Hogaanka Kulmiye Oo ka Hadlay Wasiirada Iscasilay

0

Hargeysa(Sayruuq)- Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan kuxigeenkiisa Maxamed Kaahin iyo xubno kale ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga, waxaanu ku dooday in xisbiga Kulmiye si rasmi ah loogu tartami doono marka shirka golaha dhexe la gaadho.

Mudane Muuse Biixi, wuxuu meesha ka saaray eeda wasiirada Iscasilay u jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo ee ah inuu Muuse la saftay, waxaanu sheegay inaan faq iyo fagaare lagaga maqal madaxweynaha oo taageeraya Muuse.

“Qodobka ah Xisbiga cid baa loo xidhay. Horta golihii la isku dooranayay lama tagin. Meel madaxweynuhu ka yidhi cid baan taageerayaa oo cid gaar ah ayaan wataana fagaare iyo faq midna kumaynaan maqal. Anigana wuxuu dhegta ii saaray iyo wuxuu ii sheegay midna ma jiro,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu ku ducaysto in madaxweynuhu mar uun taageero “ Horta waaba Illaahay mahaddii mar haddii maanta ragga qaar leeyihiin madaxweynaha ayaa adigu(Muuse) wata. Shan sanno ayaanu halkan fadhinayoo anagu qoladii la tuurtuurayay ayaanu ahayn. Markaa hadday iyagu xaggan noogu soo riixan waa Illaahay mahaddii. Illaahay ha ka dhabeeyo oo waanu ku ducaysanaynaa inuu madaxweynuhu na taageero haddaanu helayno. Duco ayaanu ba fooxa intaa ugu ridnaa haddaanu helayno laakiin, wax alle wax na soo gaadhay oo dareen ahi ma jiro,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse.

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Marka loo fiirsado wasiiradii shalay is casilay waxay yidhaahdeen qaarkodo, “madaxweynuhu cid buu taageerayaa”. Dadka waxaanu u sheegaynaa inaanan arrintaas hayn. Iyaga markii la sii waydiiyay waxay yidhaahdeen nagumuu odhane xan baanu ku maqalay, dee xanna la iskuma eedeeyo.”

Guddoomiye Muuse Biixi, wuxuu sheegay in uu ogol yahay in lala tartamo “ Xisbigani waa dimuqraadi, waa lagu tartamayaa, in la igula tartamo ayaan ogolahay, horaa la iigula tartami jiray, waa la iga adkaan jiray, mar waan ku guulaysan jiray. Wax ceeb ah ma laha fagaaraha tartanku, qolkan ayuu ahaa kii aan ka lahaa waa la iga adkaaday ee inta xisbiga oo dhammi iga soo horjeestay aan aayar isku dhiibay. Sharaf mooyee xummaanna kama qaadin. Maaha in col hortii la is eedeeyo, tartanku waa furan yahay saaxiibaday waan soo dhawaynaynaa, xisbiga waa lagu tartamayaa waa u furan yahay, si hufan oo saxaafaddu markhaati ka noqoto oo cid walba oo la doonayaa markhaati ka noqoto ayaanu diyaar u nahay,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.