Haddaan Qabyaaladda Deyn Weyno If iyo Aakhiro Midna Meel Ku Yeelan Meyno

0
Haddaan Qabyaaladda Deyn Weyno If iyo Aakhiro Midna Meel Ku Yeelan Meyno

Haddaan Qabyaaladda Deyn Weyno If iyo Aakhiro Midna Meel Ku Yeelan Meyno

Qabyaaladdu waqtigii casral jaahiliga (aqoondarrada) ee Islaamka kahor ayey Carabtu isugu faani jireen reer hebelnimada, sidoo kalena ugu xoog sheegan jirtay mid kale oo uu ka qaadayey mood iyo noolba, taasoo weliba loo raacin jiray gabayo cay iyo digasho kii laga awood batay, waxayna gaadhsiisay qabyaaladdu heer aan waxba ka hooseyn ka dugaagga.

Waxa ay isku dhammeeyeen kibir ah anaa.. anaa…anaa, waxayna ku dembeeyeen kii qabiilkiisa ku faani jiray ee ku kibri jiray inta uu ka itaalka roon yahay iyo kii kale ee yaa reer hebelaay lahaaba meel cidlo oo ay silic, macaluul iyo darxumo ugu dhinteen intoodii badneyd.

Waxa ay garan waayeen in caqliga fayoobi shaqeeyo oo ay isweydiiyaan khasaare iyo faa’iido midka ay kasbeen ficilladoodii qabiilinimo ee dhaliyey in birta layska also oo dhiig badanina qulqulo, isla markaana dib u dhugtaan arrinkii laysku dilay in uu ahaa mid u qalmayey in intaas oo nafood in loo dilo iyo inuu ahaa arrin yar oo aan dhaafsiisneyn faan iyo anaa… anaa…. oo xataa haddii layska dhaafo aan wax kaga xumaanayaa jirin ama inuu ahaa mid u baahnaa kaliya in laga wada hadlo si layskaga bogsiiyo hadday tabashaba timid.

Carabtu iyagoo waqtigaa mugdiga iyo aqoon la’aanta ah dhex dabbaalanayey, ayaa marxaladdii Islaamka la soo gaadhay, waxa uu Nebi Muxammad [NNKHA] si ballaadhan uga wacyigeliyey Qabyaaladda, isagoo gaadhsiiyey siday EEBBE hortiisa ugu fool-xun tahay ku dhaqanka Qabyaaladdu iyo siyaabaha looga baahan yahay inay ugu fogaadaan ficilladeeda, isagoo u sheegay in hadday joojin waayaan ay hor tegi doonaan ILAAHAY iyagoo ka qadhmuun xaar-walwaalka.

Wacyigelintii iyo fidintii diintii Islaamka kadib, ayaa waxa ku xigtay marxaladdii ay horumarka ku tallaabsadeen Islaamku ee ka gaadheen culuunta kala duwan ee dhinacyada Beeraha, Caafimaadka, isgaadhsiinta gaar ahaana xagga badda, Injineeriyda iyo kuwa kale oo badan illaa ay ka gaadheen inay ku fidiyaan Culuuntaas oo kow ka ahayd barashada iyo qaadashada Diinta Islaamka ay ku fidiyaan dhammaan dacallada dunida ama qaaradaha oo dhan.

Reer Yurub laf ahaantooda waxa muddo hal qarni aan ka yareyn dhexdooda ka socday dagaallo lagu hoobtay oo ka dhashay ficiltan qabyaaladeed laga soo bilaabo qarnigii 18aad ilaa horraantii kii 19aad, kadib ayaa intii kasoo hadhay wada tashadeen oo meel iskaga tiiriyeen wax kasta oo ku lug leh ama xidhiidh la leh qabyaaladda.

Kaalintii Qabyaaladda waxa ay ku beddeleen, in intii isku mihnad ahiba sameystaan Urur ka hawlgala horumarinta iyo ilaalinta guud ahaan wixii danahooda ah. Sidoo kale ayey dalalku sameysteen Uurro ay qaarba dhinac iskugu baheysteen oo ay u dejiyeen sharciyo ay heshiis kuwada yihiin intii isku xulufada ahayd, sida Difaaca, Ganacsiga iyo Siyaasadda. Wixii intaa ka dembeeyey waxa ay reer Yurub cagta la heleen dhabbihii horumarka, waana taa ay ku hodmeen ee ay ku gaadheen bashbashka iyo badhaadhaha, taasoo maanta sababtey in shucuubta weli ku sii dheggan ku dhaqanka qabyaaladda oo aan ka mid nahay kuwa ugu horreeya, ay Ubadkoodii iyo ooriyahoodii badaha ku dhintaan maalin iyo habeenba iyagoo rajeynaya inay mar uun cagahooda dhigaan dhulkaa barwaaqada iyo badhaadhaha gaadhay, koodiina uga haajiraya gaajo iyo caafimaad la’aan uu sababay dhaqankooda siyaasadeed ee dunida kale ka tagtay dhawr Qarni ka hor.

Haddaba su’aasha meesha innoo taalaa waxa ay tahay sideen wax uga beddeli karnaa hab-dhaqankan siyaasadeed ee ku saleysan qabyaaladda oo sidaan filayo aan isla wada qirsanahay inteena badani inay innala hadhay oo qeyrkeena innaga reebtay? Siday nala tahay waxa la joogaa xilligii aan ka fikiri lahayn sidaan ula dagaallami lahayn qabyaaladda oo aan wada ogsoonahay, in if iyo aakhiroba u darran tahay oo aqoonta, midnimada iyo horumarkana ku tahay caqabad, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in meel looga soo wada jeesto la dagaallanka qabyaaladda, si aan uga baxno gacmo-hoorsiga, haddii kale aan ku jirno sidaan haatan nahay ee ah HADDAANU NAHAY BEESHA REER……………WELIGAYO YEELIMEYNO HADDAAN……………!

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.