Hiigsiga Muuse Biixi ,Hanka Silaanyo Iyo Huriwaaga Wada Socod . Qalinkii: Rooble Abdi Muse

0
Waxaaa si hab sami ah ku soo afmeermay shir waynahii 3aad ee xisbiga Kulmiye, shirkaas oo ah mid dastuuriya xisbi ahaaan 5tii
sanoba in hal mar la qabto, lagana fisho go’aano misaan culus ku yeesha itijaaha, majaraha, hogaanka iyo mustaqbalka xisbiga. Shirkaas oo dibna usoo dhacayay in mudo ah, si banaanka loogu soo xaliyo, meelna la iskugu keeno tartamayaal isku hirdiyay hogaanka xisbiga. Mudo yar ka hor qabsoomida shirka ayaaa gudi dhaxdhexaadineed ama xal u raadin arimaha khilaafka xisbigu ku qanciyeen garabadii is hayay qodoba ay ugu muhiim sanayd “in aan hogaan xisbiga aan lagula tartamin hogaankii markaas jiray”. Taasi waxaa ay sahashay suurtana gelisay qabsoomida shirka wallow dadka qaar ay u arkayeen in ay baal marsanayd dimuqraadiyada.
Hadaba tiiyo aan laga joogin todobaad shirwaynahii xisbiga ee lagu cumaaday Gud. Muuse Biixi, ayaa Muuse si rasmi ah uguna dhawaaqay in uu u taagan yahay musharaxa jagada madaxweyna. Ku dhawaaqista Muse Biixi ee hankiisa musharaxnimo ayaa noqotay Ajande siyaasadeed oo hor leh, dadka xiiseeya siyaada Somaliland guud ahaan iyo ta kulmiye gaar ahaana ay aad u falanqaynayeeen. Inta aanan u gunda degin  aniga rayigayga iyo arigtayda arinkan, bal aan si kooban u yar milicsado waayahii, baxaa degii iyo gedgeoonkii siyaasadeed ee ee gudoomiyenimada iyo musharaxnimad ee Xisboga.
Inkastoo aanan arag weli meel ay ku qoran tahay, shir lagu go’aamiyayna ka warqabin, ayaa hadana waxaan maqalnaa, suurta galna ku ah saaxada siyasada, in waxa lagu yidhaa afka qalaad “gentle man’s agreement” ama is afgarad nin weyn, uu madaxweyne Silaanyo, Muuse Biixi iyo amaba guud taageerayaashiisa kula heshiiyay xiligii ololahii in ay u codeeyaan isna taa badalkeeda doorashada danbe jagado u baneeyo kuna taageero. Madaxweynaha oo taas ka duulaya, ama sida uu qudbadisii ku sheegay tixgelinaya kobcinta dimuqraadiyadeed ee xisbiga uu ka soo baxay ee kulmiye ayuu ku wareejiyay jagada gudoomiyo-nimo Muuse Biixi. Taasi waxaa ay u muuqatay guul weyn oo siyaasadeed oo u gaadhay Muuse, caga adagse kumay istaagin ee waxaaa si degdeg ah u bilaabmay loolan adag oo kaga imid Cabdicasis Maxamed Samaale, oo dad badani qabaan in uu taageer xoog leh ka haystay dhanka madaxtooyada, walaw taas aan Muuse weli laga maqal, cid cadayn kartaana jirin, hadii laga tagi waayo Samaale, ayaa muujiyay in aanu tartan geli doonin inta Silaanyo uu taagan yahay.
Loolankaas ayaa ahaa mid culus, xalad badan, wejiyo badan qaatay, mudana socday, kuna darsoo hada Samaale iyo Muuse waa tol reer ahaan oo Silaanyo waxaa uu fursad u haystaa in uu kuu rabo tageero isaga oon ka baxin balantuu la galay taageerayaashooda. Si kastaba ha ahaatee loolankaasi waxaa uu kusoo afmeermay in uu Samaale Gudoomiyanima uga tanaasulo Muuse, hankisiii iyo loolankisii  musharaxnimo se uu wato hadii aanu Silaanyo taagnayn.
