Hooyo Ku Dhex Umushey Dhoolatuskii Taageeryaasha Xisbiga Waddani ee Ceerigaabo

0

Ceerigaabo(Sayruuq)-Shacbiga ku nool Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag,ayaa siweyn u hadalhayey hooyo fooshii ku qabatey dhoolatuskii isu soo baxa maalinta lixaad ee ololaha Tartanka Doorashooyinka oo Xisbiyada ee ay maanta u lahaayeen Xisbiga Waddani fagaaraha Garoonka Kubada Cagta ee Daallo Staduim islamarakaana, ku dhashey wiil loogu magac darey Murrashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),iyo Xisbiga Rajadda Shacabka ee Waddani.

Hooyadan illaahey u fududeeyey fooshii iyo umushii labadaba ayaa kamid aheyd taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Degmada Ceerigaabo,waxa ay kusoo beegantey maalintii ay ugu xamaasada iyo xiisaha badneyd taageerayaasha Waddani ee Gobolka Sanaag gaar ahaana, Ceerigaabo oo uu maalintooda lixaad ee uu ololaha kala qeyb galey Murrashaxa Xisbigu waxa ay dadweynaha Reer Ceerigaabo sheegeen in aaney hooyadaasi dareensaneyn,fooshii iyo Xanuun kale midna haseyeeshee,ay la jibeysneyd qiirada iyo muxibada ay u haysey Xisbiga Waddani iyo Murrashaxiisa taas oo ay la qabtey kumanaan haween ah,oo iyaguna si xamaasad leh uga soo qeyb galey dhoolatuskaasi.

Hooyadaasi oo hada caafimaadkeedu boqolkiiba boqol yahey iyada ilmaheediiba,iyadoo ay ka war heleen isla amintiiba gudaha garoonka Murrashaxa jagadda Madaxweyne iyo guud ahaanba masuuliyiinta heer qaran iyo heer Gobol ee Xisbiga kuwaas oo dhamaantoodba booqdey hooyadaasi.

 

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.