HALYEY MISE HABAAR QABE.

0
HALYEY MISE HABAAR QABE.

HALYEY MISE HABAAR QABE.
Taariikdu siday inna barayso keli talis ma naxaan ah ama macangeg kasta oo soo mara taariikhda hoggaamineed ee ummdaha caalamku wuxu dadkiisa dhaxalsiyaa halaag iyo bur bur dhaqaale ,siyaasadeed, ilbaxnimo iyo caqli.

Wuxu sidoo kale dhaxalsiiyaa utin iyo aano bulsheed oo daba dheeraata kala qaybsanaan iyo is aaminaada mujtamacaas oo meesha ka baxda ama illaa xad hoos u dhacda.

Sababtoo ah mudadaas uu wadanka xuurtada ku haystay ee uu dhaca, boobka dilka iyo dumintaba uu jidaystay gabboodka iyo dhufayska ugu wayn ee uu dugsanayay waxay ahayd kala qaybinta bulshada isagoo qaarna soo dhawaysanaya oo boobka khayraadka ummda ka qayb gelinaya si ay dulmiga ugu taageeraan qaarna fogaynaya oo tuke baalcad ka dhigaya si uu saamigooda khayraadka u lunsado.

Wuxuu abuuraa dagaallo sokeeye oo lagu hoobto isagoo qaybo bulshada ka mid ah oo uu ku kala soocday midab ,lahjad ama hayb qabiil hubka isugu dhiibaya wuxu abuuraa oo saxaafadiisa ku baahiyaa magacyo iyo hal ku dhegyo uu ku dacaayadaynayo marba bulshada qaybta uu dulmayo, sida fallaago,dugaag,qaran dumis,qudhmis iyo naanayso kaloo la hal maala.

Wuxuu ku dedaalaa in aanay bulshadaas uu xukumaa weligeed saboolnimada ka bixin oo ay noqoto qaadaa ma dhergo afka iyo caloosha uun ka fekeraysa.

Wuxuu samaystaa war baahin ay ka hadlaan dadka caqli ahaan iyo cilmi ahaanba bulshada ugu liita isla markaana lagu gudbiyo afkaar iyo aragtiyo karamaada iyo sumcadda bulshadaas dilaya ama heeso iyo majaajillooyin guul wadayn ah oo keli taliska iyo qoyskiisa lagu raalli gelinyo.

Wuxuu dhididabada u taagaa nidaam sirdoon aa aanay ujeedadiisu ahayn ka ilaalinta iyo ka difaacidda maslaxada qaranka hagar daamooyinka ajanebiga iyo cadawyada shisheeye balse ujeedadooda ugu wayni ay tahay cabudhinta iyo ciqabada muwaadiniinta damiirka wadaninimo leh.

Haddba ujeedada ugu wayn ee uu ka leeyahay abuuritaanka mushkiladahan iyo masiibooyinkan gacan ku rimiska ah ayaa ah wiiqida iyo kala dhantaalida cududa bulshada caqliga bulshada iyo cuudka bulshada si aan loogu kicin oo nidaamkiisa dhidiabad loogu siibin Isla markaana uu u helo cimri dherer uu ku sii haysan karo mansabka madaxtinimo iyo maalka bililiqada ah.

Haddaba ninka waxaas oo asaayo utin iyo dhagarba ah falay ayay bulshadu ku kala qaybsantaa markuu tago ma halyaybuu ahaa mise habaar qabe !!!!!!

Kala qaybsanka bulshada ee noocan ah kuwa hiifaya iyo kuwa u halaan halaya labada qayboodba waxay aaminaanyihiin inay xaq ku taaganyihiin oo ay caddaaalad ninkan ku taageerayaan halka kuwa kalena aaminsanyiin in hadday ninkaa wax wanaag ah ay u nisbeeyaan ay caddalada ka tegayaan.

Mushkiladase dadka u dhaxaysaa maaha mid ay iyagu abuureen oo ay sabab u yihiin laakin waa natiijadii iyo tacabkii keli talisku mudada dheer bulshada u beerayay .maxaa yeelay isaga ayaa abuuray kala qaybsanka dadka markuu booraamaha hadimo qodayay ee uu qaarna nasab iyo gacal ka dhigtay qaarna budhcad aan xaq iyo xuquuq toona dalka ku lahayn ka dhigay ee uu qoryahana iyaga isugu dhiibay.

Taas ayaa keenaysa marwalba dadkii la safnaa hab qabiil ama nidaam goboleed kuu doonaba ha ku soo dhawaystee khayraadka gaarka ahna ku qabtay inay gar iyo gar darroba ku taageeraan oo ay taariikhdiisa baal dahab ah ku qoraan.

Halka dulmanayaashii iska daa inay khayraad helaane dhiigooda la xalaashaday ee xabaalaha loo dalbadayna ay u arkaan dhiigyacab daallin ah oo aan aakhirona god ku lahayn aduunkana amaani u soo hoyan.

Halkii la maxkamadayn lahaa ee sharciga la hor gayn lahaa danbiilaha waxa abuuuranta in bulshadii uu kala kexeeyay iyadu danbigii isu tiriso oo qoloba qolada kale hiifto, colaadisona iyadoo u haysata ayaan darra kastoo dhacday inay kuwaasi ka masuul ahaayeen.

Bal u fiirso taariikhda bulshada somalida iyo illaa maanta sida loogu kala kala aragti duwanyahay taariikhda macangeggii.MAXAMED SIYAAD BARRE oo aynu ogayn wixii uu ummada somalida baday iyo sida illaa maanta looga soo waaqsan laayahay godkii madoobaa ee uu qaranimada ku riday, wixii uu dhiig daadiyay, wixii uu hanti qaran burburiyay , wixii uu dhaqaale iyo dhisme shacab dhulka la simayba haddana illaa maanta dadka somalidu aanay dulmigiisii isla qirsanayn mar marka qaarkoodna aad arkaysoba masuuliyiin xil ummadeed haya oo intay soo hor istaagaan dhibbanayaashii uu bara kaca iyo bara la’aanta baday halyaynimo ku majeeranaya SIYAAD BARRE.

Dabcan bulshada sidan u kala taggani gef iyo gedaafo toona kuma mudna kala duwanaanshaha aragtideeda, laakiin mushkilada jirtaa waxa weeye in ay guranayaan midhihii uu u beeray ma naxaanku isla markaana ay illaa maanta shaqaynayso aragtidiisii.

Godkaaa mugdiga ah iyo halaagaana bulshadu kama baxdo illaa la helo hogaamiye caqligeeda iyo cududeedaba isu duma caddaaladii iyo is aaminaadii keli talisku jeebka ku ritayna soo celiya denbigii wadanka laga galayna ciddii fashay dummadda u saara.

FG ku kala aragti duwanaantan danbigii wadanka ka dhacay iyo danbiilayaashii gaystay soomalida uun kuma koobna ee waxay taal dal kasta oo nidaam noocan ahi soo maray.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.