Hilinka toosan ee hanuunsan qofku markuu haysto

0
Hilinka toosan ee hanuunsan qofku markuu haysto
Poet and living legend, Hadraawi, at Hargeisa International Book Fair 2013, Somaliland. Photo by Kate Stanworth

Hilinka toosan ee hanuunsan qofku markuu haysto, waa markuu ka madhanyahay xaaraanta, u xaglinta cid gaar ah, awoodda dawladda, dabadhilifnimada, kabaqaadnimada, hagrashada danyarta, ku tacaddiga magaciisa iyo wax kastoo xun oo kale.
..Dhaadashaa hanku ahaa
Marka dhabi dhabteed tahay,
Dhidar wayska tegi jirey
Halgamaagu kaliya ma aha qofka qoriga qaata ee dagaallama. Halgamaaga dhabta ah ee dal, dad (waliba danyartu ugu soo sokayso), diin, dhaqan iyo aqoonba aan af iyo qalinba ka hagran weeye. Qof siduu u dhanyahay bashar aanan u quudheen. “Malag” soomaali ku dhex jirey haddaan idhaahdo denbi igama raacayo. In aan ku sifeeyo oo ku dhereriyo shakhsi kale waa igu denbi. Ciddii sidaa fashaana, may aqoon ina Ibraahin.
Waa shakhsi is dhammaystiray dhan walba. Hal sifo in aan kugu xasuusiyo kaalintii doorranayd ee uu kaga jirey halganka kaga gayoon maayo—oo waa “ilaa aakhiro”
Bini’aadantinimadu waa qofkaa ay biyo dhigtay. Markan, waa isagoo inuu dhinto ka doorbidaya inay sharaftiisu dhimato.
Dhimashadu xabaashiyo,
Kafan laba dhudoodiyo
Rubaddoo ku dhaaftiyo,
Iil dhexdiisa maahee
Dhilashada jidhkaagiyo,
Sharafkoo dhantaalmiyo
Dhegxumaanta weeyaan.
Halkaasuu ka taagnaa dullinimoo dhan. Cid gaari ma sheegan Hadraawi, oo maba sheegan karto. Siduu u jeclaaday ee qalbigiisa ay u qaadday inantii reer Beledweyn, ayaa ruuxdiisii xariirta ahaydna uu u dhexdegay qof kastoo soomaalinimo sheeganayaa. Qofka aaminsan in Hadraawi ka xagliyoow, ina Ibraahin wuxuu ku yidhi;
mar haddaan dhaliil lagu gudbayn dhalasho mooyaane
dareenkiisu wuxu dhaadayaa hoos in loo dhigay.
…….”Hadraawi, sannad ka dib (2012) baan ku kulannay Carwadii Buugaagga Hargeysa oo wakhtigaas lagu qaban jirey hoolka shaqaalaha. Qof bashaash ah, dhoolacaddayn badan, kaftamaya inta u badanna talinaya ayaan la kulmay. Intuu bandhiggu socdayba anigu isagaan ka boganayey, weji qurux badan, nin aan da’ ahayn daalna hayn oo si qurux badan u labbisan oo qofkii soo galaaba madaxa ka dhunkanayo sidii oo uu xajkii tegay. Qofkaasaan soo arkay, kii baana weli ii sawiran mar walboon magaciisa maqlo”. Laba sano ka hor baan ku sifeeyay shakhsiyadda Hadraawi intan yar ee kooban oo aan meelna kaga dhacayn basharkaa sharfanaa.
Maalintaa duco iga niyad ahayd baan ugu ducaynayey in alle caafiyo. Caawana, naftaydaan ku simirsiinnayaa in Hadraawi u noolaa noloshiisii oo dhan si karaamo leh. Qoyskiisii iyo saaxiibbadiisa ay Rashiid-Gadhweyne, Faarax-Gammuute, iyo Siciid Saalax ka mid yihiin baan tacsi u dirayaa. Kadibna, idinka iyo shakhsi kastoo xor ka ah dulmiga ayaan leeyahay Hadraawi wuu galbaday, se wixii iyo ciddii uu ka halgamayey weli way joogaan ee hays dhiganina . Isaguna intaas buu ku ledi doonaa!
Qofka ii duceeyoow,
Rabbigay ku darajee,
Qofka iga ducaystoow,
Dummaddaada weeyaan.
Maxamed-Hadraawi I. Warsame (1939-2022).

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.