Hanti dhawraha guud oo musuq-maasuq u haysta maayarka Saylac.

0

Hanti dhawraha guud oo musuq-maasuq u haysta maayarka Saylac.

Wararka ka imanaya dhinaca degmada Saylac ayaa waxa ay sheegayaan in Xoghayihii hore ee degmadaas Maxamed Cismaan Allaale ay ciidamada amnigu xabsiga u taxaabeen kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq.

Xariga masuulkan ayaa waxa ay wararku intan ku darayaan in uu yimid kadib markii Xafiiska Hant- Dhawrka Somaliland ay ku eedeeyeen masuulka la xidhay musuq iyo wax-is-daba-marin, waqti ay maalmihii u dambeeyay saraakiil ka socotay xafiiskan ay baaritaano dhinaca hantida ah (audit) ka waday xarunta degmada Saylac.

Masuulkan la xidhay oo xilkaas laga qaaday mudo hal sano ku simman ka hor ayaa eheladiisu waxa ay cambaareeyeen xadhigiisa oo ay tilmaameen in uu yahay sharci-daro aan loo marin jidkii saxda ahaa, sidoo kalena waxa ay xuseen in wiilkoodu uu xilkaas si nadiif ah u wareejiyay, xadhigan maantana ay u arkaan mid siyaasadaysan oo dano kale laga leeyahay, iyaga oo markaasi ka digay wiilkooda dusha laga saaro eedo aanu lahayn waqti uu maayarkii degmadaasi oo ay kharashaadka wada saxeexi jireen aan la daba-joogin.

Warka xadhiga Xoghayahan hore ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti ay jiraan tuhuno kale oo muquq-maasuq oo dul hoganaya Maayarka degmada Saylac Yuusuf Cawaale Daahir, eedahaas oo sida wararku sheegayaan sababay in Maayarkan looga yeedho xarunta dhexe ee Wasaarda Arimaha Gudaha ee Hargaysa oo iyadu ah mida maamusha maayarada dalka.

Si kastaba ha ahaatee Degmada Saylac ayaa ka mid ah meelaha dalka uu ka soo galo dekhliga ugu badan, xilalka ugu sareeya ee degmadaasina waxa ay yihiin kuwo aanan lagu nagaan oo inta badan badalkooda iyo mooshinadooduba ay badan yihiin,

Xigasho:- Heemaal News.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.