“Haddii Xukumaddu Hadli Waydo Xanta Iyo Mucaaradaddu Way Sii Kordhaysa,” Sh. Aadan Siirro

0
“Haddii Xukumaddu Hadli Waydo Xanta Iyo Mucaaradaddu Way Sii Kordhaysa,” Sh. Aadan Siirro

“Haddii Xukumaddu Hadli Waydo Xanta Iyo Mucaaradaddu Way Sii Kordhaysa,” Sh. Aadan Siirro

Sheekh Aadan Siirro oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa xukumadda Madaxweyne Muuse kula taliyay in ay tafaasiil ka bixiso cidda lunsatay lacagtii mashruuca biyaha ee Xumboweyne oo dhawaan xukumaddu sheegtay in uu fashilmay, in sharraxaad buuxda laga bixiyo shirkadda Imaaraadka laga yagleelay iyo in bulshada wax loo sheego haddii kale mucaaradad ay cagaha la galayso xukumaddu.

Xukumadda waxaanu kula talinayna guux badan baa jira, guuxaasi waxa uu yahay Somaliland Investment Company(Shirkad Imaaraadka laga sameeyay) oo dadku saluug badan ka muujinayaan oo arrin aanay aad iyo aad dadku u fahmin ah walina aanay xukumaddu umadda u bayaamin waxaanu kula talinayna inta xantu badan lahayd in aad sheegtaan,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Aadan Siirro.

Sheekha oo soo jeedimihiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Waxaanu xukumadda kula talinayna Hargeysa way biyo ladahay waliba Koonfurta Hargeysa biyo lagama hayo waqooyigana meelo badan biyo lagama hayo. Biyihii Xumbo weyne ee malaayiinka dollar ku baxeen waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay sidoo kale xukumaddu wali kamay jawaabin hantida intaas leeg ciddii lunsatay iyo sida ay wax u dhaceen, xukumadda waxaanu kula talinayna waar dadkiina la hadla,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh

Sheekh Aadan Siirro waxa uu tilmaamay arrimo ay tahay in ay xukumadda mucaaradad u horseedi doona“Waxa laga hadlaya waa noloshii dadka, marka arrimaha noocaas ahi yimaaddan sida ay wax u jiraan waa in umadda loo sheego, waliba hore waxaad u ogaydeen Musuqmaasuq badan baa dhacay, xukumadda cusub waxay ku ballanqaaday in ay la dagaallanto, haddii ay xukumaddu tilmaami waydana xantuna way badanaysa mucaaradadduna way sii kordhaysa waana arrimo xasaasi ah oo dhib ku keenaya maaha xukumadda oo qudha ee dalka oo dhan dhammaantii.”

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.