‘Hadda Wixii ka Dambeeya Dawlad Midnimo Qaran in la Dhiso ayaa loo Baahan Yahay’

0

Guddoomiyaha UCID oo ka hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo ammaan ee dalka Somaliland

“Waxa loo bahan yahay in guddida doorashooyinka shaqadooda gacan lagu siiyo, waxa loo baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka dalka oo qodob qodob la isku dul taago, lana eegaa intii…”

Eng. Faysal Cali-waraabe

Hargeysa (Sayruuq)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii loo dhisi lahaa xukuumad wadaag ah oo dalka gaadhsiisa doorashooyin xor iyo xallaal haddii dawladdu fulin waydo heshiiskii saddexda xisbi qaran oo ahaa in doorashadu dhacdo bisha December 2016.

Faysal Cali Xuseen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey in sharciga lagu salaynayo heshiiska siyaasiga ah ee xisbiyada iyo xukuumaddu ka gaadheen waqtiga doorashooyinku qabsoomayaan, isagoo hadalkaasna sheegay maalintii Isniinta oo uu u baxay dhinaca Itoobiya.

Hasayeeshee, Guddoomiyaha UCID madaarka Hargeysa ugu waramays saxaafadda, kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku joogay dalka Jarmalka shalay, waxa uu tilmaamay in aanay qurux badnayn in madaxweynuhu ka hadli waayo qodobada sharciga ah ee isaga qabanaya.

“Madaxweynuhu markuu hadlayay wuxuu yidhi; ‘dalku sharci buu leeyahay.’ Waa run oo sharci ayuu leeyahay, dastuur buu leeyahay, laakiin maaha dastuurku in wixii isaga taabanayana ka boodo, wixii kalena sheego maaha. Dastuurku wuxuu leeyahay 5 sanno ayaa madaxweynaha la dhaariyay, 5-tii sannadood way dhammaadeen. Hadda wixii ka dambeeya dawlad midnimo qaran in la dhiso ayaa loo baahan yahay,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe, isagoo intaas ku daray; “Somaliland waxay maraysaa meel is-goys ah, waxaa ina horyaal arrimo badan, waxaanna loo baahan yahay in arrimahaas si wada jir ah looga tashado, haddaan arrimahaas la dhammayna waxaan filayaa in aanu mustaqbalka Somaliland qurux badnaanayn.”

Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale ku baaqay in si buuxda loo hirgeliyo heshiiskii saddexda xisbi qaran kala saxeexdeen bishii May ee sannadkan 2015, waxaannu yidhi;

“Waxaynu ognahay in heshiis ay gaadheen saddexda xisbi, heshiiskaa waa in la hirgaliyo. Madaxweyne-ku-xigeenku wuu nala saxeexay heshiiska, taa macnaheedu waxa weeye in xukumadduna ku jirto heshiiska, haddii aanay madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenku kala socon, laakiin, waxaan filayaa in xukuumaddu ku midaysan tahay ra’yigaas. Ilaa hadda doorashadii way laalan tahay, waxay ahayd in lagu tallaabsado meel marinta heshiiska saddexda xisbi.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sidoo kale hadlay waxyaabaha uu doonayo in wax laga qabto ka hor doorashooyinka, waxaannu yidhi; “Imika wixii ka dambeeya waxa loo baahan yahay in dawlad midnimo qaran ah la dhiso oo ka shaqaysa sidii diwaangelin fiican loo samayn lahaa, sidii sharciyada doorashooyinka loo samayn lahaa, sidii ay guddida doorashooyinku dib ugu eegi lahaayeen goobaha cod-bixinta oo lix sanno horteed la sameeyey, iyadoo magaalooyinkii kordheen, markii horena aannu u arkaynay in aanay si caddaalad ah u samaysnayn oo meelana la buuxiyey  meelana la yareeyey, waxa loo bahan yahay in guddida doorashooyinka shaqadooda gacan lagu siiyo, waxa loo baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka dalka  oo qodob qodob la isku dul taago, lana eegaa intii aynu wadnay wixii xumaaday ee aynu ku kala bixi waynay.

Waxa kaloo loo baahan yahay in laga tashado kuraasta baarlamaanka, doorkii ay  saddexda xisbi qaybiyeen (sannadkii 2005) waxa loogu talogalay in mar kaliya lagu galo doorashada, gobolo badan ayaana diidan in sidaas lagu galo, waana in arrintaas laga fadhiisto, waxa kale oo loo baahan yahay in wadahadalka Soomaaliya la joojiyo, maadaama oo aanay wax dawlad ah ka dhisnayn Muqdisho.”

Waxa kaloo Eng. Faysal Cali-waraabe ku taliyey in xal laga gaadho khilaafyada ka jira degaanno ka mid ah bariga Somaliland ka hor inta aan la gaadhin waqtiga doorashooyinka, isal markaana la dhamaystiro hawlaha badan ee u yaal dalka.

“Waxaa loo baahan yahay in arrimaha bariga iyo galbeedka si dhab ah loo soo afjaro. Haddii aan arrinta Boorama, Buuhoodle, Taleex ama Saax-dheer aan la dhammayn doorashada ka hor dee waxa weeye dalku wuu kala qaybsan yahay. Markaa waa in arrintaas la soo afjaro oo si dhab ah loo galo…Muddadaas sannadka iyo 6-da bilood ah waa in la qabto hawlo badan. Waxa ugu horeeya hawlahaas in dawlad la sameeyo, sababtoo ah dawladdan waxay muddo-xileedku ka dhammaanaysaa 26 June 2015,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali-waraabe.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.