Hargeysa Stadium:Maayar Soltelko Oo Lagu Foodhyay

0
Hargeysa Stadium:Maayar Soltelko Oo Lagu Foodhyay

Hargeysa Stadium:Maayar Soltelko Oo Lagu Foodhyay
Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa waji gabax kala kulmay dadweyne u badnaa taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo ka soo qayb galay bandhig faneed xukuumadu dabada ka riixaysay oo fanaanka BK ku qabtay garoonka Hargeysa Stadium.

Maayarka Hargeysa oo uu wehelinayo badhasaabka gobolka Maroodijeex oo dhaliilo badani dul hoganayaan ayaa garoonka Hargeysa Stadium ku soo daabulay taageerayaasha xisbiga Kulmiye si ay ugu camiraan fanaanka BK oo bandhig faneed xukuumadu ka taageerayso qabtay.

Maayar Soltelco ayaa dhaqaalaha ugu badan ku bixiyey sidii uu bandhigani u qabsoomi lahaa,isaga oo fuliyey qorshe lagu soo daad guraynayey taageerayaasha Kulmiye ee degmooyinka isla markaana lagu keenayey garoonka, isaga oo indhaha ka qarsaday dhaliilaha dul hoganaya ee loo baahnaa inuu wax kaga qabto dhaqaalahan uu ku bixinayo meelaha aan looga baahnayn ee uu iskaga dhisayo madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa.

Maayar Cabdiraxmaan Soltelco ayaa buuq iyo qaylo kala kulmay dadweynihii u badnaa taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee iskugu soo baxay fagaaraha Hargeysa Stadium ka dib markii uu doonay inuu khudbad u jeediyo.

Dadweynaha ayaa foodhi iyo qaylo kala hortagay khudbada uu doonayey inuu jeediyo maayarka Hargeysa, taas oo keentay inuu soo gaabiyo hadalkiisa isla markaana uu deg deg ah u dhigo cod baahiyaha.

Dareenka maayar Soltelco kaga soo noqday bulshadii u badnayd taageerayaasha Kulmiye ee iskugu timid fagaaraha Hargeysa Stadium ayaa markhaati cad u ah sida aanu u ahayn maayar ay u dhan yihiin dadweynaha caasimadu, isaga oo lagu eedeeyo inuu dib u dhac balaadhan u gaystay caasimada.

Si kastaba ha ahaatee dareenka uu maayar Soltelco kala kulmay garoonka Hargeysa Stadium ayaa la dhawrayaa jawaabta uu ka bixin doono iyo inuu iska gufeeyo dhaliilaha dulhoganaya ee keenay in dadweynihii u badnaa taageerayaasha Kulmiye waxba ka dhagaysan waayaan.

Source: Hadhwanaagnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.