Hufnaanta daliilka & Habowga caqliga

0

Afeef:
1- Doodaha noocan ahi, marnaba kuma fiicna baraha bulshada, haddiise laga maarmi waayo, xaq doonna aad tahay waxa ay kugu kelifaysaa inaad fududeyso si dadku u wada fahmi karaan, sharaxaad dheeraad ahna aad bixiso, taasina waxa ay kelifaysaa in xaddiga qormadu xuduuda ka baxo, oo lagu daalo.

2- Doodani maadaama oo ay ku saabsan tahay arimo diineed waxa ay ku qurxoonayd \Afcarabi, sababtoo ah, dhammaan xogaha loola laabanayaa waa kuwo carabi ku qoran.
3- Soomaaliyeynta nusuustaasi waxa ay u baahan tahay wakhti dheeraad ah iyo hubsiimo, labaduba waxa ay kelifayaan dib dhac wakhti
Waa arimo dhammaantood jira oo iswaafajintoodu aanay sahlanayn.
=========================================
Xalay fiidkii ayey ahayd markaan su’aalo waydiiyey Mudane Ibraahin-Hawd Yuusuf, anigoo hubsanayey halka uu ka taagan yahay arimo ay ku xidhnayd ka warcelinta qormadiisii uu ku karaamo tirayey Nebi Muxamed N.N.K.H, isagoo ku sheegay inuu Mushrik ahaa nebinimada ka hor !.
Su’aalihii aan waydiiyey wuu ka jawaabay, waxaanu xusay in axkaamta shareecada laga qaato ficilkii rasuulka ee laga dhaxlay, waan ku farxay jawaabtaas waxaanan u qaatay in ra’yigii liitey – ee ahaa inaanay axaadiis saxeex ahiba jirin oo ay been abuur yihiin – uu ka soo noqday , waanan uga mahadceliyey, nasiib darrose intuu mar kale soo noqday ayuu dib u dafiray kaalinta axaadiista ee diinta, isagoo sheegay in quraanka oo keliya lagu kaaftoomi karo.

Haddaba anigoo xalay balan qaaday inaan laba qodob uun ka jawaabi doono, waxa muuqata inaan ku qasbanahay inaan ku horreeyo ka falcelinta isburinta Mudane Hawd.
=========================================
RUMEYNTA QURAANKA IYO BEENINTA SUNNADA AMA XADIISKA.

Intaanan ka hadal kaalinta xadiiska nebigu N.N.K.H kaga jiro diinta islaamka, sugnaanta axaadiista rasuulka, qolyaha diida axaadiista rasuulka, taariikhdooda iyo ujeedadooda iyo kaalinta culimadu ku leeyihiin ilaalinta diinta, waxa aan idiin caddeynayaa arimahan:

Qofka sheegta inuu quraanka oo keliya rumeysan yahay oo aanu sunnada rumeysnayn inaanu caqli fekerayaa ku jirin ee uu dhoohan yahay, adba waad qiri ee intan ila akhri
1) Nebigu N.N.K.H waxa uu dhintay, iyadoo quraanku ku xafidan yahay qoraalo kala duwan oo saxaabada midba in hayo, sidoo kale tirada saxaabada ee sida la hubo quraanka oo dhan xafidsanaa aanay ka badneyn sideed saxaabi, halka kuwo kale xifdigoodu uu ahaa heerar kala duwan.
2) Sanado ka dib dhimashadii Nebiga N.N.K.H, ayuu cumar ibn Khadaab u soo jeediyey Abuubakar oo amiirka muslimiinta ahaa in quraanka la qoro oo hal kitaab laysugu geeyo, dood iyo rogrogid badan ka dib waxa ay saxaabadii isla qaateen arinkaas, ujeedaduna waxa ay ahayd inaanu quraanku lumin ka dib markii dagaalo badan oo saxaabadu galeen ay ku shahiideen tiro badan oo xufaadul qur’aan ahayd, hawshaas waxa uu Abuubakar – Alle ha ka raali noqdee – u magacaabay saxaabiga Zayd Ibn Thaabir oo xaafid ahaa, manhaj qeexan oo ururinta quraanka loo marona waa la dejiyey, Zayd waxa uu yidhi: ”Wallaahi hadduu ii diri lahaa inaan buur meesheeda ka qaado ayaa iiga sahlanaan lahayd hawshan uu igu kelifay”
3) Sidaas ayaa lagu ururiyey quraanka oo musxaf keliya layskaga dhigay, iyadoo axruf kala duwan oo quraanku ku soo degay lagu qoray.
4) Labaataneeyo sanno ku dhowaad ka dib geeridii Nebiga N.N.K.H ayuu mar kale Cismaan Ibn Cafaan oo amiirka muuminiinta ahaa la tashi ka dib amray in quraanka oo dhowr lahjo ku qorraa mid uun laga soo reebo kuwa kalena la ururiyo, si inay ummaddu quraanka isku khilaafto looga fogaado- arinkan iyo kaas ka horreeyaaba waxay ahaayeen kuwo ay saxaabaddu isku raaceen, Nebigana SCW waxa ka sugnaatay ummaddaydu baadinimo iskuma waafaqdo.
5) Dhammaan talaabooyinkaasi waxa ay ahaayeen kuwo u adeegaya masaalixda diintani u timi oo ah in dadka diintooda loo waardiyeeyo, waxaanay ahaayeen talaabooyin aadmi qaaday ha yeeshee Alle ku dhowray kitaabkan quraanka ah kuna xaqiijiyey aayaddan (إنّا نحن نزلنا الذكر وإنّا له لحافظون), “anagaa quraanka soo dejinay anagaana ilaalinayna”.
6) Intaa haddaad garato, sow kuuma muuqato in saxaabiga quraanka soo wariyey iyo kan xadiiska iyo dhacdooyinka nebiga ka soo weriyey ay isku mid yihiin? Sow kuuma muuqato taabiciga – waa jiilkii saxaabada cilmiga ka qaataye – quraanka soo gudbiyey iyo kan xadiiska soo gudbiyey inay isku mid yihiin, caqliga lagu kala doortay, ee midna la yidhi rag baa qoray midna la yidhi waanu rumaysanahay maxay ku kala duwan yihiin?, adiga mid walba sow rag kuma soo gaadhsiin, quraanka ma malag baa Nebi Muxamed N.N.K.H kaaga soo qaaday oo gacanta kuu geliyey?
7) Sidaas oo kale waxa aan is qabaneyn in qof yidhaahdo axkaamta salaadda ficilkii rasuulka laga dhaxlay ee soo jireenka ahaa ayaanka qaadanayaa, axaadiista laga soo weriyeyna aqbali maayo !, oo adeer siduu soo jireen u yahay sow rag may soo jirsiin oo may soo tebin odhaah ahaan iyo ficil ahaanba, ma qofbaa ku dhashay isagoo yaqaanna?, ragbaa qoray oo jiil ba jiil u kaydiyey isagoo qoran oo practical ahaanna u baray.

