Hirganka Wasiirrada La Socda Madaxweyne Biixi

0
Hirganka Wasiirrada La Socda Madaxweyne Biixi
Loollan Addag Oo Magaalada Burco Ku Dhexmaray Wasiirada Bariga Iyo Galbeedka Burco Iyo Kale Riixashada Madaxweynaha Oo Noqotay Xudunta Dagaalkooda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku joogay maalmihii u dambeeyey Magaalo Madax-da Gobolka Tog-dheer ee Burco,haseyeeshee socdaalkaas Madaxweynaha waxa hadheeyey arrimo kale duwan oo ugub ku ah socdaalkiisan,iyadoo arrinta ugu weyni ay tahay xafiiltanka iyo xintanka u dhaxeeya Wasiiradda Beelaha bariga iyo Galbeedka Burco,kuwaas oo uu loollan adagi ku dhexmaray Magaalada Burco iyadoo ay kooxiba kooxda kale ay doonayso inay Madaxweyanaha uga dhawaato,arrintaas oo noqotay mid si weyn loo haddal hayo.
Wasiiradda ka soo kele jeeda deegaanada Bariga iyo Galbeedka Burco ayaa waxa kale Hoggaaminaya Wasiir Siciid Sulub Iyo Wasiir Xasan Gafaadhi iyo Guddoomiye Xinif,waxaana la sheegay inay shirar hoose oo ay si gaar gaar ah ula yeesheen labada beelood ay arrimo aan haboonayn ku tirabeen, iyadoo la sheegay in kooxda Wasiir Sulub ay u sheegeen Beeshooda inay Madaxweynaha ay soo dhaweeyaan, isla markaana ay ka faa’iidaystaan jaaniska madaama oo uu usoo jan-jeedho dhankooda, halka ay kooxda Wasiir Gafaadhi iyo Xinif ay beeshooda u sheegeen in aanay Madaxweynaha ay doorteen aanay kale wareegin Beesha Galbeedka Burco ee ay la yimadaan waxay ku kasban lahayeen qalbigiisa.
Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, ayaa eedo kulul u jeediyey Wasiiradaas waxaanu ku tilmaamay kuwo Bulshada Somaliland kala qooqobaya, isla markaana qabyaalad iyo cudur kala dhex-dhigaya shacabka Walaalaha ah ee reer Burco,
Waxaanu isagoo arrimahaasi ka hadlaya uu sheegay in Wasiir Sulub iyo Kooxdiisu ay ku ololeynayeen sidan:- “Siciid Sulub iyo kooxdiisu waxay ku ololleynayeen oo ay kula hadlayeen kula xidhiidhayeen dadka degaanka Burco qaar kamid ah waxay ku ololeynayeen Madaxweynaha Soo dhaweeya maanta innaga ayey inoo jan-jeedhaaye Dowlada aynu ka faa’iidaysano, iyagoo u tusinaya qolo hore oo ay u jan-jeedhay inay ka soo jan-jeedhsamayso .”ayuu yidhi
Dhanka kalena Jiif Caaqil Rashiid ayaa sheegay inay iyana Kooxda Wasiiradda Bariga Burco ka soo jeeda ay ku ololeynayeen sidan:- “Dhinaca kalene koox Maayarka Burco iyo Xinif ay hoggaaminayaan waxay ku ololleynayeen Madaxweynihii aynu dooranay qolada Galbeed inaga xigtaa yaanay inagala wareegin ee aynu soo dhaweyno.”Ayuu yidhi
Waxaanu intaas ku sii daray “Waxa halkaa ka muuqda noocii olollaha doorashada ee dadka lagu kale qaybinayey ee cunfiga lagu abuurayey ayaad moodaysay in safarka Madaxweynaha oo shaqadiisii iyo kormeerkiis caadiga ay ahayd, in dadka lagu abaabulayey maragna uma baahna waa wax caddaan ah oo ay ku ololeynayeen .”Ayuu yidhi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.