Ilaalada Madaxtooyada Puntland Oo Bam Lala Eegtay

0

Boosaso(Sayruuq) Mid ka mid ah baabuurta ciidanka ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa lala beegsaday bambo gacanta lagu tuuray waxaana weerarka ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Soomaaliya. Wakaaladda ayaa sheegtay in ay ilaa 3 qof ku dhinteen weerarka oo dhacay subaxnimadii Khamiista.

Warbaahinta Garoweonline ayaa sheegtay in ciidanka la weeraray ka tirsana ilaalada Madaxtooyada, islamarkaana bam lagu tuuray isaga oo maraya meel ku dhaw dekedda Boosaaso. Garoweonline oo soo xiganaysa goobjoogeyaal iyo saraakiisha cisbitaalka ayaa sheegay in ilaa lix askari dhakhtarka la dhigay kuwaas oo waxyeello ka soo gaadhay weerarka.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa laakiin, wuxuu imanaya iyada oo maalintii labaad xidhan yahay ganacsiga magaalada xudunta ganacsi ah ee Boosaaso kadib markii bulshadu ka mudaharaaday cashuuro lagu kordhiyay badeecadaha laga soo dejiyo dekedda. Magaalada ayaa lagu soo warramaya in ciidamo badan la soo dhoobay si ay uga hor taggaan mudaharaado.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.