HAL-QODOB OO SOO AFJARI KARA KHILAAFKA KOMISHANKA

0
Komishanka Oo Diiday In Ay Iscasilaan

HAL-QODOB OO SOO AFJARI KARA KHILAAFKA KOMISHANKA BALSE AAN LA TAABAN AMA LA DIIDAN YAHEY

W/Q Amb Diinaari

Ilaa maanta warkii odayasha Ka dib. Waxaan isweydiyey waxa xal u noqon kara, khilaafka siyasadeed arimaha dorashoyinka. Si Somaliland doorasho uga dhacdo loogana baxo (Isla-meereysiga).

Waxa isoo baxey hal-qodob qudha oo dalkana dan u ah, xisbiyadana dan u ah, Somaliland ku gaadheyso guul masiiri ah.

Markaan Ka soo gudbo qodobadda sharciga ah ee ey ka midyihiin. Komishanka la soo magaacabey si kastabaa haku yimaadde, Baarlamanka oo ansixiyey iyo muddo kordhinta golaha guurtidda ee baarlamanka.

Intaasiba tafsiir walba oo sharci hayeelato. Waase qodobo Dastuurka loo adeegsadey ama ha khaldanadaan ama ha saxsanadadaan.

Waxa qudha ee dalka Ku badbaadaya, dalkuna hore ugu soconaya anigoo Ka duulayaa in aan marnaba dib loo noqon, sidda wayeelka Somaliland ee isxilqaamey soo jeediyeen. Waayo iyagu mahaa hay’add sharci waxeyna Wadeen waa sulux. Taladooddu dadka inta badani waxey u arkeen iney Ku soo gunanadeen (JUGJUG HALKAAGA JOOG).

Nuxurka qoraalka aan u imaado.

Waxaan qabaa aragtideyda shaqsiyadeed in Madaxweynaha iyo Abdirashid Riyo-raac ey isla meel dhigaan, sidii dalku kubadbaadi lahaa, komishankan cusubina ku noqon lahaa mid howl gala, dalkana doorasho uga dhici lahyd.

Hay’adda sharciga waxey fuliyeen aan dib loogu noqon si kasataba sharciga ey mareen halo adeegsadde.

Qodobka Kowaad.

• Inuu Abdirashid Riyo-raac is casilo madama uu yahey xubinta lagu muransan yahey.

• Madaxweyne Muuse Biixi Abdirashid isaga soo magacaabe xilalka qaranka ee uu awooda u leeyahey kuu doono u magaacabo maadama uu yahey, Siyaasi Ka tirsan xisbiga kulmiye.

Labadaas qodob hadii la helo waliba Ka kusaabsan iscasilaadda xubintaas. Waxaan qabaa in lagu ka badbaadayo.

  • Dib u dhac Ku yimaadda dorashoyinka
  • Komishanka cusub oo helaya kalsoni buxda
  • Somaliland oo Ka Badbaadda sumcadxumo.
  • khilaafka jiitamey oo dhamanayaa
  • Horumarka dalka oo hore u soconaya
  • Xukumadda oo shacabka u adeegeysa.
  • In muddo kordhinta golahayasha dib loo eego saddexdda xisbi iyo komishanku waqtiga ey isla qaataan la wafaajiyo waqtiga doorashadda Baarlamanku dhaceyso ee sanadka 2020.

Qarankani waxu ku iibsamayaa doorasho iney Ka dhacdo. Madaxweynaha waxey u noqoneysa sumcadd inuu hirgaliyo doorashoyin dalka waayo isagaa ku yimi. Hadii kale waxu kusuntanaan doono. Ninkii burburiyey dimuqradiyadii Somaliland ku soo caano maashey. Hadii intaas la garan waayo, anigu ma garanayo dariiq kale oo looga gudbayo.

Markaan eego xukumadda iyo Asxaabta qaranku qodobadda ey isku hayaan arimaha doorashooyinka.

Waayo soo-jeedinta odayaasha Somaliland Waxaan u arkaa in ey ildufeen qodobo badan oo sharci oo ah kuwo aan xukumadda iyo Madaxweynuhu Ku dhiiran karin. Sidda komishnkan cusub in lakala diro. Balse ey ka fududahey in xubintaasi is casisho

Halka asxaabta mucaaradkuna aamisan tahey in xukumaddu Dastuurka Ku tumatey waliba Madaxweynuhu baalmarey sharciga.

