Ibraahin-hawd: Kulankii Aniga iyo Ugaas Corona

0
Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

Kulankii Aniga iyo Ugaas Corona

Qaddar bay ahayd in aanan maanta shaqada tagin ee aan ardayda net-ka ka caawinayay. La ga bilaabo sideeddii aroornimo sidii aan kumbiyuutarka u hor fadhiyay ayuun baan arkay saacaddii oo sheegaysa kowadii iyo badhkii duhurnimo. Is la goortaas baan arkay Qorraxdii oo si macaan oo shukaansi u eg daaqadda i ga soo eegaysa, marka aan eegana daruur ku dhuumanaysa. Iftiinkeeda Guga iyo jacaylkeeda diirran ee aad jannada mooddo ayaan ku hambaabberay. Degdeg baan kumbiyuutarkii u ga kacay, u qubaystay, u beddeshay, oo debedda u baxay. WAAAW! Mayee kolkii aan debedda u soo baxay waxoogaa qabow ah baa jawiga ku jiray aad mooddo in uu Qorraxda ka xisdiyayo quruxda, farxadda iyo guusha ay bishan u halgamayso.

Heerkulku waa toddoba keliya, se haddii aanay neecawdaa qabowi dhici lahayn Qorraxda jacaylkeeda nooluhu wuu ku wada liibaani lahaa oo la is ku ma hinaaseen. Sida ay noo la kaftamayso ee noo la ciyaarayso ma malayn kartid. Marba waa ay isu kaaya qaawinaysaa, kolka aannu indhaha iyo iimaanka la wada raacno ayay haddana inta ay qosol macaan ku dhufato daruur is ku qarinaysaa, sidii hablihii u raaxayn jiray Haaruun al-Rashiid. Waannu wada sugaynnaa in ay jeer kale iyada oo mudh iyo gacan ah daruurta ka soo baxdo oo na ga qosliso oo noo heesto. Daawashadeedu ma ay ahayn sinada indhaha, falciyaadu billaah, waayo Ilaahay baa noo qaddaray oo noo abuuray in ay na ga farxiso iyada oo aan xijaabnayn, sida ay qabaan afarta mad’habood ee Sunniga iyo dhammaan mad’habaha Shiicadu.

Göteborg magaalo ahaan sideeda ayay isaga qurux badan tahay, bilowga Guga iyo Xagaagana hadalkeeda daa, se maalmaha badan iyo habeennada badan ee ay Qorraxdu hurdada ka soo toosi waydo quruxda magaaladu waa ay huruddaa. Maalinta maanta oo kale ah ee ay Qorraxdu sidan u la ciyaartana magaaladani quruxdeeda qurux bay ku darsataa, farxaddeeduna qiyaas ma leh. Waan lugeeyay, gurigayga ilaa badhtamaha magaalada. Buundada caanka ah ee Götaälvsbron oo labada daamood ee magaalada is ku xidha, oo imika mid kale la ga garab dhisayo iyadana dhowaan la duminayo, ayaan dul maray, ilaa aan ku dhacay waddada halbowlaha ee Avenyn. Qorraxda oo qaawani marka ay Galbeed ku ciyaarayso naxariis iyo liibaan baa nafta ku dhammaanaysa. Laakiin is ku heli maysid in aad laydha qabow ee jihada Galbeed ka imanaysa dugaal ka gashid iyo in aad is la markaa Qorraxda Galbeed isu dhigto.

Aniga oo waddada Avenyn lugaynaya, oo wajigayga iyo bogcadkayga dhanka Qorraxda u dadbaya, oo dadka i dhinac maraya is ka barbarinaya, ayay laan geed waddada dhinaceeda ku yaalla ka soo dheeraatay oo caleentii dayrta oo aad u yaryari ka dillaacday, i xagatay. Is ka qabo oo is ka leexi baan maagay, haddana wax aan go’aansaday, waar belada waa intaas oo Fayras Corona ku fidsan yahay ee ka leexo. Laakiin waa mar ay i salaantay oo i gacanqaadday oggolaansho la’aan. Kol haddii ay i bariidisay oo i gacanqaadday waan ku qasbanaaday in aan cabsida iyo buufiska is ka saaro oo gobannimada ilaaliyo oo laanta salaamo. Ilbidhiqsigii aan salaanteeda aqbalay ayaan arkaya iyadii oo laabta i saartay, tabtii fallaadhaha Qorraxda, tabta gacalku isu bariidiyo. Xaaladda in aan ku qoslo iyo in aan ka xanaaqo ayaa is ka ga kay darsantay. Waan qoslay aniga oo xanaaqsan, laantiina waa ay qososhay.

