“Haday Xukuumadu Ka Tanaasusho Muddo Kordhint,Anagu Kama Tanaasulayno..”

0

Hargeysa(Sayruuq)-Guddoomiye xigeenka 1-aad ee golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku dooday inaan golaha wakiillada ee guddoomiye Cirro hogaamiyaa ka tanaasuli doonin wakhtiga guurtidu u kordhisay ee ku siman April 2017-ka. Isla markaana wuxuu sheegayhaddii xukuumaddu ogolaanayso bisha december 2016 ay tahay hawl iyada u taala, balse aanay wakiilladu aqbali doonin wax ka duwan go’aankii guurtida.

Guddoomiye Baashe wuxuu sidaa ka sheegay mar uu warbaahinta ugu waramay magaaladda Hargeysa”Haddii Mucaaradku yidhaa goleyaashu ma jiraan, sharciga ayay ku gefayaan. Haddii qolada xukumaddu december doorashada qabsanayso, anaga teeramkayagu waxa weeye 20-ka April, 2017-ka, wakhtigaas baa golaha wakiillada loo kordhiyay. Doorashada wakiilladana waxay ka horaynaysaa bil oo 27 March inaanu doorashada u tartano ayuu sharcigu dhigayaa” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in go’aanka guurtidu dhacay sidaasna ku yahay sharci maadaama aanu Madaxweynuhu saxeex ku lahayn, waxaanu sidoo kale ku hanjabay inay go’aan gole ku soo saari doonaan inaan mucaaradku xisaanad lahayn, haddii mucaaradku sii wado dhaliisha goleyaasha”Markaa haddii sharciyaddii la diiday oo la leeyahay 27-ka July marka la gaadho dawladdi ma jirto, anaga Wakhtigayagu wuxuu ku eeg yahay March, 2017 oo aanu doorashada galaynaa, xukumaddu hadday december galayso waa fasax illayn iyagaa marka horeba wax la saxeexday Mucaaradkee. Xisbigii yidhaahda goleyaashu ma jiraan waxaanu u sheegaynaa inaanu odhan doono Xisbiyadu xisaanad ma leh, goleyaasha wakiillada iyo guurtida ayaa xisaanad leh, intaana waxaanu ka dhawrsanaynay inaanu nidhaa asxaabta mucaaradku ma jiraan oonu waliba go’aanno iyo sharciyo ku soo saaro hadday ka waantoobi waayaana way imanaysaa,” ayuu mudane Baashe.

 

Hadalkan guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada ayaa ku soo beegmaya wakhti ay xisbiyada mucaaridka ahi xukuumadda ku dhaleecaynayaan muddo kordhinta iyo wakhtiga dhammaaday.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.