“In-yar Indhahaaga I Sii,” Nada Yuusuf Cumar

0

“In-yar Indhahaaga I Sii,” Nada Yuusuf Cumar

Bismilaahi

Walaalkayga qaaliga ahow, waxa aan kaa cod sanayaa in aad in yar oo wakhtigaaga kamida isiisid.
Mahadsanid.

Wiil doob ah, ayaa waxa ay is barteen gashaanti, qurux iyo qiimo rabbi siiyay, isaga hortii cid may baran, nin ka horreeyayna hadal uma ay furin. Waxa ay ka baqataa ragga, way xishood badan tahay mana taqaan qaab loo haasaawo.

Isagu ilayn waxa uu ahaa xariif soo diyaar garoobaye, waakaa u kala furay kitaab uu soo diyarsaday, waakaa shukaansi quruxbadan, haddallo macaan iyo marxabbayn heersare ah u bilaabay.

Rummaysatay, oo iyana sidii uu maalinba in yar ugu akhrinaayay ayay aamintay, way ka heshay markaasay waliba mafsuud ku noqotay, markaasay haddana la dhacsantahay, oo ay u riyaaqsantahay.

Waxa ay baratay saamalayl, iyo soo jeed habeenkii ah, hore teleefan umay haysan, imika se waxa ay haysataa Samsayn S3, uu isagu hadyad ugu keenay. Habeen baxa, sheekada iyo saamalaylkuba waxa ay u noqdeen balwad.

Barashadi aad ayay u fogaatay, kalsooni xad dhafana uu gashaday inantii, waxaana ay gaadhay heer aanay ka soo laban karin.
Waxa uu u ballan qaaday guur, waxa uu u sheegay in uu sida ugu dhakhsaha badan u guursanaayo. Sida awgeed ayay saaxibbadaheed u sheegtay in dhawaan la soo dooni doono. Hawliba waata taagane, habeen habenada kamida ayuu la ballamay, kadibna way is raacen, waxa uu geeyay guri uu ugu sheegay in uu saaxibkii leeyahay, oo uu yidhi xaaskiisa ayaa joogta, waan iskiin barayaa oo way inna casuumeen.

Waxa ay tageen gurigii, waxa ka furay wiil guriga joogay, kadibna waxa ay fadhiisteen qolka fadhiga. Muddo yar kadib ayuu ka baxay qolkii isaga oo u sheegay in uu soo labanaayo, kaligeed ayaa qolka fadhida oo waxa ay sugaysaa isaga.
Cabbaar kadib ayuu u soo laabtay isaga oo sida laba koob oo sharaaba. Koob kiisi ayuu si dhakhsa ah u cabbay, iyana iyada oo xishoonysa ayay koobkeedi dhawr jeer oo kala fog kabbatay.

Toban daqiiqadood in ku siman markii ay kasoo wareegtay kabashada koobka sharaabka ah ayay is badashay sidii qof sirkhaansan, markaas ayaa ugu danbeysay miyir iyo maan.

Laba saacadood kadib ayay soo mirawday iyada oo aan garan karin waxa ku dhacay, iyo sida xaal yahay toona.
Wixii uu rabay in uu sameeyo ayuu ku sameeyay, uu ka xaajo gutay iyana way wayday gabadh nimadeedi.

Waxa uu ku qaaday gadhigii ay soo raaceen maahe ku kale, waxa uu geeyay gurigoodi, dawadi way ka baxday, waxaana u billaabmay xannuun. Haa xanuun badan ayay dareemaysaa, waxa ay gashay musqusha, markaas ayay is ogaatay in ay gabadh nimadeedi hallaysay.

Muraaradillac, qalbi jab, xanuun, murugo iyo ciil aanay cidna la wadaagi karin ayaa ku habsaday.

Wax ay ciishootaba , waxa ay bilawday toobad keen, waxa ay ogaatay in ay xagga rbbi ka geftay, waxa ay kacdaa habeenkii saqda dhexe, waxa ay bariday Alle, in uu boksiiyo, ninkaa xumaanta ku sameeyayna ka abaal mariyo.

Alle isaga ayaa raxmaan ahe uu u boogo dhayay gabadhi, iyada oo aan cidi ogaanna way boksatay. Ammin-yar dabadeedna waxa ay noqotay marwo, raas iyo rug wayn Alle ku arsaaqay, waxa ay noqotay hooyo wanaagsan oo ka soo baxda ma’uuliyadda gurigeeda iyo ilmaheeda.

Ninkii ay aamintay ee xumaanta ku sameeyayna dib uma soo raadsan, xataa salaan-danbe uma soo dirin, sidaad tahayna jiidhkay qaboojisaaye, markuu hadafkiisi dhammaystay ayaa ugu danbaysay.

Haddii iyada xaakeedu sidaa noqday, boksatay oo Alle ka aqablay ducadii isagana maxaa u danbeeyay.

Waxa uu la dhashay hal gabadh, gabadhii waxa ay qaaday uur aan lagaranayn cid leh, isagana dhawr sanno kadib waxa ku dhacay xanuunkii xumaa!!! Wax uu silcaba oo uu ahaado dhul jiif, maalinkii danbe ayuu si xun u geeriyooday isaga oo maydkiisi lamaydhi kari wayay oo ur qanmuun yeeshay.

Haddaba walaal akhristaha wiilka ahow, ogow haddii aad gabadh xumaan ku samayso in aanay meel kaa tagayn, walaashaa, hooyada, inanta aad dhasho xaaskaga xataa ha noqotane xumaantu gurigaaga ayay ku soo laabanaysa..

Marka aad gabadh xumaan ku samaynayso ogow Alle uu ku daalacanayaa, waxbana kama qarsoona.

Waxa jira rag badan oo sharaf leh, oo haddana hawshooda hoose badan tahay, waxa uu soo doonanayaa ina habel sharaf leh, markaas ayaa lagu darayaa oo loo guurinayaa, ilayn cidi ma oge. Isagu se waxa uu hilmaamsan yahay in uu Alle arkayo oo waxkasta uu diwaangashan yihin.

Walaal toobad keen, haddii khalad kaa dhacay, Alle waa danbi dhaafe naxariiste ah, haddii aad tahay mid dhawrsanna Alle haku xafido ee Alle bari oo dhwrsoonidaada ilaasho.

Nada Yuusuf Cumar

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.