Sow Ibraahin-Hawd ma tihid? ayay i tidhi.
Haa, baan u celiyay.
Ina keen, bay tidhi.
Xaggee? baan ku idhi.
Kursigaa danta guud ee Qorraxdu hayso aynnu wada fadhiisanno, ayay tidhi.
Ina fadhiisi baan ku jawaabay. Waannu fadhiisannay.
Halkani waa yara dugsi oo neecawdii qaboobayd ina ma hayso oo diirrimaadka iyo iftiinka Qorraxda ayaa ina haya, sow ma aha? ayay i tidhi.
Haa, baan u celiyay, waayo runtii markii aannu fadhiisannay dugsi bay ahayd, Qorraxduna ban cidla ah bay jiiftay iyada oo qaawan hortayada.
Adiga waan ku aqaan ee aniguna aan is kaa baro, ayay tidhi laantii oo aan imika arkay in aanay caleen curdin ah uuni ka dillaacin ee ubax casina ka soo afyeeshay.
Fadlan is kay bar, baan ka codsaday.
Wax aan ahay Ugaaskii reer Fayras Corona.

Aad baan u eegay. Mar wax aan mooday in aan waashay oo dhir la sheekaysanayo. Mar kale wax aan mooday in aan rooxaan yeeshay oo dhiraha afbartay. Mar saddexaad wax aan mooday in aan hurdo oo riyoonayo. Laakiin markii afraad wax aan qirtay in aanan riyoonayn oo aanan waalan oo aanan rooxaan yeelan ee aan xaqiiqo hor fadhiyo. Sow anigaa dadkaba arka ee la hadli kara marka aan doono, maxaa diidaya in aan Ugaas Fayrsas Corona arko oo la hadlo? Sow noole iyo noole ma aha? Sow dhulkan i gu la ma noola? Ma aha in carruurnimadii aan ka weynaaday ay dib ii jiidato, mana aha xayawaanka aan abuur ahaan ahay in aan u dhurto. Dad baan ahay, dadka oo qudha ayaana leh garasho, rooxaan iyo khayaali xitaa Ilaahay la gu garto oo la gu la xidhiidho. Ha is liidin ee magaca dadnimada ilaali oo Ugaaska la hadal, baan is ku canaantay.

