Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA Oo Soo Bandhigtay Magacyada Iyo Sawirada Iiraaniyiin Muqdisho Ku Dhex Faafinayey Mad-habta Shiicada

0

Muqdisho (Sayruuq)-Qoraal ay soo saartay hay’adda nabadda sugida Soomaaliya  ayaa soo bandhigay magacyada iyo dokumentiyada laba Ruux oo ku dhashay Dalka Iran kuwaasi lagu qabtay howlgallo laga sameeyay Magaalada Muqdisho.

 Labadan Ruux ee ka soo jeeda Dalka Iran islamarkaana lagu qabtay howlgallo Ciidamada Sirdoonka ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyay in mad-habta Shiicaynta ay ka wadeen Magaalada Muqdisho. Safiirka safaaradda Iran ee Muqdisho wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaalada Muqdisho.

Qoraalka ay hay’adda NISA soo saartay ayaa u dhignaa  sidaan:-

Howlgal ay sameeyeen ciidanka sirdoonku waxay ku soo qabteen dad sameynayay Barnmaamij Shiiceyn ah oo isugu jira Iran iyo Soomaali.

Sirdoonku waxay ku daba jireen barnaamijkaan muddo dheer kadibna waxay ciidamada amniga ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa barnaamijkaasi oo laga fuliyay magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in barnaamijkaan khatar ku yahay deganaanshaha nabadda iyo caqiidada umadda, iyo dalka.

Hay’adda Al-khumeyni waxay fulineysaa barnaamijkan iyada oo ku gambaneysa isu guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasi oo ay muddo gacanta ku hayeen, barnaamijka shiiceynta waxay ulajeedadiisu tahay fidneynta umadda Soomaaliyeed ee sunniyiinta ah.

Faah Faahin:-

-Magaca Mashruuca:Sida ay sheegteen waa xafladda dhalashada nabiga (SCW) bixinta hadiyad iyo dadka is guursanayo iyo caawinta ciyaaraha.

– Waxaa fulisay mashruucaan hay’adda gargaarka ee Al-imaamu Al-Khumeyni ee safaaradda Iran raacsan.

Mas’uuliyiinta Iran

  1. Muxsin Xuseen
  2. Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin

Kuwaas oo sheegtay inay kasocdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, baaris kadibna cadaatay markaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ayna Diblumaasiyiin ahayn.

Midda kale hay’adda Al-khumayni waxay ka fakar ka dhigtay munaasabadda bisha Moawliid iyo guur wadareedka ay isu guurisay wiilal iyo gabdho.

Gabgabo

Barnaamijka Shiiceynta oo ciidamada sirdoonka ay muddo dheer ku daba jireen waxaan ogaannay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay kuwaas oo laga bedalay mad-habkii Sunniga ee shaaficiga ah oo loo bedalay shiico, kaas oo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaanshaha amniga.

Waxaa kale oo ka mid ah barnaamijyadooda dad dhallinyaro ah in ay u qaadaan Iran, waxayna isugu jiraan dhallinyaro iyo NGO, kuwaas oo lagu soo shubayo afkaarta shiicada looguna gol-leeyahay marka ay dalka kusoo noqdaan in ay faafiyaan shiicada.

Sidoo kale waxay bixiyaan deeq waxbarasho oo ah heer jaamacad iyo heer Master kuwaas oo ay ka qaadaan jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda somalia oo xidhiidh wada shaqeyn ah la lehNimankaan fulinaya barnaamijkaan shiiceynaya ilaalada gaarka ah ee tawrada Iran.

Sidoo kale waxaa jira howlgallo ay ka sameeyaan Gobalada dhexe iyo magaalada Qardho ee Puntland.Safiirka safaaradda Iran ee Muqdisho wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaalada Muqdisho.

Daawo Aqoonsiga Xubnaha la qabtay iyagoo fidinaaya mad-habta shiicada

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.