Marka laga eego soo xulidda xubaha komishanka ee uu soo xuley, xubno aan waafaqsaneyn xeerka hanaanka xulidda komishanka doorashooyinka qaranka. Kaasi sheegaya in aan qof xisbi ku-suntan lasoo magacaabin.

Halka uu madaxweynuhu ku celiyey Golaha guurtidda xubin ka soojeedda gobolka Sanaag gaar ahaan (Degmadda Badhan) inuu ka mid ahaa tageerayaasha xisbiga waddani. Sidaas darteedna golaha guurtiddu soo bedeley xubintii markii hore golaha guurtiddu soo magacaabey.

Marka ey sidaas tahey xaaladda komishanka maanta jooga kuyimadeen asxaabtuna kabiyo diideen. Ma suurta galleyso in dib loo noqdo oo waliba dib loogu noqdo komishankii hore ee khilafku Ka bilaabmey in dib loo soo celiyo iyagoo waqtigooduna dhamaaddey 2 sanona la isku heystey.

Waxa intaas dheer heshiis 19 July 2019 saddexdda xisbi iyo beesha caalaamka ee daneeyaayaasha dimuqradiyadda iyo horumarka dimuqradiyadda Somaliland joobjoog ka ahayeen. La Isla qaatey heshiis saddex geesood ah.

Kasoo dhigayay nuxurkiisu qodobadan hoos Ku qoran:-

  1. In la soo magacaabo komishan cusub
  2. In aan xubnahii komishankii hore xubno laga soo celin.
  3. In aan doorashadda Baarlamanku dhaafin 2020.
  4. In komishanka cusubi noqdaan 9 xubnood hadii Baarlamanku ansixiyo. Xeerka komishanka lagu sameeyo (Kaabid iyo wax-kabedel).

Hadii taas suurtoobi weydo in baarlamanka cusubi ee doorashadan soo socota la dooran doona dib u eegis ku sameeyo xeerka doorashoyinka iyo komishanka. Isla markaasna lagu soo daro laba xubnood, si komishanka qaranku u noqdo 9 xubnood mustqabalka

Nasiib daro qodobkaas 4 aad ma fulin baarlmankuna wey laaleen doodii golahaa.

Iyadoo xeer-ilaaliyaha qaranku Ku tilmaamey qeyru-dastuuri. Sidaas buuna Ku burey heshiiskaasi. Xisbiyadda qarankuna waxey heleen xogo sheegaya in Madaxweynuhu faro-galin kusameyey heshiiskaas.

Iyadoo baarlamankana danweyni ugu jirtey, iyagoo ka duulayay qodobka muddo kordhinta dastuuriga ee golaha guurtiddu u sameyn-doono marwlba oo waqtigooddu dhamaado in golaha guurtiddu u sameeyo mudo-kordhin.

Sidaas darteed qodobkaasi waxu xoojinayay in aan khilaafka asxaabta mucaaraddku aqbalin komishanka cusub ee 7 xubnood noqonayay.

Asxaabta mucaaraddku iyagoo ka duulaya in doorasho dhacddo wey-aqbaleen. Markey arkeen isku daneysiga xukumadda, golahaa baarlamanka, Golayaasha degaanka iyo Gokaha Guurtidda.

Taaso Golaha Guurtidda laftooda Dani ugu jirto si ey iyaguna u helaan cimri-dherer. Kaaso Ku saleysan mudo kordhinta Golaha shacabka oo ey doorashadooda marwalba 1 sano Ka danbeyneyso.

Hadaba aqoonyahanka Somaliland iyo dhalinyaradda mustaqabalka siyaasiga leh waxaan leeyahey, aragri intaas dhaafsan ee ku saabsan khilaafka taagan. Waxaan idin deynayaa idinka. Hadaad heysaan aragti Ka duwan teydda.

Waa bilaahi towfiiq.

Qalinkii
#Ambassador_Abdirizak_diinaari

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.