Hawlkarnimada Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Haleelsiisay Hanashada Shahaado Sharaf Madax weynaha Qaranku uu ugu Cumaamaday Maanta Wasiirka Wasiirada Somaliland

0

Hargeisa (Sayruuq):- maanta ayay ahayd markii xaflada soobandhigida qorshaha shanta sanee soosocda ee qaranka jamhuuriyada Somaliland lagu hagidoono ay soobandhigtay wasaarada qorshaynta qaranka jamhuuriyada soomaliland ee uu gadhwadeenka kayahay wasiir Mohamed Ibrahin Adan (Qabyo-tire).

Hadaba xafladan oo si heer qarana loosoo agaasimay ayaa kadhacday hotel Ambaasatoor ee magaalada Hargeisa, halkaas oo ay kasoo qaybgaleen madax weynaha qaranka mudane: Ahmed Mohamed Mohamoud (siilaanyo) iyo wasiiradiisa oo uu ugu horeeyo wasiirka madax-tooyada wasiir Mohamoud Xaashi Cabdi, xildhibaano iyo gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Warabe.

Hadaba madax weynaha qaranku kadib markii uu goobjoog u ahaa qorshaha uu wasiirka iyo wasaaradiisu soo bandhigeen ayuu u qushuucay, isaga oo madax weynuhu hore usoo qabtay xilka wasiirka qorshaynta qaranka xiligii somalia islamarkaana xogogaal u ah wasaaradan iyo hawsheeda shaqo ee baaxada leh.

Dadaal, hawlkarnimo iyo hal adayg uu wasiirku muujiye qorshihiisii maantana ka muuqatay ayuu madax weynuhu maanta uga markhaati kacay, islamarkaana madaxweynuhu go’aansaday in uu wasiir qabyo-tire uu maanta u cumaamado inuu u aqoonsado wasiirkii u fiicnaa intii uu xilka madax weynanimo hayey ee wasiiradiisa kamidnoqday.

Ugu danbayntii madax weynaha qaranka ayaa maanta wasiirka wasaarada qorshaynta kumaamuusay shahaado sharaf uu kumutaystay shaqo wanaag ay dadaal iyo daacadnimo u weheliso oo uu qarankiisa ugu hawl-galo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.