Haddaan loo dhibrin, waa lagu dhib mudan!

0
Saxafi Barkhad M Kaariye

Haddaan loo dhibrin, waa lagu dhib mudan!

Inta badan dadku marka ay toddobaadkii oo dhan shaqeeyaan, intooda shaqaysaa, qaar ka mid ah oo awooddu u saamaxayso ayaa door bida inay tagaan badda Berbera. Jimcihii hore ayaa ka mid ahaa oo badda waxa isugu yimi dadweyne dhallaan, dhalinyaro iyo waayeelba lahaa. Qaarkood baa da’ ahaa oo kulaylka ciidda iyo biyaha badda u yimi. Shaqo dheer ka dib, badda ayaannu tagnay aniga iyo kooxdii aannu wada shaqaynaynay qaarkood. Markii muddo kooban aannu badda ku jirnay, dad badanina qaarkood markaa gelayaan, ayaa dhinaca cadceed ka-soo-baxa ay ka yimaaddeen saddex askari! Way nala hadleen, walow aanannu maqlayn, waxaannu u garannay badda ka soo baxa! Markaannu soo baxnay, baannu waydiinnay, “Maxaa dhacay?” Waxay yidhaahdeen, “Xilligan lama ogola in la dabbaasho!” Saacadda ayaan eegay, waaba 4:12 galabnimo! Cadceeddu aad bay u kululayd oo dadka qaar baa markaa yimi! Waxaannu u sheegnay inaannu badda ku noqonayno, hudheelka Maansoor na aannu degannahay! “Waayahay ee ha gelina intaannu dadka ka wada saarayno, way idin eeganayaane, markaa ka dib gala!!” ayay na yidhaahdeen. Way kaga dhabeeyeen oo dadkii oo qaarkood dhallinyaro ahi sawirro ku galayeen ka wada saareen baddii, sabab la’aan!.

Waa habeen kale iyo Hargeysa. Dabaqyada suuqa dhexdiisa ayaa marka gabbalku dhaco waxa fiidkii dhallinyaro wiilal ahi ku galaan sawirro. Malahayga iyo mar aan wareystay qaarkood ba, dulucdu waa in sawirradaa quruxda badan ay soo dhigaan meelo Facebook ka mid yahay. “Iyaguba waxay noo soo sawiraan Yurub, annaguna kuwan baannu tusaynaa!” Ayuu i yidhi wiil ka mid ah oo aan waydiiyay sawirrada waxay u gelayaan, isagoo sheegayay dhallinyarada tahriibtay ee ay qaarkood garanayaan iyo sawirrada ay soo dhigaan baraha bulshada. Nin askari ah oo aan u maleeyay inuu ilaalo ka ahaa dhismayaasha midkood, ayaa qori u rogtay oo dhallinyaradii oo laamida oo dhinaca dhismaha xigta sawirradii ku gelaya, kala eryay oo u diiday! Qaarkood baan arkayay iyagoo niyadjab ka muuqdo alaab ay siteen urursanaya, qaar doonay inay iska sasabaanna ay faro madhan kala yimaaddeen!