=========================================

Aan ku noqdo ee Mudane hawd sadex qormo oo uu qorey, laba uu shalay ku tacliiqiyey su’aalihii aan waydiiyey iyo qormo hore oo uu qorey oo walaalaha qormadii xalay commet-gareeyeyna soo sawireen, waxa uu is buriyey sadex jeer:
1- Hore waxa uu yidhi xadiis oo dhami waa been abuur aan sal iyo raad lahayn ama bukhaari ha ku jiro ama muslim ama meeshuu doono ha lagu sheegee !,
2- Hawd, si aan ra’yigiisaa hore u hubiyo inuu ka noqday kana toobad keenay iyo in kale ayaan xalay waydiiyey “Mudane Ibrahim hawd ma rumaysan tahay in wax sheeggii rasuulka N.N.K.H, ee uu ummaddiisa wax u sheegay ee amrid lahaa, reebid lahaa, waxbarid lahaa ay diin ahayd? Haddey jawaabtu haa tahay, hal tusaale ma naga siin kartaa?”.
wuxuu ku jawaabay:” Haa, waan rumaysan ahay, waxaana ka mid ah in ay dadku isaga ka barteen qaabka loo waysaysto.”,

Runtii waan ku farxay oo inuu ra’yigii liitey ka soo noqday ayaan u qaatay, waanan uga mahadceliyey, nasiib darrose intuu mar kale soo noqday ayuu sidan qorey oo mar sadexaad is buriyey, caadadiisii horena ku laabtay.
3- Wuxuuna ku adkeystay in quraanka lagu kaaftoomi karo oo aan xadiisyada la bedelay ee been abuurka ah waxba looga baahneyn, qodobo kale oo aqoon darro ka muuqatana raaciyey, arinka se layaabka leh ee uu ku celceliyey ayaa ahaa: in cibaadadu ku dhisan tahay sidii nebiga looga soo guuriyey, waa is burin heerkii ugu sarreyey qofkasta oo miyir qab ku negina garan karo, u fiirso, xadiis oo dhammi waa been, haddana waxa aan axkaamta salaadda ka bartey siduu nebigu dadka u baray!, kor waxaynu ku xusnay in qofka sunnadda ama xadiiska diidaa aanay suuro gal ahayn caqli iyo sharci toona inuu quraanka rumeeyo, bal quraanka yaa u soo wariyey, illeyn Nebi Muxamed isaga gacanta kama geline !, miyaanu ogeyn quraanka in rag soo tebiyeen, ururiyeen oo hal kitaab isugu geeyeen Nebi Muxamed sanado badan ka dib!, bal adigu wakaase caqligaaga adeegso oo is waafaji?

