Hoggaamin iyo Hab-maamul

0
Somaliland Briefing Note 2018

Hoggaamin iyo Hab-maamul

Dawladnimo waxa aan ku matali karaa sidii aalaadda computer-ka oo kale. Qaybta 1aad waa haykal (hardware) u kala qabysama sedex laamood: Sharci-Habayn (maaha dejin hadday dawladdu Islaam tahay), Sharcifulin. Dadku inta badan hay’adda fulinta ayuunbay maqlaan se isma waydiiyaan waxa la fulinayaa waxa uu yahay. Laanta fulinta ee dawladnimo waxa ay fulisaa oo ay ku koobantahay keliya awoowadaha iyo shaqooyinka uu sharcigu u saamaxayo. Waadiga arkayoo dhamaan hay’adaa sharci-fulintu ( law enforcement agencies ) sida Police-ka, Xeer-ilaanta, hay’adaa aminga Iiwm waxa ay hoos yimaaadaan laanta fulinta ee dawladda. Sidaa daraadeed, laanta fulintu marnaba sharciga kama talaabsan karto, mid cusubna ma samaysan karto sida ay doontana sharciga uma fasiran karto.

Laanta 3aad ee dawladnimo waa Sharci-fasirid, dabaqid iyo waaxaha dawladda iyo dadka oo sharciga lagusoo dabaalo laguna kala saaro marka laba dhinac oo dadka ka mida, laba waaxood oo dawlada ka mida amase waax dawladda ka mid ah iyo qof ama koox dadka ka mid ah uu muran iyo dood sharciyeed dhex-marto. Waana sabata loogu magaacabo hay’adda garsoorka iyo garnaqa.

Muxuu yayhay operating system-ka ( isku-xidhaha) shaqaysiiya dawladnimada?

Sedex qodob ayaa lagama marmaan ah:

1. Shuruuc Qeexan oo lafa-guran
In marka horeba dawladnimadu ku dhisantahay shuruuc qeexan, dhexdhexaada, dadku u simanyiin ku dhisan cadaalad iyo caqlaaniyad. Shuruucda noocas ah waxa ugu mudan Distoor waxaana ku xiga shuruucd iyo xeerar ka farcama Distoorka oo ay tahay inaanay ka hor-iman Distoorka maadaa uu isagu dhalay oo uu aabohood yahay (constitution is the father of laws.) Haseyeeshee waxa aan baraarujin lahaa in marka laga hadlayo ama distoor loo samaynayo dal muslim ah aanay banaanayn oo ay xaaraan tahay in distoorku uu noqdo ka wax xalaaleeya waxna xaaraantinimeeya. Keliya waa inuu ku koobnaada qaab-dhismeedka iyo hab-maamulka dawladnimo
2. Inuu jiro hab-maamul wacan iyo hufnaan shaqo
Waa in talaaba kasta oo la qaadayo loo maraa hab-maamul oo la fahmi karo, qiyaasi karo lana qiimayn karo (sound administrative system). Marka aynu ka hadlayno sound adminstrauve system uma jeedno Good Governance. Waayo kandmbe waxa uu ku qotomaa daahfurnaan iyo wada xisaabtan oo aabe u yahay Distoorka iyo qaanuunka maaliyadda guud ( public finance law). Hab-maamulkuna waxa uu ku qotomaa qaanunka maamulka ( adinstrative law) iyo cilmiga maamulka (management sicence) oo inta laysku shiilay loo badalay qoraalo hab-maamul iyo hal-beegyo lagu shaqayn karo si daily ah

3. Muwaadinmo( Citizenship)

Waa inuu jiraa bisayl umadeed oo loo dhanyahay iyo yuhuun guud oo ka wada guuxaysa dhamaan maanka iyo laabta shacabka uu leeyahay wadan. Waa in qof kastaa iskii u diran-yahay oo dadaal ka wada dhankiisa. Waa inaan qofna su’aal ka keenin sidee ayuu aniga sharcigu ii qaban karaa ama iiga sarayn karaa. Waa inaan su’aashu ahayn maxaa dan ah ee anigu aan ku qabaa dalkan! Se ay tahay su’aashu maxaan anigu qaban karaa ee igu haboon amase igu aadan…

Marka intaa laysla helo ayaa waxa kuusoo baxaya super great nation amase amazing iyo lovely country haddii kalena waa bullshit iyo ciir gadhoodhay!
Garyaqaan Mohamed Diiriye

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.