HAYAANKII FANEED EE SAXARDIID MAXAMUUD CILMI (JEBIYE)

0

HAYAANKII FANEED EE SAXARDIID MAXAMUUD CILMI (JEBIYE)
(1937kii – 2019ka)
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Maanta oo Bisha Juun tahay 15, 2019ka, waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday hal-abuurkii weynaa ee Saxardiid Maxamuud Cilmi, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waaraabiyo dhammaanteenna Ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Ila wadaaga wax aan sidaa u sii badnayn oo aan maalmahan ka diyaarinayay oo aan Diiwaankiisa ugu talo-galay. Waa qoraal aad u kooban oo aan ku guud marayo hayaankii faneed ee dheeraa ee uu soo maray.
Geeddi dheer ayuu guud ahaanba fanka Soomaaliyeed soo maray. Haddii aynu dhalashadisii muddeeya is-nidhaahno, qaybo badan oo ka mid ah tirada iyo taariikhduba waa ay inaga gadmanayaan. Sababta ugu mudan ee sidaasi ku imanaysaana waa qoraal la’aanta iyo innaga oo ka madhnayn siyaabo kale oo door ah oo aadanuhu wax ku keydsado. Aniga oo aan u hollan in aan rajada iyo ididiiladaba idin ka dilo, waxa nasiib-wanaag ah in qaybo ka mid ah fankeenna aynu u ab-tirin karno innaga oo si sax ah oo sugan u qeexayna curashadoodii iyo hayaankii dheeraa ee ay soo mareenba.
Qaybaha aan maanta u ambo-baxay waa durdurrada heellooyinka, heesaha iyo Riwaayadaha innaga oo ku eegayna ama ka dheeganayna hayaankii aadka u dheeraa ee faneed ee Saxardiid Maxamuud. Idinka oo taariikh-nololeedkiisa bogag kale ka daalacan doona oo aanan anigu immika u qalin qaadanayn, mar aan dhalashadiisii weydiiyay, wuxu ii sheegay in uu ku dhashay Xaafaddii Jameeco-weyn ee Hargeysa ku-sinnaan 1937kii. Barbaarintiisii wuxu soo maray noloshii caadiga ahayd ee wiil la mid ah oo magaalo oo markaa iyaduba koraysay soo mutay. Taxanaha Buugga ayay hal-muceedyada dheehashadu ku duugan yihiin.
Saxardiid Maxamuud oo Jebiye loo yaqaannaa mar la weydiiyay markii ugu horreysay ee uu maanso curiyo wuxu ku sheegay hilaaddii sannadlii 1948kii. Wiil yar oo magaalada Hargeysa ku koray ayuu ahaa. Wuxu ka shaqayn jiray baabuurta oo uu beryahaa saqeeye ka ahaa. Gabadh ayuu la dhacay bilicdeedii, hadalna wuu kala gaadhay ama dhex marayba. Da’-yaraantiisii ayaa u cuntami weyday gabadhii oo waa ay yaraysatay. Markaas ayuu u tiriyay midho aan la tumin oo aan caan-bixin. Midhahaas ayaa ugu horreeyay maanso uu curiyo. Halkaa marka aynu ka soo dhaqaaqno Saxardiid Maxamuud Cilmi oo loo yaqaanno Jebiye wuxu caalamka fanka ku jiraa ilaa maantadaa aynu joogno oo uu weli maansooyin tiriyo iyo heeso lagu qaadoba. Sannadkaa uu curinta bilaabay ee 1948kii ilaa maantadan aan joogno ee 2018ka waxa u dhexeeya 70 sannadood. Intaas iyo inta cimrigiisa ka hadhay ayuu Saxardiid ku jiray caalamka curinta iyo hal-abuurka. Waxaan aamminsanahay in aanay jirin cid horyaalnimadaa kula tartami kartaa. Waxa intaa u dheer marxaladaha kala duwan ee fanka Soomaaliyeed soo maray ee uu intaba Saxardiid Maxamuud si togan uga soo adeegay.
Waxa laga yaabaa in qaar akhristayaasha qormadan ka mid ahi la yaabaan in Saxardiid toban-jirkiisii maanso curiyo. Beryahaa dhaqanka iyo dhalanka ayaa sidaa iska ahaa oo waqti hore ayaa wiilal iyo gabdhaba gaashaan-qaad iyo xil-qaadba la noqon jiray. Xilliyada la faalinayo waa tan maragga loo doono. Bal dhacdadan aan ugubka ahayn ee Saxardiid aan marag u doonno. Caalamka fanka aan ka raadiyo. Naxariistii Janno Ilaahay labadoodaba ha ka waraabiyo e’ Cumar Dhuule Cali (Cumar-mahdi) iyo Axmed Cali Haaruun (Dararamle) labadooduba waxay imtixaankii heesaha ee Radio Hargeysa galeen iyaga oo 13 jir ahaa. Labaduba waxay ii sheegeen in ay ku galeen heellada isku-shuban weliba iyada oo laga yaabo in ay labaduba kamanka tumanayeen. Beryahaa sidaas ayuu xaalku ahaa oo guryaha waqti hore ayaa laga foof tegi jiray.
Bal ka warrama Saxardiid oo ay laba jeerba yaraysatay gabadhaa dooqu ka qabsaday. Mar da’diisa iyo inta uu jiro ayay saluugtay, mar kalena saqeeyennimadii ayaa u cuntami weyday ayaan is-idhi. Miyaanu gar u yeelan in uu wax yidhaa? Maalintaa midhihii uu gabadhaa u tiriyay haddii aan gdollo ka soo qaato, sow kii yidhi:

