“Imaaraadka Iyo Itoobiya Farogelin nagu haya,” Somalia

0

“Imaaraadka Iyo Itoobiya Farogelin nagu haya,” Somalia

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Jaamacadda Carabtu ka aqbashay ashkato ay u gudbisay oo ka dhan ah heshiiska horumarinta Berbera ee dawladda Itoobiya iyo Imaaraadka Carabtu la galeen Somaliland. Waxay sheegtay in bayaan ka soo baxay shalay kulanka jaamacadda Carabta lagu sheegay in midnimada Soomaaliya la ilaaliyo.

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Cumaan Amb Cabdirisaaq Faarax Cali oo ka hadlay natiijada Soomaaliya ka heshay kulanka Carbeed wuxuu sheegay in Soomaaliya gudbisay cabasho nuxurkeedu yahay in dalal Carbeed iyo kuwo dariska la ah Soomaaliya qaarkood faro gelin ku hayaan taas oo loo fahmayo Imaaraadka iyo Itoobiya kuwaas oo aanay wali Soomaaliya si toos ah u abaarin eedayntooda.

“Soomaaliya waxay codsatay in ay faro gelin ku hayaan dawlado Carbeed iyo dawladdaha dariska qaarkood aanay ku soo xadgudbeen Qarannimadii iyo midnimadii Soomaaliya,” sidaas ayuu yidhi danjiraha Somalia ee Cumaan.

“Jaamacadda Carabtu markii koowaad dalabkii Soomaaliya way aqbashay , mar labaadkana shirkii shalay soo gabogaboobay qodobadda laga soo saaray bayaan dheer oo odhanaya ‘Midnimada Soomaaliya waa Muqadas, faro gelin laguma samayn karo haddii ay jaamacadda Carabta tahay iyo haddii ay cid ka baxsan tahayba waana in la ilaaliyo midnimada, amniga iyo wada jirka Soomaaliya oo aan arrimaheeda loo gacan dhaafin,” Sidaas ayuu sheegay danjiruhu.

Inta badan ururada ay ka mid tahay Soomaaliya sida Jaamacadda Carabta, IGAD, Midawga Afrika iyo kuwo kaleba waxay warmurtiyeedkooda ku soo daraan in ay ixtiraamayaan midnimada Soomaaliya marka Somalia u gudbiso cabasho ah in Somaliland lala macaamilay laakiin, ma jiraan wax ka fula lamana oga in qaraarka Carbeed wax ka qabsoomi doonan.

Wakiilka Soomaaliya ee Cumaan waxa uu sheegaya in ay rajaynayaan in qaraarkaasi u dhaqan galo laakiin, lama oga waxa ay Jaamacadda Carabtu ka qaban karto xidhiidhka Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka ka dhexeeya ee ku salaysan danahooda.

Dawladda Somaliland ayaa u aragta go’aanka Soomaaliya kaga hor timid horumarinta dekedda Berbera mid ay arsaaqada ugu diidayso Somaliland oo ay cunaha ugu fadhiisanayso iyada oo Madaxweyne Muuse Biixi dagaal ay iclaamisay ku tilmaamay hadalka Soomaaliya.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.