Imaaraadka Oo Weerar Ba’an Ku Haya Farmaajo

0
10 Qodob Oo Maraykanku Waydiinayo Farmaajo

Imaaraadka Oo Weerar Ba’an Ku Haya Farmaajo

Baraha bulshada siiba Twitter-ka ayaa duufaanno mucaaradad ah lagaga kiciyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo kadib markii uu ka soo horjeestay heshiiska Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee horumarinta dekedda Berbera. Waxyaabaha lagu faafinayo baraha bulshada ayaa inta badan ku qoran luuqadda Carabiga.

Dhalliilaha la baahiyay waxa si weyn uga muuqda sida aanay Soomaaliya faraha ugu hayn taladeeda iyo dayaca ka muuqda bulshadeeda oo ay ahayd in Farmaajo wax ka qabto waxaana hadda baraha bulshada ka soo muuqday taageerayaasha Farmaajo oo mucaaradadaas ku tilmaamaya shakhsi weerar Imaaraadka iyo Sucuudigu alooseen iyaga oo qaarkood ku doodaya in ay yihiin akowno been abuur ah oo Imaaraadku samaystay.

Imaaraadka Oo Weerar Ba’an Ku Haya Farmaajo

“Madaxdeena in dowlado shisheeye ku xadgudbaan waxay ka dhigantahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay, Weerarka lagu hayo Madaxda Soomaaliya ee ka socda baraha bulshada (social media) ayna gadaal ka riixayso Dowlada Imaaraadka Carabta wuxu xadgudub labaad ku yahay madax-banaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya” sidaas ayuu boggiisa Facebook ku qoray Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka Farmaajo laakiin, arrintan ka soo horjeestay.

Xukumadda Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo horjeeda saamiga la siiyay dawladda Itoobiya ee ah in ay 19% qaadato maamulka dekedda taas bedelkeedana ay noqoto macmiilka ugu weyn ee wax kala soo dega waxna ka dhoofsada laakiin, madaxweynaha Somaliland waxa uu mawqifka Soomaaliya ku tilmaamay dagaal ay u iclaamisay Somaliland.

Imaaraadka Oo Weerar Ba’an Ku Haya Farmaajo Imaaraadka Oo Weerar Ba’an Ku Haya Farmaajo

Imaaraadka Oo Weerar Ba’an Ku Haya Farmaajo Imaaraadka Oo Weerar Ba’an Ku Haya Farmaajo Imaaraadka Oo Weerar Ba’an Ku Haya Farmaajo

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.