Caashaay cayddi ii maleysaye,
Cishadaan ku arkaa canaanta lahoo,
Ciil iyo kororsaday calool-xum oo,
Cadaawe qof caashaqaan ahay,

Heestaa waxa u xigay hees uu tiriyay 1954kii. Markanna Saxardiid da’diisu waxay ahayd 16 jir. Mowduuca uu ka maansoonayaa waa mid siyaasiya oo qoto dheer. Waa dhaxal-wareejintii ummadda Soomaalyeed iyo markii ‘Hawd & Reserve Area’ lagu wareejiyay Boqortooyadii Itoobiya. Isaga oo saqeeye ah oo 16 jir ah ayuu heestiisii labaad oo ku suntanayd magaca ah ;Suuroobi meyso’ ka tiriyay dhagartaa laga galay ummadda Soomaaliyeed. Heestan waa la laximay waana la tumay. Sidaas ayay ku noqotay heestii ugu horreysay ee Saxardiid Maxamuud curiyo ee lagu luuqeeyo. Dhacdadan ayaa mar kale u marag furaysa xaqiiqada ah in beryahaa dhallinyaradu waqti hore xil-kas iyo xil-qaadba ku noqon jirtay. Tuduc haddii aan ka soo xiganno sow kii Saxardiid lahaa:
Ma suurowdo maanta sabiguna,
In uu seexdo saacan foorara,
Sifihii Neigii inoo dhigay iyo, (s.c.w),
waxayna sugeeysa suurtiiye,
Socoy oo waddankii la sii cadawgee,
Sabaalo hadhaye ka sara kaca oo.
Sud xaalufa loo ma sahansado oo;
Sed daayoo innaguu is-keen seejee,
Biyahaan sare-tagin hadduu doox socdee,
Socoy oo waddankii la sii cadawgee.

Dhalashadii iyo korriinkii fanku, gaar ahaan heesaha iyo Riwaayadaha oo Saxardiid Maxamuud in badan ka adeegay marxalado kala duwan ayay soo mareen. Aniga oo aan u ambo-bixin in aan geeddi-socodkaas si qoto dheer u dhex galo bal aan sar-ka-xaadsado. Iyada oo ay jiraan: wiglada, Dhaanyada iyo Hirwadu ayuu Cabdi-sinimoo 1943kii la imanayaa Balwadii. Waxa ku lammaanayd Qadiija Ciye Dharaar oo loo yaqaannay Qadiija-balwo. Balwadii oo dal iyo dadba dab-xidh ku samaysay oo daf iyo durbaan sadqo loo noqday, ayuu Cabdillaahi Maxamaed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe Cadan ka imanayaa 1945kii isaga oo cuudkiisii ku lammaan. Balwadii oo dal iyo dibadba maaxday ayuu ka soo degayaa dekedda Berbera. 1993kii mar ay RTD (Erteedeeda) Jabuuti wareysatay wuxu u sheegay in uu ku farxay in uu dalka yimaaddo iyada oo xilkii laga furtay oo ay Balwadii socoto. Maa-daama ay Balwadii wax cusub ku noqotay dadkii oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba loo sharaystay Cabdillaahi Qarshe xil ayaa fuulay ahaa sidii fanka lagu badbaadin lahaa.
Waa markan marka ay Heelladii daafaha jabsanaysaa. Darkan raggii shubaashooda laga durduuranayay waxa calan-side u ahaa Cabdillaahi Qarshe. Heellooyin diiniye ayay ku bilaabeen si loogu soo joogsado, sida uu Qarshe ku sheegay wareysi laga qaaday. Saxardiid Maxamuud wuxu ka mid ahaa hal-abuurkii marxaladda ka adeegay ee summadda aan tirmayn ku dhigtay. Marxaladdan cusub ee caalamka Heellada ee fankii u soo gudbay Saxardiid Maxamuud wuxu ku lahaa ‘Kaar’ iyo ‘Murug’ sida uu cajalad iigu soo duubay mar la weydiiyay 17kii Noofambar, 2018ka. Waxaa kale oo aan si aan mugdi ku jirin u xusuustaa keydkayga cajaladahana ku jirta Maxamed Saleebaan Tubeec oo sheegaya in uu codka Murug saddex jeer is-beddelo. Ma sheegin oo keliya e’ saddexdaba cajaladdaas ayuu ku tumayaa.
Murtida Saxardiid bogag aad u kooban kaga bogan meynno e’, bal hadda si aad u dhandhamisaan aan codadka Murug iyo Kaar tuducyo ka soo qaadanno, waana kii lahaa:
Maaweelo ma bogsiiso,meel ku bugtoo,
Ma bi’iso madadaalo murugada,

