Ha Loo Sheego Qolada Shaqadan Leh in Waxa La Ilaalinayaa uu Yahay Wax La Yidhaa Dhaqaalaha Dalka!!!

0
Ha Loo Sheego Qolada Shaqadan Leh in Waxa La Ilaalinayaa uu Yahay Wax La Yidhaa Dhaqaalaha Dalka!!!
Prof Cabdi Cali Jaamac

Ha Loo Sheego Qolada Shaqadan Leh in Waxa La Ilaalinayaa uu Yahay Wax La Yidhaa Dhaqaalaha Dalka!!!

Wuxay inoogu sheekeeyaan maalin walba lacagtii dalka ayaanu qiimo u yeelay?; yaa u sheega in lacagta waddanka oo qiimo yeelataa aaanay ahayn xal dhaqaale markasta. Mareykanku wuxu khadyaan ka taagan yahay Shiinaha oo lacagtiisa ogaan u qiimo rida!!!!

Muxuu shiinuhu Sidaa u yeelaa?; wuxu sidaa u yeelaa waxa weeye qiimaha lacagtiisa oo hoos u dhacda ayaa dan u ah dhaqaalihiisa, sidaa darteed ogaan ayuu u qiimo ridaa, taasina waxay ka cadhaysiisaysaa Mareykanka oo ay dhibaato dhaqaale ku tahay; waad maqasheen “currency war”

Sidaa darteed, caamada ayaa loogu sheekeeyaa lacagteenii ayaanu qiimo u yeelay; maxaa yeelay waa dood qofka aan dhaqaalaha waxba ka aqoon lagaga faa’iidaysan karo dareenkiisa waddaniyadeed!!!!; Economics is not Propaganda; it is a science!!!

Haddaba, waxa jira wax dhaqaale la yidhaa; isagaa la ilaalinayaa; haddii ay u fiican tahay in lacagta la qiimo rido, waa la qiimo ridaa; haddii ay u fiican tahay in qiimo loo yeelana, waa la adkeeyaa lacagta; taas macnaheedu waxa weeye in dollarkana la qiimo rido.

Ha Loo Sheego Qolada Shaqadan Leh in Waxa La Ilaalinayaa uu Yahay Wax La Yidhaa Dhaqaalaha Dalka!!!
Prof Cabdi Cali Jaamac

Ugu danbayntii, haddii aad i fahantay, xaaladdeena immika uma fiicna dhaqaalaheena in lacagteena aan adkayno, ama qiimo u yeelo. Waxa u fiican dhaqaalaheena in meel cayiman la fadhiisiyo sarrifka; I am saying this with professional authority and you are saying the opposite out of your administration authority; however, any successful administration should listen to professional authority.!!!!

Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.