“Hubka Somalia Loogu Deeqo Puntland Lama Siiyo,” Deni

Madaxweyne Deni Oo Si Weyn Uga Cawday Saanad La’aan Ciidan

0
“Hubka Somalia Loogu Deeqo Puntland Lama Siiyo,” Deni

“Hubka Somalia Loogu Deeqo Puntland Lama Siiyo,” Deni
Garoowe(Sayruuq) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa walaac weyn ka muujiyay hub la’aan haysata ciidamada maamulkiisa. Waxa uu sheegay in taageero badan oo military oo la siiyo Soomaaliya aanay soo gaadhin Puntland. Waxa uu sidaasi ku sheegay kormeer uu ku sameeyay qaybo ka mid ah ciidamada Daraawiishta Puntland.

Madaxweyne Deni oo ciidamadiisa la hadlayay ayaa yidhi “Waxaan aad uga xumahay lacagta caalamku ugu talo galay in lagu difaaco dalka oo lagaga ilaaliyo xagjirka ay waxa ka soo gaadha Puntland aad u yar tahay, waa nasiib darro arrintaasi runtii. Waxaanu baaq u dirayna dadka Soomaaliya taageera, waxa ugu weyn ee maanta Soomaaliya laga taageera waa nabad gelyo, waa cadowgii oo badaha ka soo tallaabaya oo ajaanib leh oo dib ugu soo gurmaya buuraha Bari ee Puntland iyo cadow kale oo degaanno kale ka imanaya oo raba in ay wada jirka Puntland wiiqaan, arrimahaas oo dhan waxay u baahan tahay difaac adag,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Waxa uu intaasi raaciyay “Difaacana dadkii waa jooga ee qalabka qaybtiisii way adag tahay in Puntland maarayso xataa haddii ay dhaqaale ugu talo gasho hubka lama soo iibsan karo. Waxaan aad uga xumahay hub aad u fara badan oo Soomaaliya loogu deeqo aanu Puntland soo gaadhin iyada oo ah meesha kaliya ee ilaalisa midnimada Soomaaliya, hor istaagta cid kasta oo damac ka galo Soomaali waxay doonan ha ahaadaane haddana in aanay helin wixii ay mudnayd, waxa ugu weyn aanu xisaabta galin doona waxa weeye in xuquuqda dadka Puntladn leeyihiin ciidan ha ahaadaan ama shacabe in la helo,” Sidaas ayuu yidhi Mr Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ciidanku ahmiyad weyn u leeyahay maamulkiisa, islamarkaana uu xoogga saarayo horumarintiisa.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.