Miciinsaday waana ii malagoo,
Mowdkii I dilaayay magansaday,

Maan-doorsoomoo wuu i midab rogoyoo,
Marraa igu go’an aan maydhmayn,

Ma-kasi ma xusuusna meel-ka-dhacoo,
Nimuu caashaq miidhay waa ma-ledee,
Masiibo miyay ka maqan tahay,

Si kale ku garan meysaan e’ waa mullaax aan idiin ka soo diiray hal-muceedyadii Qaraamka oo curiyaheedii weli nool yahay maskaxdiisiina irmaan tahay. Bal hadda immikana aan godollo ka soo qaadanno Kaar. Sow kii lahaa:

Waa guur dheh ama waa dhulkoo galbadee,
Gun iyo gobonnimaa gudboonaadee,
Soomaali ilaahow garansii,

Waa gudhi ama waa hashadaada godlee
Gaajiyo dhereg baa gudboonaadee,
Soomaali Ilaahow garansii,

Waa guul hel ama waa is-gowraca oo,
Geeriyo nolol baa gudboonaadee,
Soomali Ilaahow garansii,

Saxardiid wuxu aamminsan yahay oo uu ku adag yahay in ay midhahan waddaniga ahi yihiin kuwii ugu horreeyay ee uu codkaa ku sameeyay laguna qaaday bal se markii danbe midho jacayl ah isla codkan la geliyay sida uu isagu noo sheegay mar aanu arrintaa ka wareysanaynay. Beryahaa Heelladu aawanayd ee dabaysheedu meel walba ka dhacaysay magaca waxa la siin jiray codka halka Heesaha immika caalamka ruxay magaca laga siiyo midhaha. Heellada midhaheedu waxay ka soo jeedaan Baddaa Heellada, Heesaha se Bad walba waa laga curiyaa.

