HAB RAACA DALIILKA & HABOWGA CAQLIGA (QAYBTII 3AAD) W/Q Dr. Abdulqani Hussein Beder.

0

Qormooyinkani waxa ay falcelin u yihiin daandaansigii hore ee taxaddiga u eekaa, waana caqli celin iyo xumo caabin.

Waxaynu qormaddii ugu danbeysay kaga soo hadallay macnaha aayadihii uu mudane Ibraahin-Hawd Yuusuf u daliishaday arintii uu Nebiga Muxamed -Sallalaahu Calayhi Wasallam- ku sifeeyey, waxaan iftiimin yar ku sameynayaa macnaha aayadaha suurat Almuddasir ee uu daliishaday, naqli iyo caqliba waan idin la wadaagi.
{يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ (1) قُمْ فَأَنذِرْ (2) وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ (3) وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ (4) وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ (5)}
Aayadahan oo ah kuwa ugu horreeya suurat Almudasir, culimaduna ay ku tilmaamaan inay yihiin kuwii ugu horreeyey ee rasuulnimada iyo takliifka dacwadda saarey, (iyadoo hore loogu waxyooday aayadaha ku jira suurat Alcalaq oo Nebinimadiisu ka bilaabantay), ayuu Hawd u daliishaday, gaar ahaan labada aayadood ee ugu danbeeya
)وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ (4) وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ (5)
isagoo ku macneystay in nebiga laga waaninayo “inuu dharka nijaasta ah iyo sanam-caabudnimada ka dheeraado”, iyadoo kuwo kalena ku doodeen haddaanay nijaasi jirin maxaa layska daahirinayaa?, haddaanu xummaan ku dhex jirin maxaa loo amrayaa xumaha ka fogow
(كَبُرَتْ كَلِمَةً تَخْرُجُ مِنْ أَفْوَاهِهِمْ ۚ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبًا (5) الكهف.
================================================
Culimada tafsiirku fahamka nusuusta quraanka iyo sunnada Nebiga -Sallalaahu Calayhi Wasallam- waxa ay u dhigaan qawaacid loo raaco, inagoo qormo kale ku faahfaahin doonna aan si kooban u sheego qodobadan:
1- Nusuusta quraanka ama sunnadu waxa ay ka hadlaan arimaha la xidhiidha, caqiidada ama cibaadada ama mucaamalooyinka iyo akhlaaqda amaba akhbaarta aduun iyo aakhiro.
2- Aayadaha ama axadiista la xidhidha axkaamtu waxa ay tusiyaan shan arimood midkood, waajibnimo, sunne, bannaani, xaaraan ama makruuh.
3- Naska fahamkiisu waxa uu ku xidhan yahay:
• Hab-dhaca naska laftiisa (الصيغة), oo qaybo aad u badan ku timaadda una qaybsanta.
• Jiritaanka waxa loo yaqaano lammaanaha naska (القرآئن) oo iyana sidaa oo kale qaybo leh.
4- Quraanku isagaa is fasira oo laysku macneeyaa, waxa lagu fahmaa oo fasira xadiiska Nebiga SCW, waxa kale oo muujiya faham luuqadeed oo cad, intaas wixii ka soo hadhaa xaqa waxay u jiraan inta ay daliilka macneeyey iyo luuqadda muujisay ka waafaqaan.
Haddaba haddaynu qodobka 3aad qaadanno oo ujeedkeenna ah, aayadahan hab dhacoodu ma muujinayaa waxa uu hawd u daliishaday?- Sanamka ka tag aad caabudaysid – nijaasta maryahaaga ku taalla iska daahiri?
Hawd waydiin maayo oo waa kii sida fiican cafiska u codsaday waxaanse su’aashan oo jawaabteedu tahay laba daran mid dooro waydiinayaa kuwa meelahaas wax ku qorqoraya ee wixii uu ka cudurdaartay weli difaacaya ! !
Si aan akhyaarta meel dhow wax uga tuso una muujiyo sida wax laysugu walaaqayo afmiishaarnimo awgeedna aqoon loogu sheegayo, haddiise loo fiirsado ay soo shaac baxayso in doodahaasi -sida tan oo kale – ka liita xuub caaro, waatan su’aashu:
Nebiga -Sallalaahu Calayhi Wasallam- marka sidan loola hadlayey oo aayadahan aad dalishatay ku soo degayeen ma nebi buu ahaa mise muu ahayn?
– Haddaad tidhaahdo muu ahayn nebi, waxaan ku odhanayaa oo miyaanay ka hor ku soo degin oo loo waxyoon aayadaha ugu horreeya suurat Alcalaq ee quraankaba ugu soo hor degay?
{اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ (1) خَلَقَ الْإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ (2) اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ (3) الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ (4) عَلَّمَ الْإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ (5).}
– Haddaad tidhaahdo haayoo nebi buu ahaana, aan ku idhaahdo oo ma isagoo nebi ah ayuu nijaas ku jiray ama sanam caabudayey?
Caqligii fekeraayey ee furraa mee?
Haddaan quraanka kugu celiyo na bal aayaddan ka waran:
{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا آمِنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَالْكِتَابِ الَّذِي نَزَّلَ عَلَىٰ رَسُولِهِ وَالْكِتَابِ الَّذِي أَنزَلَ مِن قَبْلُ ۚ وَمَن يَكْفُرْ بِاللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا بَعِيدًا سورة النساء الاية: 136}
“Kuwii Alle rumeeyayow, Alle rumeeya”
Hadda u fiirso waxa la amray inay Alle rumeeyaan, markaa macnaheedu gaalay ahaayeen sow maaha?, maya maya, sowtan iimaanka loo qirey ee loogu yeedhay “kuwii Alle rumeeyayow”?
Waar aynu quraanka baranno oo culimada kala kulanno intaynaan iska hor iyo dabo keenin, ka dibna aynaan ku dawakhin.
Intaa haddaad fahanto ogsoonow, inaanay macnaha aayadahani marnaba tusinayn luuqad ahaan iyo sharci ahaan toona in nebigu sanamyo caabudi jiray ama nijaas ku dhex jiray oo aayadahani ka reebeen.
Weli far baa ii taagan, wax baa se igu leh, arintan halkaa ku jooji, ama ugu yaraan yara haki.
Dr. Abdulqani Hussein Beder.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.