Haye, Ugaas Fayras Corona ayaad tahay?
Haa.
Oo laan baad tahay?
Haa, wax walba waan is ka dhigaa.
Wax walba is ka ma dhigtid ee wax walba waan is ku dheehaa dheh dee!
Wuu qoslay.
Wallaahay waad i ga qoslisay, Hawdow. Haye, taada ayaan kuu raacayaa; wax walba is ka ma dhigo ee wax walba waan is ku dheehaa.
Haye, laantan curdinka ah ee nimcada Guga laacaysa ayaad maanta is ku dheehday oo aad wax ku khatalaysaa?
Mar kale ayuu qoslay Ugaasku.
Alla sheyddaansanidaa, Hawdow! Maya, nolol baan raadinayaa, khatalaadna ma aqaan. Adigu se kolka aad aroortii hawshaada u kallahdid ma khatalaad baad u baxdaa mise irsaaqad iyo badbaado nololeed? Sidaas baan ahay. Laan iyo dhagax iyo meel aan is ku dheehaba, dantaydu waa in aan helo jismi noole ah oo abuurtayda ku habboon si aan u galo, u gu noolaado oo u gu dhex tarmo, tabtii aad Soomaaliya iyo Afrika u ga timid ee aad Iswiidhan iyo Yurub isu gu dheehday si aad u gu noolaato oo u gu taranto. Waa tabta aad naag isu gu dheehdo si ay wax kuu gu dhasho oo aad u Taranto. Waa tabta aad wax u cunto si aad u noolaato, waa tabta…
Ii kaadi, in aad boqollaal kun oo bani aadan ah asiibto, tobannaan kun disho, dunidiina ku riddo argagax iyo xayiraad, miyaad ka la mid dhigaysaa in aan dagaalladii Afrika ka soo qaxay?
Nacam, waaba tabtaa. Miyaad na taqaanneen? Miyaannu idin naqaannay? Miyaannu jidhkiinna gali jirnay oo u soo irsaaqad doonan jirnay? Miyaannu idin layn jirnay? Waa maya sow ma aha? Haddaba maanta dan iyo duruuf baa na wadda. Ayaxii dhowaan Bariga Afrika maray ma dalxiis buu ahaa, mise wuu idinku gardarrooday? Sow dhul iyo nolol uu idin la lee yahay qaybtiisa ma quudanayn? Dayrtii hore dirindiirtii dhirta dabooshay ee caleenta diiratay miyay idinka gardarnayd sow arsaaqaddii Alle u uumay ma ay cunayn? Aniga oo ah Ugaaska reer Fayrsas Corona, wax aannu lahayn irsaaqad qoomkaygu ku noolaado oo aannu dhasha dhiganno oo ku taranno, dadkana weligayo waxba na ma dhex marin, laakiin idinka ayaa noloshaydadii qarribay oo irsaaqaddayadii noo gu yimid oo wax kale is ka daa ee annagii na cunay.
Dadka ayaa na cunay aa? Ma tihid Fayras Corona, waayo haddii aad run tahay been intaa la’eg ma aad sheegteen.
Alla miskiinsanidaa! Aqoon la’aan ku haysa weeye dhibaatadu. Dadka haddii aad tihiin wax aad lee dihiin murti qiimi badan oo tidhaahda “Wax aadan aqooni waa kuu nacab”. Nacab baad noo aragtaa, se waa aqoon la’aanta na ga kaa haysa. Kolkii aad halkaa soo lugaynaysay ee aan ku gartay baan is idhi waa kan kii idin necbaa ee dadka idinku diri jiray ee leebkaa sumaysan laabta ma ka ga gantaa? Markaas baan haddana xusuustay in aannu waxgaradkiinna gumaadno oo doqomadiinnu dadnimada u hadhaan in ay ka soo horjeeddu xigmaddii Ilaahay khalqiga ka lahaa. Markaas baan go’aansaday in aanan ku dilin ee garaad ku gu la garnaqsado. Waa sababta aan kuu salaamay ee kuu la hadlay ee kaa ga codsaday in aynnu wada fadhiisanno. Wax se aanan hubin in aad dadka matali kartid sida aan anigu Ugaas ahaan u matali karo reer Fayras Corona – magacaas oo aannaan annagu lahayn ee idinku noo bixiseen, sida aad dhexdiinna magacyo edebdarro ah isu bixiseen, sida Midgaan, Jareer, Barbar, Zigeynar, Niger, Gaal iwm. Imikana Qorraxda kaftamaysaa waa ay i dhibaysaa ee ina gee meel kale oo aynnu ku garnaqsanno.
Xaggee?
Maqaaxidaas.
Maqaaxidaas aa?! Kuu raaci maayo.
Waayo?
Dee dadka ayaad sumaynaysaa, Ugaas.
Haddii aan adiga ku daayay maxaad la murmaysaa?
Aniga i dil haddii aad doontid, laakiin kaa yeeli maayo in aad wehelnimadayda dadka ku dhibaatayso.
Finnaxaarkii aan ogaa uun baad tahay kow dheh, in aan leebkii sumaysnaa laabta kaa ga gano ayaa qummaynd, adigu bal meel aynnu ku sheekaysanno ina gee haddaba.
Ina keen. Ina keen, haddii aad maqaaxi iyo meelahaa tagtana wallaahay bilayska ayaan kuu gu yeedhi ee ina keen.
Bilays aa?
Haa oo wallaahay ah. Wax aan ku qaylin Liin! Toon! Sinjibiil! Saabuun! Faraxal! Dabadeed ay halkaa naftu kaa ga aguugi.
Waar horta ma gar baynnu u fadhinaa mise dagaal? Jooji dhiillada iyo dagaalka. Jooji colaadda iyo laayaankan aad u yeedhaysid, haddii kale aniguba waan u yeedhi karaa laayaankayaga sida Hindhiso! Qufac! Candhuuf! Xaako! Faro-Uskag! Urur!
Ugaas Fayras Corona, adiga ayaa galabta weerar ah oo dunidii qasay oo dagaal ku jira oo colkaagu dadka gumaadayaa, oo imikana maqaaxiyo sii raba, haddana adiga ayaa ergo ah oo eedsheeganaya.
Waa runtaa, laakiin gardarrada Ilaahay ma jecla. Dunida waa aynnu wada lee nahay, annaga ayaana idiinka soo horreynnay, oo weliba wax aad tihiin noolaha dunidan u gu hanaqaad dambeeyay, haddana cid waliba idinka ayay xadgudubkiinna khaati ka joogtaa. Bal inta aad noole dabarjartaan xisaabi, oo tusaale ahaan bal makhluuqii Maroodiga ka waaweynaa ee Maamuud miyaad wax nool ka haysaa galabta?

