Hadalka Cali Gurey Muuse Biixi Ku Taageeray Ma Mid Uu Garawshiiyo Uga Helay Weeraradiisii Horaa Mise Waa Mid Shinkiisu Gaadhay (faalo)

0

Hargeysa(Sayruuq)-Siyaasiga Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali-Gurey),ayaa inta ugu badan ee Bulshada Somaliland ku barteen labada qodob oo had iyo jeer aan ukala hadhin marka uu fagaare taagan yahey iyo marka uu Warbaahinta holado labadaba qodobadaas oo kala ah hadal aqoontiisa iyo afkaarta duridiisa Mucaaridnimo ee uu tilmaan kaga bixinayo duruufta Siyaasadeed iyo Maraaxilka taagan haseyeeshee,waxa jira qodob u sadexeeya oo mar walba lasocda Sooyaalkiisa Xisbiyada Qaranka kaas oo uu badheedhihiisa kusoo khatimo mar kasta oo wakhtiga Doorashooyinku soo dhawaadaan iyo marka uu shinkiisa ka ag dhawaanshaha Xukuumaduhu foosha soo dhigo.

Waa suurtagal in dad badani isweydiiyaan isabdelka fikirkiisa Siyaasadeed ee uu ku taageeray Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye ahna Murashaxa jagada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maadaama uu in badan oo hore iyo shaley oo qoyaneyd dhaliilo iyo haaraan aan yareyn ku beegsanayay Xisbiga uu Hogaamiyaha u yahey ee Kulmiye iyo Gudoomiyaha laf ahaantiisa oo uu had iyo jeer badheedhihiisa hadal cadaanta ahaa ku muujin jirey in aanu ogolayn Siyaasadiisa isagoo Mujaahid Cali Gurey wakhtiyadii Kulmiye sida ba,an loogu loolami jirey adeegsan jirey Kalmadaha ‘Korneylada’ iyo ‘Wadaadada’ oo Warbaahinta kaga sheegay falanqihiisa Siyaasadeed marka wax laga weydiiyo hiradankii jagada Murashaxnimo ee Kulmiye.

Mujaahid Cali-Gurey oo kamid ahaa Saraakiishii halgankii SNM islamarkaana, mudo badan ay rafiiq soo ahaayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),markii uu Gudoomiyaha SNM ahaa waxa ay dadka aqoonta ulihi sheegaan in qoontiisa Gudoomiyuhu soo taxneyd ilaa halgankii SNM sida laga dheehan jirey xiligii ay kuwada jireen Xisbiga Kulmiye Doorashadii Madaxweyne Siilaanyo ka hor.

Sikasta oo ay tahey,waxa ay dad badani aaminsan yihiin in aaney wax dhibaato ahi kujirin in uu wakhti xaadirkan taageero Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi haba ugu xisho halgankii adkaa ee ay soo wada mareen ee SNM iyo arimo kale oo doc iyo dareen ah labadaba laakiin waxa taa barbar socota qodobka sadexaad ee Bulshada Somaliland ku calaamadsadeen Mujaahid Cali Gurey oo ah kan uu kaga nasan lahaa lix sano iyo dheeraad uu Mucaarid xagjir ah ku ahaa Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye oo uu ka talaabay wax yar uun ka hor Doorashadii ugu dambeysay ee Madaxtooyada kadib markii uu isku dhiibay Xisbigii talada hayey ee Udub oo uu ka noqdey afhayeenka Xisbigaasi laakiin uu kamid ahaa shakhsiyaadkii markii ay kusoo biireen ku khaatumeystey guuldaradiisii Doorashada lagaga helay laakiin kaga nastey,wakhti kooban mucaaradnimadii uu Madaxweyne Siilaanyo kula soo aasaasey Xisbiga Kulmiye markii uu Mucaaridka ahaa  hadaba marka lagu soo gunaanado faalada Mujaahidka Kabixistiisii hore Kulmiye ku biiristiisa Udub iyo ku wareegistii Xisbiga Ucid raacitaankii Garabka Jamaal Cali Xuseen iyo fikirkiisa soo guuxaya ee dib u haabashada Kulmiye waxa ay kusoo af go,aysaa su,aasha la iska weydiinayo taageeradiisa Murashaxa Kulmiye ma mid uu garawshiiyo uga helay weeraradiisii horaa  mise waa mid shinkeedu gaadhey kunasashadii ka ag dhawaanshaha Xukuumada iyo Xisbigeedaa sidii Udub walow ay jirto qaaciidadii aheyd in aan loogu sadexayn labada isku raacey oo uu ku khaatumetsto halka guushu ka foorarto.

Xigasho:Hadhwanaag

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.