Hogaamiyeyaasha Mucaaradka Oo Ka Hadlay Wada Hadalka Ay Xukumadda Kula Jiraan

0

Hargeysa(Sayruuq)-Hogaamiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen xarunta Xisbiga Ucid ee Hargeysa waxay ku sheegeen inay aqbaleen dib u dhaca kulamadii Mucaaradka iyo xukumadda u socday ee lagaga arrrinsanayay muddo kordhinta Xukumadda kadib markii Xukumaddu codsatay in dib loo dhigo kulankii Isniinta maanta.

Gudoomiyaha Ucid ayaa sheegay inuu lahaa hindisaha wada hadalka haatana ay aqbaleen in maalinta bari ah la wada hadlo “Anaga oo ixtiraamayna madaxweyne ku xigeenka oo shirka gudoominayey waanu ogolaanay in beri uu shirku dib ugu dhaco” ayuu yidhi Eng Faysal

“Waxaad ka war qabteen inuu socday wada hadal ah gogol madaxweynuhu fidiyey oo lagaga wada hadlayey khilaafkii ka dhashay go,aankii golaha guurtidu gaadhay ee ahaa mudo kordhinta aan laysla ogolayn, anaga oo aan wax shuruud ah ku xidhin waxaanu ogolaanay inaanu gogosha nimaadno, waxaanay bilaabantay 20-kii May, wax natiijo ah oo ka dhashay kulankaasi muu  irin laakiin anaga oo eegayna danta somaliland badbaadinteeda iyo inuu heshiis dhaco waxaanu siinay fursad xukuumada iyo xisbiga Kulmiye, waxaanan isla qaadanay in la raadiyo xal siyaasiya oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa khilaafkaas,”  Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Gudoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Sabtidii ayaanu isku soo noqonay  wax xal ah kamuu iman dhinaca xukuumada iyo xisbiyada Kulmiye waxaanay u eekayd in maalintii gogosha la dhigayey inay gogosha laabeen sababta oo ah gogol ayey yidhaahdeen waanu dhignay waxaanay yidhaahdeen go,aanka khilaafka dhaliyey waa lama taabtaan, waxaanu ku kala tagnay inaanu maalin kale siino oo isniinta laysku soo noqdo  hase yeeshee madaxweyne ku xigeenka oo dhex dhexaadinayey sadexda xisbiga Qaran oo hawlna ku jira waxa uu naga codsaday in maalin dheeraad ah la siiyo oo kulankii maanta dib loo dhigo barina la siiyo.”

Gudoomiye Cirro, waxa uu ka dayriyay in natiijo wax ku Ool ahi ka soo baxdo Wada xaajoodka “Markaanu ka doodnay  dood dheer si dimuqraadi ah xisbiga Wadani iyo xisbiyada mucaaridka ahba waxaanu qaadanay anaga oo madaxweyne ku xigeenka ku xurmaynayna hawsha uu ku jiro uguna ducaynayna inuu natiijo keeno  oo aanan wax badan ka filayn, waxaanu shacabka u cadaynaynaa inaanu sadexda fursadood ee aanu bixinay  in xal la gaadho waxaanan is leenahay fursad afaraad ma jiri karto,waxaanad noogu ducaysaan inay xal la yimaadaan, gogoshiina waanu ku fadhinaa  kamaanaan kicin, laakiin hadii xal iman waayo waxay ila tahay gogosha iyaga ayaa laalaabaya.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.