“Illaahii Wallaweyn Webiga Ku Furoow Annana Naga Qaad Wadaaddada….Ayaamahan-na Suuqu Wuxuu Leeyahay “Illaahii Wallaweyn Wishaysiga Badoow, Annana Naga….Suldaannada”

0
Saleebaan Cali Koore Oo Ka Sheekeeyay Qiso Dhex Martay Marxuum Cigaal

“Waxa Jirta Tuullo Yar Oo U Dhaxaysa Afgooye Iyo Buur-hakaba Oo Afka Eelayga Lagu Yidhaahdo Wanno-weyn Magacaasi Waxaa Uu Dhinaca Somaliland Isu Bedalay ‘Wallaweyn’”

“1961-kii Ayaa La Qoonsaday Wadaaddo reer Somaliland Ah Oo U Ololleeyay Dastuurkii Israaca Labada Dal, Deeto Waxaa Hal-hays Noqday “Illaahii Wallaweyn Webiga Ku Furoow Annana Naga Qaad Wadaaddada….Ayaamahan-na Suuqu Wuxuu Leeyahay “Illaahii Wallaweyn Wishaysiga Badoow, Annana Naga….Suldaannada”

Mohamed Saeed Gees, Executive Director

Dharaaro Xusuustood

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 44aad

“Adoo gurigi barwaaqo ah geel dhalay ku haysta

Geedi lama lalabo oo abaar looma guuree

Anigaa isu geystoo galabsaday xumaantee

wixii ila garaadaw Gobanimo ha tuurina”

Ereyada Abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye

1961 bishii Juun, ayaa Dastuurkii Somali Republic afti loo qaadayey, aftidaas oo ka dhacday labadii dal ee isku biiray 1960 ee kala ahaa Soomaaliya iyo Somaliland. Waqtigaas shicibka Somaliland waa ka diiday isku darsigii labada dal oo markaas sannad qudha jiray.

Qoladii reer Soomaaliya ayaa isku wada ridatay xilalkii dawladda, qaybintii dawacadda ayaa ka dhacday “Libaax wada qaado.” Dadweynihii waa ka soo booday arrintii, markii Hargeysa laga hayaamay, hantiilihii, aqoonyahankii, saraakiishii, dhalinyaradii wax baratay, rag iyo dumar ee xamar loo dareeray.

Waxa sharci ah lama kala saxeexan oo heshiis labada gole ama baarlamaan ay midba goonidii u ansixiyey ma jirin, sidaas darteed heshiis isku darsi ma jirin. Had iyo jeer Soomaalidu xagga sharciyadda waa ku liidataa waa waxay isu wada haysataa. Xeerka ayaa wax wada lahaanshaha iyo dawladnimadu ka unkataa. Waxa qudha ee markaas xalaalayn lahaa isku darsiga iyo midawga waxa uu ahaa dastuurka oo tilmaamaya isku darka haddii aftida labada qayboodba looga codeeyo oo laga aqbalo.

Laba sanduuq ayaa xaashida cod bixinta lagu kala ridayey mid madaw oo “maya dastuurka” ahaa , iyo mid cad oo “Haa dastuurka” ahaa, si loo niyad-jabiyo dadka diidan dastuurka sanduuqa madaw ayaa loo dooray.

Waqtigaas shicibka Somaliland ayaa diidanaa dastuurka iyo isku darka, sidaas darteed sanduuqa madaw ayaa lagu tilmaamay. Sanadkii 2001 waqtigii aftida dastuurka Somaliland loo diyaargroobayey ayaa la iiga yeedhay madaxtooyada maalin maalmahaas ka mid. Madaxweyne Cigaal oo ay la fadhiyaan guddigii maamulaysay aftida dastuurka, baan u imi. Waxa laga hadlayaa warqadda codaynta waxa lagu qorayo. Markaas ayaan soo jeediyey in la qaato sanduuqii madoobaa iyo kii caddaa oo lagu kala rido warqadda codaynta. Markan ciddii dastuurka iyo gooni-isu-taaga diidani waxay ku qasbanayd inay ku riddo xaashida codaynta sanduuqa madaw, ciddi goonni–isu-taagaa iyo dastuurka ogolina waxay ku ridaysay sanduuqa cad. Ninba waa mar’eh mus ma kula koray!!. Somaliland Aftidii dastuurkaasi hore ee 1961 waxa badatay tiradii dadka diiday, sidaas darteed Somaliland waa diiday oo burisay isku darkii. Wixii ka dambaysay maalintaas , qayri sharci ayuu ahaa midawgi labada dal ee Somaliland iyo Somalia.

