Hargeysa: Qalab Digada Xoolaha iyo Hadhaaga Cuntada u Beddelaya Gaas iyo Koronto oo la soo Bandhigay

0

Hargeysa (Sayruuq)- Qalab digada  xoolaha iyo hadhaaga cuntada u beddelaya gaas  iyo koronto,  ayaa lagu soo bandhigay xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland maalintii Jimcaha ee toddobaadkan.

qalabka korantada digadaQalabkan oo lagu dhimayo waxyeellada degaanka, isla markaana looga faa’iidaysanayo tamar ahaan iyo gaas (bio-gas) oo ah mashruuc hordhaca oo dalka laga hirgelin doono, ayaa waxa soo bandhigay khubaro ku takhasusay habka hadhaaga cuntada iyo digada xoolaha loogu beddelo tamar.

 Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay in mashruucan oo faa’iido badan leh dalka oo dhan la gaadhsiin doono.

“Haddii aynu koronto ka dhalino amma gaas (Bio-gas) laba faa’iido ayeynu helaynaa; dalka marka u horraysa inoo nadiifoobaya oo kudaafaddii waad iska ururisay, kudaafaddiina faa’iido ayey kuu dhashay oo waa wax aad laba faa’iido ka helayso. Arrinta aynnu halkan kaga hadlayno ee gaasta (Bio-gas) waa wax adduunka aad looga isticmaalo, mana aha wax aynu imminka allifayno ee dalal badan baa wixii karis noqda, warshadaha waaweyn, marka magaalooyin waaweyn bay daaraan qashinkaas korontada lagu samaynayo,” ayuu yidhi Wasiir Ducaale.

Eng. Cabdala Cabdiraxmaan Yaasiin oo ka mid ah khubarada mashruucan sameeyey, ayaa sheegay in qalabka qashinka u beddelaya korontada iyo gaasta dalka gudihiisa lagu farsameeyey, waxaannu faahfaahin ka bixiyey qaabka uu u shaqaynayo, “Bio-gas waxa uu marka hore ka kooban yahay oo laga samaynayaa hadhaaga qashinka noolaha sida dhirta iyo xoolaha, waxaana ka mid ah cuntada aynu karsano sida baradhada, basashada iyo tamaandhada, cuntadii guriga lagu karsanaayey wixii ka soo hadhay ayaa waxa loo

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Degaanka Md. Axmed Maxamuud Nuur, ayaa soo dhaweeyey qalabka iyo mashruuca cusub dalka ka bilaabmi doona oo uu ku tilmaamay inuu deegaanka badbaadin doono, “Waxay noo tahay Wasaarad ahaan farxad weyn, waayo dhuxushii aannu is baacsan jirnay wixii loo soo kordhiya faa’iido ayey noo tahay.Wasiirka Macdanta aad baannu uga wada shaqaynaa sidii aan u joojin lahayn dhuxusha, waayo dadkeennu wacyigelin buu u baahan yahay, faa’iidadii geedku yeelan lahaana waxa ka badan waxyeellada loo geysanayo,” ayuu yidhi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.