“Iiraan Maaha Soomaaliya,” Michael Avenatti

0

Michael Avenatti oo ah qareen Maraykan ah ayaa dalal Soomaaliya ku jirto tusaale ugu soo qaatay madaxweynaha Maraykanka Mr Trump oo uu uga digayay daandaasiga dalka IIraan.

Ninkan oo ujeedada hadalkiisu ahayd in aanu Trump sahashan waddanka Iiraan kadib markii uu Maraykanku duqayn ku dilay Qaasim Sulaymaani oo ahaa taliye sare oo Iiraani ah waxa uu taa bedelkeeda duray bulshooyinka Soomaaliya, Ciraaq, Suuriya iyo Kuwayd.

Waxa uu yidhi “Iiraan maaha Ciraaq ama Suuriya, Kuwayd ama Soomaaliya. Waa dal leh dad isla weyni leh oo sooyaal qani ah leh. Trump Si sahlan kuma cabsi gelin karo ama dib uguma celin karo.,”

 Muxuu Farmaajo kaga Jawaabi Weedhaha Museveni?

Waxa uu kooxda Aqalka Cad ku dhalliilay kuwo aan arrimaha ku xisaabtamin intii aanay qaadin weerarka Qaasim Sulaymani.

 

Tan iyo burburkii 1990 Soomaalida ayaa khaati ka taaggan tusaaleyaasha liidashada leh ama xun ee loo soo qaato Soomaaliya taas oo aan inta badan ka turjumayn kartida iyo sharafta Soomaalida laakiin, burburka loo aanayn karo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.