Hoggaamiyeyaasha Islaamka Ee Istanbul Ku Shiray Oo Go’aan Ka Qaatay Arrinta Qudus

0

Istanbul(Sayruuq) Masuuliyiin ka kala socda 48 dal oo dunida Muslimka ah oo ay ka mid yihiin 18 Madaxweyneyaal iyo ra’isal wasaareyaal ah ayaa ka qayb galay shir aan caadiga ahayn ee dalalka Islaamka uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Waddamada Islaamka ayaa isku raacay in ay cod midaysan ku diidaan go’aanka Madaxweynaha Maraykanku magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yuhuudda.

Xoghayaha Guud ee Ururka iskaashiga Islaamka Yousef al-Othaimeen, ayaa sheegay in goluhu isku raacay diidmada go’aanka Trump “Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) wuxuu diiday oo uu cambaareeyay go’aanka Maraykanka. Go’aanka Maraykanku waa mid jabinaya sharciga Caalamiga ah. Waa mid hurinaya dareenka muslimiinta dunida. Waa mid abuuraya xaalad ammaan darro oo gobolka iyo guud ahaan dunida,” Sidaas ayuu yidhi xoghayuhu.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in Maraykanku buriyay dhexdhexaadintii Falastiiniyiinta iyo Isra’iil “Ma aqbali doono in Maraykanku wax door ah ku yeesho hannaanka Nabadda. Waxay si buuxda u caddeeyeen eexdooda ah in ay la dhinac yihiin Isra’iil. Qudus waxay ahaan doonta caasimadda Falastiin,” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Cabbaas.

Madaxweynaha Turkiga ecep Tayyip Erdogan ayaa madaxda Islaamka isugu yeedhay si ay uga arrinsadaan go’aanka Trump waxaanu madasha ka sheegay in Isra’iil tahay waddan Argagixiso ah “Ansax maaha waxna kama jiraan go’aanka Trump. Isra’iil mooye waddan kale oo dunida ahi ma taageerin go’aankan. Haddii aad dhawr mirir dhex socoto jidadka Qudus waxaad fahmaysa in magaaladu tahay mid la haysto,” Sidaas ayuu yidhi Erdogan.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.