Dhacdooyinkaa iyo kuwo kale oo ka dhacay magaalooyinka kale ee JSL oo gaar u ah dhallinyarada iyo kuwo lala qabo ba, way jiraan oo dhacaan. Waxa u dambaysay arrintii Burco ee hudheelka cuntada ee Warsan iyo kuwo kale oo laga yaabo in akhriste aad ogtahay oo dhallinyarada dhaqdhaqaaqooda lagu cidhiidhi gelinayo, iyadoon la jihaynin. Waa dhab in wax kasta oo qalad ah oo dhallinyaradu samayso (Sababtoo ah inta habeenkii wax dhibtaa waa dhallinyaro, balse inaan la jihaynin baa qayb ka ah) waa in la toosiyaa, la saxaa, loonana caqli celiyaa! Hase ahaatee, in goob kasta iyo goor kasta culays la saaraa, lama mahadiyo. Waxa weheliya farogelin shisheeye oo dhallinyarada Somaliland ay dalal kale dano gaar ah oo ay ka leeyihiin ay rabaan inay u fuliyaan! Waa sababta aan u aaminsanahay in haddii Somaliland leedahay cadow waxyeeli kara ay yihiin dhallinyaro aan la jihayn oo u dhaxeeya, kuna hareeraysan yihiin; nin eryanaya oo leh ‘Car iyo wir’ waxaa samee, danayste siyaasi ah (Muxaafid iyo mucaaridba) oo maalinta uu dan leeyahay ku dano qumista iyo sidoo kale camal-la’aan aan qorshe waara loo samaynin! Waxa u dheer garoomadii ay lacag-la’aan ku ciyaari lahaayeen oo golayaal deegaan intooda badani wada iibsadeen iyo goobo medadaallo oo aan loo reebin!

Intaas oo isbiirsatay iyo in kale oo laga yaabo in qaarkiin iiga xogogaalsan yihiin baa dhallinyarada ku gedaaman! Ma arko baraarug dawladeed, mid ganacsato, mid waayeel iyo mid ururro toona oo arrintaa si rasmi ah diiradda loogu saarayo! Ma xuma in waxyaabaha dhaqanka iyo Diinta waxyeelaya looga digo, lagana horjoogsado, hase ahaatee waa inaanay noqon cabudhin ee ay raacaan in laga jawaabo baahiyahooda! Dhallinyaro qaraxdaa ka dhawaaq iyo dayaan dheer milyan qarxe oo mar wada qarxay! Ka waxyeello badan wax kasta oo dhaca, waana quwadda jihaynta togan u baahan.

Talo waxay ila tahay;

BOOLIISKU yaanay noqon kuwa cariya dhallinyarada ee dalka iyo dadkaba nacsiiya, ninkii doonayaana u adeegsado, waayo waxa la rabaa in ay iyagu noqdaan kuwa ugu nabadda jecel ee da’yarta la saaxiiba.

CULIMADU waa inay u-dhibrin iyo waano isugu daraan dhallinyarada ee aanay awood iyo ciidan la adeegsado ka dhigin xalka, waayo waxyeelladeeda ayaa ka badan waxtarkeeda.

XUKUUMADDU waa in awooddeeda aanay cid gaar ahi u adeegsan cid kale oo gaar ah, haddii dhallinyaro toosto na, cidda lagu toosayaa waa iyada ee qorshe iyo jihayn wakhti dheer jiraya ha la timaaddo. Qorshe ka gundheer afgobaadsi siyaasadeed.

GANACSATADU waxa la gudboon inay qayb ka noqdaan qorshayaasha horumarinta dhallinyarada iyo sidii loogu jihayn lahaa habfikirka wanaagsan. Haddii taa la waayo oo awooddaa aan la jihaynin, ogow dabaq dheer iyo ganacsi faa’iido lehi halis buu ku jiraa! Tab iyo xeelad mid ay tahayba, halis bay ku tahay dhallinyaradu kala-koridda iyo in dad gaar ahi macaashaan!

DHALLINYARADA waxa la gudboon in caqabad kasta iyo culays kasta oo waayaha nololeed ka sokow kaga yimaadda dhinacyada aynu soo sheegnay aanay ugu kicin wax waxyeelaya mustaqbalkooda iyo dalkooda, sababtoo ah dadkaa aan ka soo hadlay ee caqabadaha abuurayaa badankoodu waa dad mustaqbalkoodii soo qaatay, cidda ku mustaqbal iyo dal beelaysaa waa iyaga. In xalku noqdo fikir wanaagsan iyo aqoon lagu garramo ayaa ka wacan in duruufahaasi dalka inna nacsiiyaan amma ugu adeegno dalal shisheeye!

Haddaan loo dhibrin, dhib baa laga mudan doonaa.

Barkhad M. Kaariye

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.