=========================================
Waxa aan xalay – tacliiq- ku sheegay hoosna hadda ku xusay in arinta uu ibraahim soo dhigay si gun looga gaadho aan afar arimood u marayo, afartaas arimood hawd kama jawaab celin, dhinaca kale waxa uu sheegay inaanay jirinba wax aanu ku kala bixi karraa, u fiirso hadalkiisan uu xalay ku commet gareeyey qormadeydii “Macnaynta Quraanka waxaa loo cuskadaa in Af Carbeedka si wanaaagsan loo yaqaan iyo in la og yahay dhacdooyinka la xidhiidha sida sabab nusuulka. Adiga oo Carabida yaqaan iyo aniga oo Carabida aqaan haddii aynnu aayad is ku qabsanno CID INA KA LA SAARAYSAA MA JIRTO, waayo boqollaal wadaad baa hore loo ka la saari waayay sidaana tobannaan mad’habood iyo boqollaal firqo ku noqday” tan macnaheedu
1) Aqoon xumo ku aadan usuusha loo maro tafsiirka quraanka- gadaal baan ka xusi doonaa.
2) Mooganaan noocyada kala tagnaanta ama khilaafka ee la ogolyahay iyo ka aan sharci ahaan iyo caqli ahaantoona la ogoleyn.
3) Waa is burin cusub oo qireysa kaalinta sunnadu ama xadiisku ku leeyahay fahamkiisa, waayo sababu nusuulka uu sheegay axaadiista ayaa sheegta ee quraanku ma sheego, sidee buu ugu xukun qaadanayaa wax uu been abuur u arko !.
4) Intaaba waxa ka daran, WAA GARI IMA GASHO IGA MANA BAXDO !.

In la yidhaahdo qof walba waxa ay la noqoto ha yidhaahdo, oo yaan la kala bixin, caqli kasta oo caafimaad qaba ayaa diidaya, haddaanay odhaah kastaa gar iyo gardaro mid uun ahayn marka miisaanka saxda ah la saaro, waa maxay macnaha garasho ee la sheeganayaa!
Arintani waxa ay shaki gelinaysaa midho dhalka doodan.

Ha yeeshee si caddeynta ka ku noolaanayaa ugu noolaado ka ku haligmayaana ugu haligmo waxa aan sii wadi doonaa doodan iyo kala daadinta afkaartan xuub caareedka ku tiirsan.
(لِّيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَن بَيِّنَةٍ وَيَحْيَىٰ مَنْ حَيَّ عَن بَيِّنَةٍ ۗ وَإِنَّ اللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ)

Nebi Muxamed ma Mushrik buu ahaa nebinimada ka hor ? – Astaqfirulaah
============================================
Arintan labaad ee meel ka dhaca ku ah maqaamka Nebinamada suubanaha N.N.K.H jawaabteeda waxaan u mari doonaa sidatan:
1- Ma jiraan aayado quraan ah oo macnahoodu cad yahay (صريح الدلالة), oo sheegaya in Nebi Muxamed N.N.K.H, nebinimada ka hor la diin ahaa mushrikiintii qureysheed?,
2- Haddii la waayo. Waxa aynu eegi doonaa: Ma jiraan aayado quraan ah oo si cad ( صريح الدلالة), u sheegaya in Nebi Muxamed N.N.K.H, nebinamada ka hor ahaa muwaxid haysta diintii nebi Ibrahim ama diinimihii kale ee samaawiga ahaa mid ka mid ah?.
3- Haddii la waayo, waxa aynu raadceynaynaa ma jiraan axaadiis saxeex ah oo arintan wax ka sheegay, kana hadlay.
4- Haddii la waayo, waxa aynu u noqonaynaa waxa ay ka yidhaahdeen kuwii Alle u doortay Nebi Muxamed N.N.K.H, dabadii inay diintan xambaaraan, laabtooda iyo qalinkoodana uu ku dhowray, waa kuwii dhaxlay Nebi muxamed N.N.K.H sida uu isagu ina barey quraankuna sugay, waa culimada Islaamka, laga soo bilaabo saxaabada ilaa intii ka danbeysay.

Qodobka 1aad: Aayadaha uu soo qaatay hawd midna ma sheegayso waxa uu u daliishanayo, si dhow iyo si durugsan toona, mana jiraan aayado kale oo quraanka ku jira oo sheegaya in Nebi Muxamed N.N.K.H asnaam la caabudi jirey mushrikiintii qureysheed. Taasi waa kow (waan ku noqon doonaa tafsiirka aayadaha uu soo qaatay odeygu).
Qodobka 2aad: Dhinaca kale quraanka kuma jiraan aayado si caad la’ uga waramaya xaaladdii cibaado ee Nebi Muxamed N.N.K.H nebinamada ka hor, taasna laba dheh.
Qodobka 3aad: Haa way jiraan axaadiis tibaaxaya dhowrsanaanta nebi muxamed N.N.K.H nebinimadiisa ka hor, sidoo kale waxa jira oo fara badan hadaladii culimada muslimiinta ilaa saxaabadii ay ka yidhaahdeen arintan, waynu soo guurinaynaa – insha Allah
Qormada oo dheeraatay awgeed waxa aan door biday inaan kala jebiyo- mar kale ayaan qaybta danbe soo gelinayaa- Haddii Alle idmo-.
La soco——

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.