Hay`adda Caalamiga Ah Ee Human Rights Watch Oo Ka Dayrusay Xayiraadda Internetka ee Xilliga Doorashada

0

“Somalilnd Waxay Haystaa Fursad Ay Doorashadda Ugu Qabato Hanaan Kobciya ,Waana inay Ka Noqoto Qaadista Talaabo Taa Waxyeeli Karta”

Hargeysa(Sayruuq)-Ururka Caalamiga ah ee Xuquuqda aadamaha u dhaqdhaqaaqaee HRW ayaa ka hadlay go`aanka xayiraadda lagu saaray isticmaalka baraha bulshada ee internetka oo uu komishanka doorashadu shalay ku dhawaaqay .

Laetita Bader oo ah cilmi baadhe sare oo ka tirsan Qeybta Afrika ee ururka caalamiga ah ee Human Rights Watch ayaa ka hadashay go`aankii Gudida Qaran ee Doorashooyinku uu ka soo saaray isticmaalka baraha bulshada xiliga doorashada .Qoraal jawaab ah oo ay xayiraadda ka soo saartayna wuxuu u dhignaa sidan “13ka November ,dalka iskii ugu dhawaaqay madax banaanida ee somaliland ayaa qaban doona doorasho madaxweyne oo ah tii seddexaad ee ay qabto tan  iyo 1991kii markii ayku dhawaaqday in ay ka madax banaan tahay Somalia.Madaxweynaha hadda xilka haya ayaa ka dagi doona,waxaana ku bartamaya murshax ka socda xisbiga talada haya iyo laba mucaaardah ,doorashadanoo faalada dadka ka bixiyaa ay ku tilmaameen tartan isku dhow.

Gudida qaran ee doorashadu wuxuu maanta ku dhawaqay  dhir jaraa`id  inuu xidhi doono baraha bulshada laga bilaabo 13ka November ilaa inta ay soo baxayso natiijada doorashadu .Iyadu oo dawladuhu ay u raadinayaan xaiyraadaha caynkaas ah cudur ah in faalada laga bixiyo doorashadu ay keenayso rabshado ama fiditaanka “war been abuur ah,”hadana in dadku helaan waxay daruuri u tahay in la helo doorasho xor iyo xalaal ah.

May 2015 baay ay soo wada saareen khuburo ka kooban dowlado badan oo u xilsaaran xorriyadda haalka waxaay sheegeen in xidhitaanka qayb dhan oo ka mid ah habka is gaadhsiintu aanu ahayn “mid sana weligii cudur loogaga heli karo xuquuqda aadanaha”Xanibaadaha dawladuhu soo rogaan waa in yihiin kow sharciga ku salaysan oo daruuri ah islamarkaana u dhigma jawaab laga bixinayo walaca amni oo cayiman,balse  maaha inuu noqdo uun in la xanibo qulqulka xogta.

Xayiraadan hada la soo jeediyay waxaay noqon doontaa tii u horaysay ee somaliland ka dhacda ,kuma cusba gobolka .Dalal dhowar ah oo ay ka mid yihiin Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya ayaa madaxdoodu is gaadhsiintu ay si toos ah u xanibeen internetka maalmo  ama mudooyin ka badan inta lagu jiro xasilooni darro bulsho ama doorasho.

November 2016 Gudida Afrika ee Xuquuqal Inaanka iyo Dadyowga ayaa ku muujiyey walaac “dhaqanka soo baxaya ee ah inay Dawlado qasayaan ama xanibayaan in la helo adeegayada is aadhsiinta sida internetka ,barha bulshada,adeegayada fariimaha,kuwaas oo sii badanaya xiliga doorashooyinka” waxaanay ugu baaqeen dawladaha inay damaanad qaadaan ,ixtiraamaan oo ilaaliyaan xuquuda muuwaadiniintu u leeyihiin xorriyadda xogta iyo cabiridda iyaqoo isticmaalaya deegga internetka .

Madaxada Somalilad waa inay aqoonsadaan in internetku door mihiim ah ka ciyaaro horumarkeeda  iyo geedi socodka dimuqraadiyada .Hadii ay walaac ka qabaan fiditaanka “war been abuur ah” iyo xasilooni darro bulsho ,waxa didin karaan xog sax ah ,waxayna wacyi galin ka sameyn karaan in la samayn rabshado.

Somaliland waxay fursad u haystaa inay ka noqoto qaadista talaabooyin waxyeelo u gaysan kara .

Hargeysa-Sayruuq

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.