Imaaraadka Carabta oo Gaadiid Millatari Casri ah ku Wareejiyey Dawladda Taagta Daran ee Muqdisho

0

Gaadiid gaashaamaan oo Imaaraadku hore ugu deeqay maamulka Jubbaland + shacbiga Somaliland oo isha ku haya natiijada weftiga madaxweyne Siilaanyo kala soo noqdo Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Sayruuq)- Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa gaadiid millatari oo casri ah ku wareejiyey maamulka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, kaasoo loogu talogalay in lagu xoojiyo awooda dhinaca millatariga ee Soomaaliya.

Xaflad lagu qabtay xarunta safaaradda Imaaraadku ku leeyahay Muqdisho shalay, ayaa lagu soo bandhigay gaadiid kala duwan oo kuwa millatariga iyo booliska ah oo loogu talogalay dawladda Xasan Sheekh Maxamuud si ay u tayeyso, sarena ugu qaadi awoodooda dhinaca millatariga.

tiknikada UAE

Gaadiidka millatari ee dawladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya oo aan tiradooda la shaacin, balse aad u badan, waxa uu isugu jiraa gaadiidka qufulan ee dagaalka. Baabuur xaajiyado ah oo dusha sare furan, looguna talogalay booliska, mootooyin iyo booyadu kala duwan, kuwaasoo dhammaantood loo siiyey Soomaaliya inay xoojiso awoodooda dhinaca millatariga iyo booliska si ay wax uga qabtaan ammaanka iyo nabadgelyada guud ee Soomaaliya.

Xafladda gaadiidkaas lagula kala wareegay waxa ka qaybgalay safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya, wasiirro iyo taliyeyaasha ciidanka ee dawladda Muqdisho, iyadoo labada dhinacba muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin inay la kala wareegaan gaadiidka qufulan, casrigana ah ee loogu talogalay millatariga iyo booliska Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Ambassador Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xumaadi oo hadal ka jeediyey goobta lagula kala wareegay gaadiidka millatari, ayaa sheegay in gaadiidkan gaashaaman ay ugu talogaleen sidii loogu xoojin lahaa awooda ciiddamadda kala duwan ee Soomaaliya.

Waxa kaloo uu ballanqaaday in dawladiisa Imaaraadku kaalin weyn ka qaadanayso sidii loo sugi lahaa, waxna looga qaban lahaa xaaladaha dhinaca ammaanka ee Soomaaliya, isagoo xusay in dalkiisa iyo Soomaaliya wadashaqayn ka leeyihiin dhinacyo badan oo faa’iido ugu fadhiya dadka Soomaaliya.

tiknikada deeqda UAE

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay xaflada ay kula wareegeen gaadiidka gaashaaman, ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dawladda Imaaraadka Carabta, isagoo xusay in gaadiidkan kala duwan qayb ka qaadan doono hawlaha lagu sugayo ammaanka Soomaaliya, isla markaana uu wax weyn ka tari doono kobcinta awooda ciidankooda.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mr. Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo isna hadal ka jeediyey xafladaas, ayaa tilmaamay inay dawlad ahaan aad ugu faraxsan yihiin gaadiidka kala duwan ee ay ka heleen dalka Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, dawladda Imaaraadka, ayaa gaadiid millatari oo casri ah ku wareejiyey maamul-goboleedka Jubba Land ee xaruntiisu tahay magaalada Kismaanyo toddobaadkii hore, iyadoo gaadiidkaasna lagula kala wareegay dekedda Kismaanyo ee Soomaaliya.

kulanka Siilaanyo iyo UAE

Geesta kale, wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa safar ku jooga dalka Imaaraadka Carabta oo ay ka heleen marti-qaad rasmi ah, waxaannu madaxweynuhu la kulmay dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta oo uu wehelinayo ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha dalkaas, ahna Wasiirka Madaxtooyada Imaaraadka, kuwaasoo ka wadahadlay mashaariic dhinaca horumarinta ah oo Imaaraadku doonayo inuu ka fuliyo Somaliland, sida horumarinta biyaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha (Dekadaha, waddooyinka iyo Madaarrada), horumarinta caafimaadka, tayeynta tamarta korontada oo dalka loo sameeyo tamaraha la cusboonaysiin karo (renewable energy), kor-u-qaadida cilaaqaadka iyo xidhiidhka siyaasadda ee labad dal iyo caawimo xaga bani-aadaminimo ee qaxootiga ka soo burqanaya Yemen.

Hasayeeshee, lama oga in dalka Somaliland qayb ka helay saamiga gaadiidka millatari ee dawladda Imaaraadku ugu deeqday maamulada ka jira Muqdisho iyo Kismaanyo si ciidanka kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland loogu qalabeeyo gaadiidka gaashaaman ee Imaaraadku bixinayo, balse waxa laga dhursugayaa, isla markanaa shacbiga reer Somaliland isha ku hayaan waxa weftiga madaxweyne Siilaanyo kala soo guryo noqdaan dalka Imaaraadka Carabta.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.