhtamaha Hargeysa ku taalla ahna mid caan ah oo la isugu yimaaddo waxaanay taasi muujinaysay nabadda iyo sida ay reer Somaliland u soo dhawaynayaan bulshada ajaanibka ah.

Waxa kale oo Hargeysa ku sugan muwaadiniin shisheeye oo qayb ka ah orodka dheer ee Somaliland oo maanta ka qabsoomay Hargeysa.

Talada socdaalka ee Ingiriiska oo uu muwaadiniintiisa Somaliland iyo Somalia jooga ugu sheego suurto galnimada in kooxaha Argagixisada ahi beegsadaan muwaadiniinta reer Galbeedka ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhawaan waxay u muuqatay in xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriisku kor u kacayo markii wasiirka gaashaandhigga Ingiriisku yimid magaalada Hargeysa.

Talada Socdaalka Ingiriiska ayaa sanadihii u dambeeyay ahayd in magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo kaliya xaajooyinka daruuriga ah uun loo tagi karo.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.