Hablihii Laga Afduubtay Magaalada Chibok Ee Dalka Nigeria Oo Boko Xaraam U Dagaalama

0

Chibok(Sayruuq)- Qaar ka mid ah gabdhihii Ciyaala Iskuulka ahaa ee laga afduubtay magaalada Chibok ee dalka Nigeria ayaa la sheegay inay u dagaalamaan kooxda Boko Xaraam, sida ay sheegeen xogo BBC-du heshay.

Xogaha ay heshay BBC heshay maa kuwo si rasmi ah loo xaqiijin karo  laakin, hay’adda xuquuqal iisaanka ee  Amnesty International waxay sheegeysaa inay jiraan gabdho kale oo Boko Xaraam qafaasheen oo lagu khasbay inay dagaallamaan.

 

219 gabdhood oo ciyaal iskuul ah ayaa weli la la’yahay muddo sannad ka badan kaddib markii laga qafaashay iskuulkooda oo ku yaalla waqooyiga Nigeria. Qaar badan oo gabdhahaas ka tirsan ayaa ahaa masiixiyiin, balse wakhti yar kadib markii la qafaashay waxay Boko Xaraam baahisay muuqaal muujinaya gabdhaha oo quraan akhriyaya.

 

3 dumar ah oo sheegay in lagu hayey isla xeradii lagu hayey gabdhaha Chibok ayaa u sheegay barnaamijka Panorama ee BBCda ka baxa in qaar ka mid ah maskaxda laga beddelay oo hadda ay ciqaabaha u fuliyaan mintidiinta.

 

Dr Fatima Akilu waxay madax ka tahay barnaamij ay Nigeria kula dagaallamayso xagjirnimada, waxayna gacanta ku haysaa ilaa 300 oo isugu jira dumar iyo carruur la soo samata bixiyey.

Waxay sheegtay garaacidda, jirdilka, kufsiga iyo guurka khasabka ah ay aad ugu baahsan yihiin xeryaha Boko Xaraam.

Waddada dib u soo kabashada ayey sheegtay inay tahay mid dheer oo dhib badan, inkastoo ay la shaqaynayaan koox iimaamyo ah oo aad u yaqaanna tabaha dadka looga masaxo waxyaabaha lagu maskax beddelay.

Waxaa kale oo caqabad ku noqon kara sida ay dumarka la soo badbaadiyo dib ugu laaban lahaayeen mujtamaca bacdamaa ay qaarkood uur u leeyihiin dagaalyahanno ka tirsan Boko Xaraam, ama weli laga qabo shaki weyn oo baqdin ku jirto.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.