Halyeygii Arsenal Thierry Henry oo ku Taliyey in la Helo Ciyaaryahano Tayo leh si loogu guulaysto Koobab

0

Ciyaaraha (Sayruuq News) Ciyaaryahankii hore ee kooxda Gunners iyo Xulka dalkaasi France Thierry Henry ayaa Kooxdiisii Arsenal iyo Tababaraheeda kula taliyey inay soo iibsadaan Afar Ciyaaryahan oo uu ku tilmaamay kuwa ugu tayadda wanaagsan Aduunka Wakhtigan aanu joogno oo ay wax wayn u tari lahaayeen Arsenal inay ku guulaysatao koobab badan oo uu ka mid yahay Horyaalka Dalkaasi England sanadka dambe,

  1.  Cech – Gool-hayaha uu wakhtigu ka dhamaaday ee kursiga kaydka ugu jira kooxda Chelsea Fc kaas oo ay bartilmaadeed ka dhigteen kooxaha Aduunka ugu Dhaqaalaha badan qaarkood sida PSG iyo Liverpool kuwaas oo raba inay soo xero galiyaan Gool-hayahan heer caalamiga ah.
  2. Mats Hummels – Waa Ciyaaryahanka difaaca uga ciyaaraha kooxda dalkaasi Germany ka dhisan ee Dortmund kaas oo tartan ay ugu jiraan kooxaha Manchester United iyo Manchester City
  3. Edinson Cavani- Weeraryahanka kooxda PSG ee inta badan halis galiya difaacyahanadda Aduunka kaas oo ay suuqa ugu jiraan helitaankiisa kooxaha Liverpool iyo waliba Manchester United
  4. Paul Pogba- Ciyaaryahankana oo khadka dhexe uga Ciyaara Kooxda Juventus ee Dalkaasi Italy oo hore ugu ciyaari jiray kooxda Manchester United oo iyaduba rabta inay dib u soo celiso.

Ugu Dambayntii kooxda Arsenal iyo tababaraheedu ma noqon doonaan qaar ka faa’idaysta talooyinkaas iyo soo jeedintaas Weeraryahankoodii hore ee halista ku ahaa dhalinta goolasha.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.