Hablihii qayilayey? Rag baa na waalay dee!

0

Hablihii qayilayey? Rag baa na waalay dee!
Waxa Qoray Maxamed Xirsi G. Abdibashiir

Horta balwadi waa balaayo. Qaadku waa daroogo. waa xaaraan. Waa denbi weyn. Waa Caafimaadxumo. Waa wakhti lumis. Waa dhaqaale burburiye. Waa qoys bi’iye. Waa ilko jajabiye.

Rag iyo dumar ciddii ku balowdaaba waa dhibbane. Laakiin haweenka oo qayilaa waa hooggii oo hoog kale ku darsamay. Xagga Alle waa isku mid rag iyo dumar kii cunaaba. Hablo mustaqbal sugayo, oo wakhtigii koobnaa ee tirsanaa ee taranta ku jira in la baleeyo ma habboonayn. Ma habboona haddeer, mana habboonaan doonto.

Ragow naxariis darrada ma iska waaninnaa? Hablow xishoodka ma isku waaninnaa? Bulshooy -guud ahaan- balwadda ma iska waaninnaa?

Habloow! dardaarankiinna waxa dhammeeyey macallinkeennii Hadraawi, isaga oo inantii Ubax ka dhigay tusaalihiinna. Waxa uu yidhi:

Shan afraad shan afraad
Birta kii ka aslaa
Oori deydeyayee
Aroosow magacaa?

Ilko dhiigle maxaa
Lagu aaminayaa?
Dhego awdan miyey
Odayeyntu gashaa?

Irdha qaado ragow
Naftaad aasi taqaan
Waad abuuri kartaa!

Rag miyaad Ubaxeey
Alabkiisa taqaan?
Asaydaada mar buu
Ashqaraar huwiyaa

Al-alooska gobeed
Waa ka aar gudashoo
Lama ooyo dhurwaa
Ishinkuu legdadee

Gabadh iilatay hooy
Ayaanteeda madow
Alwadkeedu ninkuu
Alalaas geliyaa
Uur ku taallada wuu
Wuu ka iidsanyahoo
Iman mayo halkuu
Ka alaabo gurtee
Ool waxay ka sidaan
Ergo waa ta dhahdee
Eedi hayga hadhee
Waan afeefanayaa.

Ubaxeey bahalaa
Ku ilaashanayoo

Ubaxeey hororraa
Ku ugaadhsanayoo

Araraa kugu dhow
Orgobaa fadhiyoo
Aarna waa gudayaa
Iimo kaa deyayaa

Geenyo aamus taqaan
Tuugba waa eryadaa
Mar baa ayrada geel
Oohow loogu digaa
Anfariirka dareen
Adhibaaba didee
Ahmin baa la gataa
Hilbahaaga Ardooy
Lama iibsan karee
Aanadaada ha deyn
Rag ul baa celisoo
Ka adkayso qudhay
Ammaantaadu tahee

Bulshadu waxa ay u baahantahay, olole xagga anshaxa, dhawrsoonida iyo waxbarashada diineed ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.