Hoggaanka Waddani Oo La Kulmay Safiirka Ingiriiska

0
Hoggaanka Waddani Oo La Kulmay Safiirka Ingiriiska

Hoggaanka Waddani Oo La Kulmay Safiirka Ingiriiska

Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa kulan la qaatay safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Amb Ben Fender oo uu weheliyo madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Mr Stuwart Brown.

Madaxda xisbiga WADDANI iyo Danjireyaasha Ingiriiska ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee Somalilang gaar ahaana xaaladdii Degdegga ahayd ee meelo ka mid ah Sanaag iyo xadhigga soo noqnoqday ee masuuliyiinta xisbiga, xildhibaannada iyo saxaafadda.


Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa kulanka ku wehelinayay guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Xil Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X Xasan, xoghayaha guud Khadar Xuseen, xoghaye ku xigeenka Jamaal Jaamac iyo xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha Cabdiqaadir Iidle

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.