Guul siyaasadeed iyo doobir kay doontaba ha noqotee waxaa Muuse Biixi ku guulaysatay jagada gudoomiyenimo ee xisbiga, taasoo  geed sare ku laashay in qof aaan Silaanyo ahayn Muuse Biixi kula tartami karo Musharaxnimada xisbiga. Muda yar ka dib ayaa Muuse Biixi ku dhawaaqay hankiisa musharaxnimo ee xisbiga Kulmiye iyodoo ilo wareedyada qaarkoodna sheegayaaan in Madaxweyne Silaanyo laftiisu u tagaan yahay musharaxnimo, waxaa kale oo Muuse Biixi ka badheedhay in xitaa haduuu Silaanyo musharax yahay uu la tartamayo. Hadaba Muuse muu ku degdegay ku dhawaaqitiisa musharaxnimo? Mise waa xili saxa? Taariikhda ayaa ka jawaabi, anuuse waxaaan ka mida ahay inta ku qanacsan in ay tahay wakhti saxa, saamayn togana ku yeelan doonto loolankiisa, iyo hiigsiga himaladiisa, sababta oo ah:-
Ugu horayn Ku dhawaaqista musharaxnimo ee Muuse Biixi, waxay u midaynaysaa cududa taageerayaashiisa, kuwaaas oo u muuqday in ay ku furfurmeen loolankii hogaamiyenimo ee isaga iyo Samaale. Waxaanay awood iyo dhumucba u yeelaysaaa tartankiisa musharaxnimo.
Ku dhawaaqistu waxaa ay Muuse Biixi, ka caawinaysaa hirgalinta ama ugu yaraan muujinaysaa dedaaal ku waajan ka midha dhalinta balankiisii ahaa in uu doorashada danbe jagadaa musharaxa madaxweyne-nimo u hayo taageerayaashiisa.
Waxay meesha ka saaraysaa in madaxweyne Silaanyo kuma dhiirado ku dhawaaqista musharaxnimo, iyo loolan horleh oo uu la galo Muuse Biixi. Maadaama Madaxweyne silaanyo laftiisu u baahan yahay codka taageerayaasha Muuse waa haduu uu tartamayee.
Maadaama aanu weli madaxweyne Silaanyo cadayn inuu musharax yahay iyo in kale, kaga hor dhawaaqistu waxay Muuse Biixi ka badbaadinaysaa in uu ula muuqdo taageerayaasha Madaxweyne Siilaanyo in uu jiq kusiinayo madaxweynaha, maadama uu isagu yahay ka kuhor dhawaaqay.
Hadaba ku dhawaaqista Muuse Biixi ee musharaxnimadiisa, waxay Halxidhaale taxadir iyo farsamo culus u baahan ku tahay, xidhiidhka siyaasadeed iyo tageeroba ee isga iyo Madaxweyne Silaanyo. Waxaanay fursanwaa ka dhigaysaa in la gaadho xal midaysan oo labada tageeraba u cuntama, maadama aan midkastaaba ka maarmin ka kale iyo taageerayaashiisa, waxaaayana shuruud ah in xalku ka gadmi karo bulshadana Somaliland guud ahaan. Si kastaba ha ahaatee Madaxweyhe Silaanyo ayaa isna aan ku soo hadal qaadin qudbadiisii golayaasha doorashada iyo u diyaar garawgeedii. Tolaw ma ku talogalbaa oo sida la filan karo, xal baa laga raadin! Bal adba.
Isku soo wada xooriyoo anoon ka tagayn is bedbedalka lama filaanka ah ee siyaasada iyo tan awoodaha dabiiciga ah, Hadna ku dhawaaqista musharaxnimo ee Muuse Bixi waxaa ay iila muuqataa talaabo hore u socod siyaasadeed oo Muuse ku talaabsatay.
Roble Abdi Muse

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.