In shacabku cashuur bixinta diido waa wax dhaca

0
Bahda Garsoorku Yaannu Eed Isu Marin Warbaahinta ee Sharciga ha Isku Qanciyeen!

In shacabku cashuur bixinta diido waa wax dhaca, balse habka looga falceliya kala duwan.

Aragtida ka dambaysa in dawlad hoose la yagleelo waa in adeega dawliga iyo maamulidiisa la daadejiyo. Sababta cashuurta loo bixiyaana waa in adeegaas la helo.
Dawladaha hoose waxa kale oo loo sameeya si shacabku deg deg ugu helaan baahiyaha aasaasiga, maadaama dawladda dhexe hawlo kale Ku mashquulsan tahay.

Waa wax iska dhaca in shacabku diidaan bixinta cashuurta, haddii ay arki wayaan wax adeeg ah oo ku soo noqonayaa, sababtoo ah ujeeddooyinka ugu waaweyn ee cashuurta loo qaada maaha in la cuno ee waa in adeeg shacabka lagu celiyo.

Waxa iyadana meesha taal hannaankeena cashuuraha waa la daadejiyey oo badh dawladaha hoosa qaada, badhna dawladda dhexe. Tusaale ahaan, cashuuraha beriga (Inland revenue), kastamada (Custom tax), dakhliga Shaqaalaha iyo shirkada (Personal and corporate tax) iyo kuwo kale oo badan waxa qaada dawladda dhexe, halka dawladaha hoose ururiso cashuuro badan oo ay ka mid yihiin cashuuraha mulkiyada hantida ma guurtada (Property tax), cashuura dadban (ex. VAT), dhaxalka iwm.

Markaa shacabku cashuurta ay bixiyaan ha lagu celiyo, hana dareemaan in ay gacan Aamina Ku jirto. Haddii diidmo cashuur bixinta ah ka timaad shacabku maaha dambi ay galeen ee adeeg iyo wax u qabasho ha lagaga jawaabo. Shacabka laftooduna ha barteen cashuuraha, laga qaado iyo sida ay ugu waajibeen.

Cashuur la’aan waa adeeg la’aan; adeeg la’aana waa cashuur la’aa.

Ibraahim Khadar
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay u gaar tahay qofka ku Qoron, kamana tarjumeyso Sayruuq News. Sayruuq News, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa shaksiga ah. Kusoo dir qoraaladaada sayruuqnew@gmail.com ama contact@sayruuq.com Mahadsanid

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.