Saxardiid Maxamuud, waxa kale oo uu goob-joog u ahaa dhalashadii Masraxa oo iftiinka arkay kontomeeyadii qarnigii 20aad. Ballaysinka iyo bud-dhigguba waxay ahaayeen Riwaayadihii afafka Carabiga iyo Ingiriisiga lagu jili jiray xafladihii furitaanka iyo xidhitaanka Dugsiyada. Macallimiintii iyo ardaydii ayaa kaalin sharfan oo lama-illaawaan ah ka galay. Calan-side waxa marxaladdanna ka ahaa Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi iyo xertiisii ku hawlanayd miidaanka tacliinta.
Caalamkaa Riwaayadaha Saxardiid wuxu soo gelayaa 1959kii isaga oo ku daah-furay Riwaayad baadi-soocdeedu ahayd Gar-diid waa Alle-diid. Haddii uu Saxardiid Riwaayadihiisa ku daah-furay Gar-diid waa Alle-diid oo ahayd 1959kii, Riwaayaddiisii ugu danbeysayna waa Daahir iyo Digaale oo soo baxday 2016kii sida uu ii soo qoray wiilkiisa Ismaaciil oo aabbihii soo wareystay. Welina fari kama qodna oo Saxardiid wuu irmaan yahay oo weli hibitiqayaa. Riwaayadda Is-moodsiis ee 1961kii wuxu u sameeyay Dugsigii Farsamada (Trades School) ee Hargeysa, jilayaashiina waxa ka mid ahaa Cali Carte iyo Maxamed Cumar Ustaraaliye (Maxamed-dhuux) oo Hatgeysa jooga.
Taxanaha Riwaayadaha Saxardiid waa 11 Riwaayadood oo aanay midina ta kale waxba u ogeyn. Dhowr Riwaayadahaas ka mid ah ayaan galay. Laba Riwaayadood ayaan si fiican u xusuustaa oo kala ahaa: Laguma dhaamee dhaqaaq iyo Dan iyo xarrago. Riwaayaddaa hore Magool ayaa Qalanjada ka ahayd. Dhowr nin oo midba iin leeyahay ayaa jeclaanayay. Waxa ka mid ahaa Cali-dheere oo darbuugadda tumi jiray lugahana iin ku lahaa oo yar laangadhayn jiray. Hees ayuu ku lahaa Riwaayadda hal-ku-dheggeedu ahaa: “Nabaaddaana muugsoo naa maxaad tidhi.” Dhowr iyo lixdankii oo Riwaayaddaa Dan iyo Xarrafo Xamar na loogu keenay ayaa Cali-dheere dadkii soo hor maray. Dadkii ayaa ku qayliyay: “Cali-dheeree…Cali-dheere.” Dumar reer Xamar ah oo xagga hore fadhiyay ayaa ku yidhi: ”Oo ma adigaa dheerba maxaa Cali-dheere laguugu bixiyay?” Cali-dheere inta uu ku qoslay ayuu si kaftan ah isaga oo qoslaya ugu jawaabay:
”Oo haddaa ma dadkaa ii qaylinaya oo dhan ayaa been sheegaya.” Dan iyo Xarrago waxa jilayaal horaad ka ahaa Hibo Maxamed iyo Maxamed Aadan Dacar.
Ku-sinnaan 1962kii waxa saaxaddii ka baxay Qaraamigii ama Heelladii. Waxa curatay Heesihii oo tan iyo maalintaa saaxadda fanka Soomaaliyeed haysata. Saxardiid Maxamuud wuxu mar kale ka mid noqday foolaadkii kala-guurkaana ka soo adeegay ee fanka ka soo gudbiyay. Si aan u qiimaynno meeqaanka iyo milgaha uu Saxardiid Maxamuud ku lahaa ilaa maantana ku leeyahay guud ahaanba fanka Soomaaliyeed waxaanu baadi-goob u gallay fannaaniintii heesihiisa qaadday iyo kuwii Riwaayadihiisa jilayba. Markii aanu Saxardiidna wareysannay, liiskan ayaanu ka wadi weynay:

  1. Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe),
  2. Maxamed Axmed (Kuluc),
  3. Maxamed Yuusuf Cabdi,
  4. Cismaan Maxamed Cabdikariim (Gacanlow),
  5. Sahra Nuur (Iftin).
  6. Xaliimo Khaliif Cumar (Magool),
  7. Axned Cali Haaruun (Dararamle),
  8. Feysal Cumar Mushteeg,
  9. Maxamed Cabdillaahi (Gujis),
  10. Maxamed Aadan Dacar,
  11. Axmed Maxamed Good (Shinbir),
  12. Hibo Maxamed (Nuura),
  13. Aamina Cabdillaahi Xirsi,
  14. Sahra Badha-badha,
  15. Muuse Ismaaciil Qalinle,
  16. Shan-karroon Axmed,
  17. Cabdi Tahliil,
  18. Maxamed Mooge Liibaan,
    26kii Juun,1960kii Maxmiyaddii Somaliland ayaa hantiday gobannimadeedii iyada oo halgan aad u dheeraa una kululaa la soo gashay gumeysigii Ingiriiska. Habeenka sharfanaa ee ay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba iidayay waxa jiray heeso muunayn looga dhiday calankaa Soomaaliyeedee curtay kuwaas oo ilaa maantadan aynu joogno si la yaab leh loo xiiseeyo dad cusubina ay mararka qaarkood qaadaan. Saxardiid heesahaana wuxu ku lahaa heesta laga xiiso-goyn la’ yahay ee:
    Maggowdo candhadii,
    Gollaha marisee,
    An maallo hasheenna,
    Maandeeq,
    Saxardiid Maxamuud hayaankaa dheer ee faneed ayuu soo galay. Saxardiid markii uu ku dhalanayay Hargeysa 1937kii, Cabdillaahi Qarshe wuxu ahaa 13jir, Xuseen Aw Faarax wuxu ahaa 9 jir, Cali Sugulle wuxu ahaa gu’ jir, Xaajiya Shamis Abokor Ismaaciilna (Guduudo) waxay jirtay hal sano. Ninka Qormadani daarran tahay ee ay hayaankiisii faneed ka sheekaynaysaa waa ninka geeddigaa soo galay ee hadba mowjad waayaha oogan ka fal-celinaysa soo rogayay ilaa intii uu ifka joogayna godlanaa. Naxariistii Janno Ilaahay ha waraabiyo. Aammiin.
    (Waa qormo aan 2018kii diyaariyay oo aan yar nakhtiimay)

Boobe Yuusuf Ducaale,
Hargaysa, Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.