“Haddii Kursi Jacayl I Hayo Miciin Maan Bideen Muddo Kordhin Ee Murashax Ayaan Noqon Lahaa Oo Waan Tartami Lahaa” Madaxwayne Siilaanyo.

0
“Cidda Tuhunsan Inaan Tab Iyo Xeelad Ka Dayayo, Towsta iyo Tabaalaha Qaylo-dhaanta Abaaraha, Waxaan U Cadaynayaa Inaan U Xusul Duubanahay In Doorashadu Ku Qabsoonto Xilligeeda” Madaxwayne Siilaanyo

Hargeysa (Sayruuq)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa soo bandhigay mar kale sida ay uga go’antahay qabsoomidda doorashada Madaxtinimo ee 2017 oo dadka naqdiya ay ku eedeeyeen inuu damacsan yahay qorshe uu mar kale dib ugu dhigay doorashooyinka dalka.

siiraanyo

Madaxwaynaha Siilaanyo oo shalay khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacbi waynaha Somaliland ayaa muujiyey inanu diyaar u ahayn in mar kale xukunka loo kordhiyo waxaana uu sheegay inaanu wax hamuun ah u qabin kursiga isla markaana uu yahay Madaxwayne wax qabtay oo sumcad fiican ku haysta shacbigiisa.

Madaxwaynaha oo ugu horayn ka hadlaya sida uu ugu dedaalayo in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto ayaa waxa uu yidhi “Nuxurka wax-ka-beddelka cusubi wuxuu noqonayaa in qodobbadan oo dhigaya in Lix (6) bilood ka hor lagu dhameeyo diiwaangalinta, laguna soo saaro Liiska Cod-bixiyaasha, lagu beddelo Lix (6) bilood gudohood in lagu dhamays tiro, laguna soo saaro Liiska Cod-bixiyayaasha. Tani waxay markhaati ma doon u tahay in aan ka soo horjeedo sabab kasta oo keeni karta dib u dhac ku yimaada doorashooyinka muddaysan”

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Cidda tuhunsan inaan tab iyo xeelad ka dayayo, towsta iyo tabaalaha qaylo-dhaanta abaaraha, waxaan u cadaynayaa in aan u xusul duubanahay in doorashadu ku qabsoonto xilligeedii, waxaanan leeyahay bishu hortiina ayey iman doontaa ee yaan la idinku adimin idinkoo hadal tiro iyo tow-tow gidaarada ka shubaya. Ma aaminsani, in magac iyo maamuus iigu kordhayo in muddo marba la ii kordhiyo.

Waxaan ahay Madaxweyne wax qabtay oo aan waji-gabax hayn. Waxaan ahay Madaxweyne, ay dadkiisu doorteen oo daacad u ah ka shaqaynta danahooda guud.

Waxaan ahay siyaasi afartan sanno in ka badan ummaddiisa u soo adeegayey utun la’aan. Sidaa darteed, haddii uu Kursi jacayl i hayo ama aan doonayo inaan halkan iska sii fadhiyo miciin kama dhigteen marba muddo kordhin ee murashax baan noqon lahaa oo waan tartami lahaa”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.