Hambabarka Musuqa Guddiga Doorashooyinka, Fashilka Diiwaangelinta, Hogashada Wacyigelinta, Iyo Hamuunta Khilaafka

0

Burco (Sayruuq)- Afar xubnood oo ka mid ah Komishanka doorashooyinka ayaa shalay gaadhay magaaladda Burco, halkaasoo la filayo inay maanta kaga dhawaaqaan in wacyigelinta diiwaangelinta cod bixiyayaashu ka bilaabmi doonto gobolka Togdheer.

Iyadoo waqtigii komishanka doorashooyinku u cayimay inay bilaabato diiwaangelinta codbixiyayaasha la taagan yahay, isla markaana ay u muuqato in wax iska bedeleen qorshihii hore, ayaa mar kale komishanku wuxuu ku dhawaaqay in la bilaabi doono ololaha wacyigelinta, lagana bilaabi doono gobolka Togdheer maanta 21.07.2015. Afar ka mid ah komishanka doorashooyinka ayaa shalay gaadhay, isla markaana lagu wadaa inay maanta kaga dhawaaqaan curashada wacyigelinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha. Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo u dhuun dalloola qorshaha komishanka doorashooyinku, imaatinka qalabkii diiwaangelinta ayaa dib u dhacay, isla markaana waxa la sheegay in la naawilayo dhamaadka bisha ama horaanta bisha soo socota.

Wararku waxay intaa ku dareen, in marka uu yimaado qalabku lagu samayn doono tijaabo, si loo hubiyo tayadiisa iyo isku halaynta hawsha lagu qaban doono. Xoguhu waxay intaa ku dareen, in sidaa darteed gobolka Togdheer uu noqon doono deegaanka tijaabada diiwaangelinta ee qalabkaa lagu samayn doono, ka hor inta aanay bilaaban diiwaangelinta rasmiga ah ee codbixiyayaashu. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in wacyigelintuna ay socon doonto ilaa inta la gaadhayo diiwaangelinta oo gobolba mar laga samayn doono, isla markaana uu ugu horayn doono gobolka Togdheer.

Dhanka kale warar naga soo gaadhay magaaladda Burco waxay sheegeen, in xubnaha komishanka ay la socdaan xubno xisbiyada siyaasadda ka tirsani, isla markaana au u muuqato in aan la isku khilaafsanayn sida wax u socdaan. “ Diiwaangelinta layskuma khilaafsana oo hore ayaa laysula gaadhay in la bilaabo, madaxweynuhuna digreeto ugu soo saaray waqtigii komishanku ku dhawaaqay, imikana wacyigelintii ayay bilaabayaan oo ay maanta kaga dhawaaqayaan Burco.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah xisbiyadda mucaaridka ah oo Ogaal wax ka waydiiyay siday u arkaan qorshaha komishanka.

Inkastoo yeedha yeedhahaasi soo duulayo, haddana, Wacyigelinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha ayaa u muuqata mid la majara habaabiyay, isla markaana meesha laga saaray doorkii warbaahinta maxaliga ahi ku lahayd. Siday faafiyeen saxaafada iyo warbaahinta qaarkoodna waxa la siiyay wacyigelintan dhawr NGO oo  la tilmaamay inay yihiin danno ku jirra jeebka xubno komishanka ka mid ah iyo xubno xukuumadda ka mid ah.    Inkastoo dhexdhexaadnimada komishanka doorashooyinka aanay xisbiyada siyaasadu ka dayrinin, isla markaana ay si isku mid ah u soo dhaweeyeen bilowgii, haddana, waxay xeel dheerayaasha  dhexdhexaadka ah ee laf gura dhacdooyinka siyaasada Somaliland qawadsan yihiin hal adayga komishanka, midnimadda dhexdooda iyo dhexdhexaadnimadda hawsha loo igmaday, isla markaana waxa durba loo tirinayaa wax is daba marin.

Axadii todobaadkan markii ay komishanku ku dhawaaqayeen qorshahan cusub oo hambabar loogu yeedhay, waxa la sheegay in xubnaha komishanka oo haatan ay shan ka mid ahi dalka joogaan, ay isku qabteen in saxaafadda loo wada yeedho iyo in kale, isla markaana qaarkood ay soo jeediyeen, in saxaafada loo wada yeedho, su,aalahana ay ka jawaabaan, balse uu gudoomiyaha komishanku ku adkaystay, in aan loo baahnayn in su,aalo laga waydiiyo waxay ku dhawaaqeen, sidaa darteedna uu u yeedhay qaar ka mid ah saxaafadda. Taasoo tusmaynaysa fashilaada iyo tamar daraanta komishankan oo laga welwelsan yahay siday u gudan karaa hawshooda. Laba ka mid ah xubnaha komishanka ayaa iyana dalka dibadiisa ku maqan.

 

Dhinaca kale muran siyaasadeed oo la xidhiidha cayimaada maalinta doorashada ayaa weli ka dhex aloosan xukuumadda iyo xisbiyadda, isla markaana waxa laga dayrinayaa siday isula jaan qaadayaan arrimahani, inkastoo komishanku sheegay inay ka qayb qaadanayaan xalinta mushkiladda taagan. Taasoo la iswaydiinayo siday uga qayb qaadanayaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.