Dhinaca Somalia codayntii waa lagu shubtay oo sanaadiiqdii ayaa laga buuxiyey codad “Haa dastuurku” ah oo aan jirin. Waxa jirta magaalo yar oo markaas tuullo ahayd oo u dhexaysa magaalooyinka ,Afgooye iyo Buurxakaba oo la yidhaahdo Wanno-weyn (Caano-weyn) afka dadka Eelayga ee halkaasi degga ee ah qabiilka Daafeed. Magacii waxa uu isu-beddelay dhinacan Somaliland Wallaweyn. Waxa dhacday guddoomiyihii degmadda oo arrinta ku-shubashada coddadka doorashooyinka iyo musqmaasaqooda caan ku noqday oo la odhan jiray Ibraahim Boolis; ayaa Waxa uu sheegay markii codayntii dhacday in degmada wallaweyn ay ka codaysay 99 kun oo aan hal diidan lahayn oo u wada codeeyey dastuurka.

Akhristaw, Somaliland oo dhan boqol kun ayaa ka codaysay markaas. Waaaw halkaas ayaa waxa ka tisqaaday magaca Wallaweyn oo loo aanneeyey khiyaamo iyo wax isdaba marin kadibna kalsoonnidii ayaa dhimatay is-aaminiddiina way luntay. Sidaas ayaa loo kal booday. 1960 dadka ku noolaa Soomaaliya waxa lagu qiyaasay hal milyan iyo laba boqol iyo konton kun (1,250,000); dadka ku noollaa Somaliland-na waxa lagu qiyaasay lix boqol iyo sideetan kun (680,000). Sidaas oo ay tahay Aftidii dastuurkii 1961 waxa dawladdii ku sheegtay in hal milyan iyo laba boqol oo kun (1,200,000) ay codeeyeen dhinaca Somalia, dhinaca Somaliland-na boqol kun (100,000). Waar bal day maxaa ku baxay boowe! Waxaba ha yaabin.

Codayntii aftida dastuurka Somaliland waxa Guddigii maamulaysay sheegtay in ay codeeyeen hal milyan iyo laba boqol oo kun (1,200,000). Dadweynaha reer Somaliland waqtigaas waxa lagu qiyaasay Saddex milyan.

Nin aanu isku majlis nahay oo Ciidagale ah oo Xasan Guure Jaamac la yidhaahdo, ayaa marka dhacdo isla mid ah wararka adduunka lagu sheego waxaa uu yidhaahdaa “Waar; [ileyn] dadku waa wada Ciidagale!!”. ama ha caddaado ama ha madoobaado ama indha-yar ha ahaado, waa dad uun oo isku si ayey u fal celiyaan!. Aan anna tixraaco saaxiibkay Xasan Guure’eh ‘Waar Ileyn Soomaalidu waa wada Wallaweyn!”

Wax yar ka dib markii aftidii dastuurku dhacday 1961-kii bishii Juun, ayaa waxa fatahay labadii webi ee Shabeelle iyo Jubbaa ee Soomaaliya. Daad ayaa qaaday beerihii iyo dadkii, Ciidammada Maraykanka ayaa u soo gurmaday oo badbaadiyey. Waxa iyana jirtay in wadaaddada reer Somaliland ay u ololaynayeen waqtigaas dastuurka in la qaato oo loo codeeyo; deeto codkii suuqii ama ra’yigii dadweynaha ayaa arrintaas qoonsaday. Waxa markaas soo booday hal-hayskan; “Illaahi Wallaweyn webiga ku furoow annana naga qaad wadaaddada”. Ayaamahan suuqu waxa uu leeyahay “Illaahi Wallaweyn Washaysiga badoow, annana naga……. Suldaannada”.

