Ilbaxnimada Yurub ee afarta qarni dunida haysatay miyay dumaysaa?

0
Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

Ilbaxnimada Yurub ee afarta qarni dunida haysatay miyay dumaysaa?

W/Q Ibraahin Hawd

Waa su’aal habeen iyo maalin la is wayddiiyo, buugaagta la ga qorayna la ga yaabee in ay tahay boqollaal. Haa iyo maya labadaba wayddiinta waa la ga ga jawaabaa. Dadka haa ku jawaaba ee rumaysan ilbaxnimadani in ay dumaysaa waa saddex qolo. Qolo ay ka tahay dacaayad aydoolojiyadeed oo ogaan saadaasha u xumaynaysa, waana reer Bariga Muslinku u gu horreeyaan. Qolo is la reer Yurub ah oo ay ka tahay baasaysi, waayo sida ay ilbaxnimadani u socoto ayay naceen gaar ahaan wajigeeda liberalism-ka, aragtidooduna guubaabo ka ma foga. Qolo saddexaadna wax ay sheegaysaa in ay xaddaaraddan ka soo ifbaxeen astaamihii gabowga ay ka mid tahay tusaale ahaan dadkii oo diiday in ay tarmaan, anaaniyad iyo imaan darro qofkii baahidiisa gaarka ah u addoomisay oo aanu wax kale nafta u hurayn.

Qolada kale ee rumaysan ilbaxnimada Yurub in ay sii noolaanaysaa wax ay ku qanacsan yihiin in aanay jirin mid kale oo iyada dhaanta oo maanta beddeli kartaa gaar ahaan dhanka qiyamka (dimuqraadiyadda, xorriyadaha, xuquuqaha, qiimiga insaanka, sinnaanta iyo sarraynta sharciga iwm). Dadkani wax ay qabaan xaddaaradaha Shiinaha iyo Muslinka oo ah labada tan tartanka ku la jira labaduba in ay ka arradan yihiin qiyamkaa kore oo dhan, sidaa darteed aanay marnaba ka guulaysan karin dadkuna ka dooran karin.

Anigu qof ahaan wax aan qabaa ilbaxnimadani in aanay gaboobin oo daalin laakiin tartanka la gu la jiraa soo adkaaday gaar ahaan Shiinaha, ayna sii jiri doonto muddo kale oo aan yarayn. Sababta kowaad ee ay ilbaxnimadani u sii badbaadayso, oo aanan weligay arag cid ka hadlaysa, waa in aanay ahayn ilbaxnimo dal qudha iyo qolo keli ah ku kooban ee tahay ilbaxnimo la gu sheegi karo global oo midaysa ummado badan oo jaanta is la helay. Dhammaan dalalka Yurubta Galbeed (iyo inta Yurubta Bari ka ga soo biirtay aydoolojiyad ahaan), iyo dawladaha Yurub ka tafiirmay (Maraykan, Kanada, Ustaraaliya iyo Niyuu Siilaand), wax ay galeen wacad ah in ay dhexdooda nabdaan, in ay is kaashadaan, in ay is caawiyaan, in ay badbaadiyaan hadba kooda liica, is la markaa qiyamkooda wada ilaashadaan oo adduunka kale sida yeyda is ku mar weeraraan. Taasi wax ay ka duwan tahay dhammaan ilbaxnimooyinkii hore oo ku dhisnaa ummad keliya, kolka umaddaasi yara daciiftana haad iyo haanraawe boobi jireen.

Tusaale ahaan Dagaalkii Labaad qaaraddan dhulka ayuu dhigay nool iyo moodba, laakiin waxaa degdeg u dhisay mashruucii Maraykanka ee loo yaqaannay Marshal Plan (Maraykanku waa is la ilbaxnimada Yurub ee ma aha mid ka baxsan). Badhtamihii sannadihii sagaashannadii qarnigii tagay dalka Faransiiska kolkii uu ka talinayay François Mitterrand mar buu dhaqaalihiisu aad u burburay, dabadeed waxaa lacag xaddiga iyo caqliga ka baxsan u la gurmaday Jarmalka oo uu ka talinayay ninkii adkaa ee Helmut Kohl. Toban sano ka hor waa aynnu wada ogayn taageeradii laxaadka lahayd ee Midowga Yurub ku badbaadiyay Giriigga oo musallafay, Isbeyn iyo Talyaaniga.

Waa taa quwadda ay Yurub ku sii badbaadi doontaa, halka ay qaaradaha kale iyo Muslinku dhexdooda is wada rifayaan ee dhufayska isu gu wada jiraan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.