Imaaraadka Oo Ka Aargoosanayso Soomaaliya

0
Imaaraadka Oo Joojiyay Fiisaha Somalia Kuna Bedelay Somaliland

Imaaraadka Oo Ka Aargoosanayso Soomaaliya

Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay qaadayso tallaabooyin ay kaga aargoosanayso dawladda Soomaaliya oo ay muddooyinkii u dambeeyay lahaayeen cilaaqaad sii xumaanaya. Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Imaaraadka oo ka cadhaysan lacag Soomaaliya ka qabsatay uu doonayo in uu danaha ganacsatada Soomaalida ee Imaaraadka iyo joogitaankooda dalkaasi ay culays saaraan.

“UAE waxay darsaysa xannibaado ay ku soo rogto Soomaalida dalkeeda markii uu xumaaday cilaaqaadkeeda Soomaaliya. Imaaraadku wuxuu joojin doona bixinta degenaanshaha(Iqaamadda) Soomaalida, waxaanu joojinaya cusboonaysiinta ku jira markay ka dhacaan. Tallaabooyinkan waxay saamayn doonta 1000 qof oo Soomaali ah,” Sidaas ayay Sayruuqnews ka soo xigatay Investigation Dossier oo uu qoro wariyaha VOA Haaruun Macruuf.

Warbaahintan ayaa soo xigatay masuul aan magaciisa la sheegin waxaanu sheegay in dawladda Somalia ka shaqaynayso sidii loo dejin lahaa xiisadda Imaaraadka. Waxa uu sheegay in Soomaaliya wixii tallaabo loo baahan yahay qaadayso si ay u ilaaliso danaheeda dhaqaale iyo dadka Soomaalida ah ee Imaaraadka jooga.

Soomaaliya Oo Dib U Baryaysa Imaaraadka Carabta

Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Masar Cabdifataax Al Sisi sida ay tabisay wakaalladda wararka Somalia. Wada hadalkan ayaa la sheegay in uu qayb ka ahaa sidii Al Sisi qayb uga noqon lahaa xallinta khilaafka xumaaday ee Muqdisho iyo Abu Dubai.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u muuqda mid ku guuldarraystay diblamaasiyadda. Imaaraadka ayaa ka xamaam urursaday Soomaaliya kadib markii lacag dhan $9.6M oo Imaaraadku leeyahay lagu qabtay Muqdisho. Dawladda Muqdisho ayaa markiiba sheegtay in ay la wareegayso ciidamada Imaaraadku maamulayay laakiin, waxa arrintaasi dhabarka ka jabiyay Cabdiwali Maxamed Gaas oo sheegay in aanay Puntland ka maarmin Imaaraadka.

Imaaraadka Oo Ka hulleelay Maamulka Puntland

Xukumadda Muqdisho ayaa dhawaan sheegtay in lacagta laga haysto Imaaraadka loo celinayo, islamarkaana ay doonayaan in ay ka wada hadlaan xallinka khilaafka cakiran ee Imaaraadka laakiin, wali Imaaraadku wax war ah ma soo saarin waxaanu hore u sheegay in ay joojiyeen heshiiskii u dhexeeyay Muqdisho oo lagu tababarayay ciidamada Soomaalida.

Somaliland Fursad Ma U Tahay Isku Dhaca Imaaraadka iyo Somalia/Jabuuti

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.