Marxuun Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, khudbaddii u dambaysay ee uu khayriyada ka jeediyo waxay ahayd 18 Mey 2001. Ma ku simin naftu inuu gaadho 18 Meydii 2002 ee waxa uu xijaabtay 3 May 2002. Haddaba khudbaddaasi markuu jeedinayey (oo ahayd xilligii aftida dastuurka la isu-diyaarinayey) waa uu xannuunsanayey waxa makrafoonka u hayey Marxuun Cismaan Basbaas oo duqa magaalada Hargeysa waqtigaas ahaa.

Anigu waxan fadhiyey kursi agtiisa ah, markuu u soo baxayey mensada garabka ayuu isii qabsaday, Illaahay ha u naxariisto. Wax badan ayuu ku soo qaaday khudbaddaasi, oo ay ka mid ahayd aftida dastuurka. Waxa uu sheegay inuu filayo in tirada dadka u codeeyey dastuurku ay noqonayso boqolkiiba sideetan (80% ) Waxa u codeeyey boqolkiiba 97%. Waxa uu yidhi axsaab ayaad ku tartami doontaan, [way dhacday oo] waa lagu tartamay. Waxaa uu gacanta ku fiiqay hortiisa iyo dhinaca shacabka [shacab area] oo wuxuu yidhi; guryo dhaadheer oo kuwa Dubay ku yaal oo kale ah ayaad halkaas ka dhisan doontaan, [taasina way dhacday oo] waa laga dhisay. Waxa kale oo uu yidhi; Markaas anigu idin lama joogo taasina sidii bay u dhacday oo Nin weyni wedkiisa waa yaqaannaa oo ka hor ayuu allaystay. Ayaamahaas uu xannuunsanyey ayaa la arki waayey, markaas ayaan Daahir Rayaale oo Madaxweyne-ku–xigeenkiisa ahaa, waxaan ku idhi; “Waar Madaxweynihii ma u war haysaa?”. Waxa uu igu yidhi; “Xalay ayaan u tegay oo aan ku idhi dhakhtar ma laguu qaadaa, wax uu igu yidhi waar nin weyn ayaan ahay; oo nin weyni wedkiisa waa yaaqaanaa.” Waxa jirtay markii aftida la isu diyaarinayey ayaa wadaad caan ah oo reer Burco ihi ka hor yimi aftida dastuurka oo yidhi waa xaaraan. Marxuun Cigaal khudbaddii khayriyadda ayuu farriin ugu diray sheekhii oo intuu magcaabay ku yidhi; “Hebelaw kaalay ila maqr-reyso, oo Hargeysa kaalay ha la ina dhegaystee.” Marxuunku Jeelkii labaatan jirow ayuu Qur’aanka ku qaybay oo korka ayuu ka hayey. Wadaadkii ma iman Hargeysa lamana uu maqr-reysan marxuun Cigaal, hase yeeshee waa uu hadlay oo xalaalleeyey aftidii dastuurka. Bal waa taas’eh afti dastuur ha laga qaadi karo meel Soomaali degto, carkee! Yaa ku dhaca! Halkan waa lagu dhacay wadiiqo kasta ha loo maree.

Isla sannadkii 1961 bishii December waxa dhicisoobay afgembi ay isku dayeen sarakiil reer Somaliland ahi, oo markaas ku sugnaa Somaliland. Ujeeddada afgembigu waxay ahayd in dib looga soo gurto oo laga soo noqdo isku darkii.

Raggii waagaa isku dayey afgembigaas waxa ka mid ahaa Marxuun Cabdi Dhallac, Marxuun Siciid Cali Giir iyo Marxuun Cabdikariin Cashuur Cabdule; seddexdaasi marxuun waxay ka soo jeedeen Deegaanka Laascaanood iyo Laas-qoray.

Safiir Cawil Xaaji Cali Ducaale iyo Safiir Cabdillaahi Kongo ayaa ka nool raggaasi, inta aan ka war hayo. Halganka gobanimo-doonka ilaa kii daraawiishta ee isticmaarka lagula dagaalamayey, kii axsaabta iyo kii jabhadda xoraynta Soomaaliyeed (SNM) dadka mandaqadda degaa waa ku wada jiraan mar kasta, haloo kala batee mararkaasi. Haddaba yaan maskaxda dhallinyaradda soo kacaysaa lagu abuurin taariikh kooban, oo dadka kala takooraysa

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.