Haweenay Mareykan Ah Oo Twitter-ka ku Af-lagaadeysay Mugaabe Oo La Xidhay

0

Harare (Sayruuq)-Haweenaydan u dhalatay dalka Mareykanka ayaa dhaleecayn toos ah bogeedda Twitter-ka ku qortay “Mugaabi waa Anaani ,waalan” dhacdan oo kaliftay xadhigeeda ,warar xogaagal aha  ayaa sheegaya in safaaradda Maraykanku ku leeyahay Zimbabwe ay ku gacan saydhay in damaanad lagu sii daayo maadamo ay faafiasay hadal ay doonaysay in lagu rido dowaladda Zimababwe waa sida ay sheegeen xukumadaasi .

loyarka gabadhan maraykanka aah ayaa sheegay in Maxkamad degmo oo ku taala magaalada Harare ayaa sheegtay in marka la eego khatarta kiiskeeda in maxkamad heer gobol ah oo keli ahi damiinad siin karto.

Martha O’Donovan ayaa waxa kale oo lagu soo eedeeyey in ay madaxweynaha meel kaga dhacdey kadib markii la sheegay in ay bogeeda Twitter-ka ku qortay qoraal ay ku sheegtay madaxweyne Mugabi qof aan cid kale dan ka lahayn oo waalan.

Haddii denbiyadan lagu helo waxa la xidhi karaa 20 sannadood, hase yeeshee haweenaydaasi way beenisay eedeymaha loo soo jeediyay oo waxay ku tilmaantey wax aan sal iyo raad toona lahayn.

Sayruuqnews

Xafiiska Hargeysa

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.