Ugaas Fayras Corona waan kaxeeyay. Wax aannu fadhiisannay jaranjarada la ga koro Madxafka Farshaxanka sallaanka u gu sarreeya. Saddex mitir ii jirso oo ha ii soo dhaafin ayaan ku amray. Cadceed macaan baa dhanka bidix oo Galbeed ah na ga haysa. Sinjibiil aan jeebka ku sito oo bac ii gu guntan baan hoosta ka cunayaa aniga oo Ugaaska ka qarinaya, waayo in aan sir ka la baxo ayaan doonayaa. Ugaasku waxa aan cunayo ma arko laakiin in uu aad u dhibsanayo waan arkaa mar wal oo aan la soo baxo ama afka gashado. Maxaa uraya ayuu ku soo celcelinayaa, aniguna u ma jawaabo.

Göteborg muuqaalka ay u gu qurux badan tahay baa hortayada wadhan oo na ga hooseeya. Midig waxaa na ga saaran Tiyaatarka Magaalada ee qaddiimka ah. Bidix waxaa na ga saaran daarta Muusigga ee iyadaduba gabowday. Hortayadana waxaa si islaweyni leh u qotonta maktabadda dhexe ee magaalada. Dad aad u ka la filiqsan baa noo muuqmuuqda, halkan iyo halkeer iyo halkaaba. Colaadda reer Fayras Corona ayaa saamayn leh. Ugaaska oo saddex mitir ii jira dhanka midig laakiin sallaanka aan ku fadhiyo la siman madaxa waxaa u gu jira taajka ugaasnimada reer Fayras Corona oo aad mooddid midh askax huruud ah oo wax aan qodxo ahayn oo qodxo u egi ka taagtaagan yihiin. Af cas buu lee yahay Ugaasku, sida shimbirta Huryada ee xoolaha dhiigga ka jaqda, wajigiisuna waa cagaar. Kaftan iyo cayaayir ka ma muuqdaan oo wax uu u eg yahay halgamaa mintid xagjir ah oo naftiisa, jidhkiisa, falkiisa iyo hadalkiisaba soo giijiyay oo soo dhiibiyay, tabta Alshabaab. Wax uu sitaa weel wayso u eg oo dareere aan biyo ahayni u gu jiro. Maya, biyo ma ahaan karo, aniga oo aan wayddiin baan garan karaa, waayo waan og ahay oo reer Fayras Corona biyaha waa ay ku googo’aan. Laakiin waa dareere kale oo malaha Ugaasku ku ilaashado qoyaanka dubkiisa, haddii kale qallaylka iyo kulaylka daran wuu ku tawafayaa. Sida uu ii fahmayo si la mid ah baan u garanayaa dhaqankiisa iyo ujeedkiisa. Dadka oo dhan in uu galo oo shacabkiisa dajiyo oo uurkujirta ka cuno oo ubad badan ku dhalo oo ku tarmo oo sidaa laandheere ku noqdo dabadeed isagu dunida u hadho ayuu doonayaa. Marka uu sidaa dadka ku dabargoynayo nacayb ka ma aha, sida aanay dadka nacayb u ga ahayn dabargo’a kalluunka ama cawsha uu cunayo ee carruurta ku korsanayo eek u tarmayo ee laandheeraha ku noqonayo. Waan og ahay xeerkaa, laakiin cunsurinnimada i gu jirta darteed ma dayn karo in aan ka garhelo.

Maqaaxi iyo hudheel iyo meel khayr yaallo oo dhan waad i ga soo fogaysay, oo jaranjaro dhagax ah baad u yuururisay aniga oo Ugaas ah, ayuu ii gu cawday. Yeelkeed ee bal i dhagayso. Maxaad noo neceb tahay? ayuu i wayddiiyay.
Dadkayga ayaad laysaan, baan ku idhi.
Ma laynno ee waannu ku noolaannaa, buu ii celiyay.
In aad ku noolaataan baad ku laysaan, ayaa ku idhi.
Idinkuba sow boqollaal noole ma laysaan si aad u gu noolaataan?
Haa, baan u gu jawaabay, laakiin…
Laakiin ha odhan ee waa maxay dembigayagu haddii aannu sidiinna u noolaanno?
Een… Een… annagu cidna waxba ka ma abaashanno, waayo awood garasho oo dhashay awood aqooneed oo dhashay awood farsamo ayaannu lee nahay oo aydaan idinka iyo noole kale toonna lahayn, idinku se wax aad tihiin cawaan tuug iyo argagixiso ah oo dhuumaalaysi iyo munaafaqnimo na gu laynaya.
Goorma ayaannu cawaannimo iyo munaafaqnimo idinku laynnay, sow annagaa idiin badheedhnay hadh galay, annaga oo aan geed idiinku soo gabban? Nabaddii aynnu malyuumaadka sannadood ku wada noolayn idinka ayaa ka baxay oo na gu soo gardarrooday, ilaa aad annaga iyo quudkayagiiba is ku kaayo quudateen.
Ma imika ayaydaan cawaannimo iyo dhuumasho na gu weerarin oo na gu layn? Xaggee baynnu is ku naqaannay oo ku collownay, sow idinkii ugaadhsan jiray masaska iyo fiidmeerta?
Waa runtaa, laakiin masaskii iyo fiidmeertii sow idinku noo ga ma aydaan iman? Annagu miyaannu idiinku nimid geelii, adhigii, lo’dii, doofaarkii iyo ugaadhii kale ee aad na ga sheegateen? Ma annaga ayaa idiin nimid mise idinka ayaa noo yimid?
Maya… Haa… Maya… Haa… Waa runtaa oo waa ay dhacday in aannu masas iyo fiidmeer cunnay… Laakiin… Idinku… Een…
Haghagada hadalkaaga gashay baa qirtay in ay dhacday waxa aan sheegay. Gobi waa tii garqaadata. Garqaata.
Ugaas waa runtaa, faduushaa iyo gardarradaasi waa ay dhacday oo waan qirayaa in aannu idinka boobnay masaskiinnii iyo fiidmeertiinnii iyo jiirkiinnii iyo irsaaqaddii aad qaybta u hesheen, laakiin miyay ahayd in aad gefkaa ay dad yari ku kaceen noo qabataan oo weerar nacabnimo ah na gu ballaadhisaan?
Hiiiii. Imika ayaad sidii wax garasho leh u hadashay ee aan haddaba garasho ku gu la hadlo…

Jab Sinjibiil ah oo dhilan baan afka gashayday, markii aan soo jeestayna wax aan arkay Ugaaskii oo taajkii tuuray oo shaanshaan sii rooraya. Sida dabaysha ayuu indhahayga ka qarsoomay.

Qorraxdii mar kale ayay is qaawisay, markii aan daawadayna qosol farxadi ka buuxdo ayay ku dhufatay. Marna aniga ayay i la qosashay marna daruurta ka yara durugsan ayay eegtay sidii gabadh dharku halkeer u yaallo. Imika ayaan xusuustay ee intii aannu Ugaaska jaranjarada madxafka ku murmaynnay oo dhan Qorraxdu dhar madow bay xidhnayd. Markaas baan maleeyay in Corona iyo Wahaabigu is ku mad’hab yihiin, Ilaah baa se i ga og.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.